Araweelo News Network

Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi

Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi

Ceel-Afweyn ( ANN ) Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey degemada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag.
Wasiirka Madaxtooyada iyo waftiga uuu hogaaminayo oo safar shaqo oo la xidhiidha wafti galinta iyo dardar galinta diiwaangalinta codbixiyeyaasha Somaliland u jooga gobolka Sanaag ayaa soo dhawaynta loo sameeyey ka dib kulan balaadhan la yeedhay dadweynaha degmada Ceel-Afweyn.

Maxamuud Xaashi2

Maxamuud Xaashi2


Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa dadweynahaasi u jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo uu kaga hadlay diiwaangalinta, wada Ceerigaabo iyo horumarka degmadaasi waxana hadaladiisii ka mid ahaa “ Farxad wayn ayey maanta noo tahay in aanu idiinku nimaado kormeer hadaa tihiin dadweynaha ku dhaqan degmada Ceel-afweyn oo aanu idinla qaybsano dareenka diiwaangalinta. Waxaanu idiinka mahad celinaynaa sidii diiranayad ee aad noo soo dhawayseen, waxaanu idinku hambalyeynaynaa idinkuna bogaadinaynaa isku duubnida, nabad galayada, wax qabsiga iyo dhismaha deegaankan dadku ka wado, iyo isuku tashiga waxaanu leeyahay hambalyo. Waxaanu u soconay waftigayagani inaanu dardar galino dadweynaha-na ku guubaabino diiwaangalinta codbixiyeyaasha in laga qayb qaato, gobolkani waa gobolka ugu weyn Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu leeyahay waayo badan oo dhulka oo kala fogi ka mid yahay, sidaa daraadeed Xukuumad ahaan waxaanu dhiiri galinaynaa, oo jecel nahay in aanu xooga saarno sidii diiwaangalintu ay gobolkan ugu qabsoomi lahayd iyo sidii dadka fariintaas loo gaadhsiin lahaa.”
Mr. Xaashi ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ Maanta diiwaangalin iyo guubaabo ayey wadnaa, anana faani mayno, marka Xukuumadda xisbiga KULMIYE ay faani doontaa way iska iman doontaa, waana la xisaabtamayaa qof kasta oo muwaadin ahina fartiisaas ayuu ku ciil baxayaa, kuu doonana wuu ku ridayaa kuu doonana wuu ku soo saarayaa, waayo waxa aynu ka soo gudubnay inaynu xoog wax ku kala qaado, ileen ma kala xoog badnaan doonee, nidaamkaas geedi socodka dumuquraadiyada ayeynu dooranay inuu is badal siyaasadeed ku yimaado. Xukuumadda xisbiga KULMIYE haday dalkan horumar badan u keentay, oo ah sida dad badani aamin san yihiin, aniguna aanu qabno inaanu haysano kalsoonida shacbiga, angoo todobada sano tallada dalka haynay, hadana waxa iman doonta maalin lays qiimeeyo.”
Wasiirka Madaxtooyada JSL ayaa geesta kalena ka hadlay Baahiyaha Gobolka Sanaag waxaanu yidhi “ Gobolka Sanaag waa gobol ka dib dhacay gobolada Jamhuuriyadda Somaliland, wuxuu u baahan yahay in kor loo soo kociyo, Xukuumadda KULMIYE waxay samaysay qorshe ay kor ugu qaadayso gobolkan, waxana aaminsan nahay oo run ah in aanu wax badan gobolkan ka qabanay, wax badana waa u soo socdaan. Degmadan Ceel-Afweyn markaan is tultaago waxaan maqlayey rag waaweyn masuuliyiin ah oo mucaaridka ka tirsan oo leh gobolka Sanaag wax looma qaban oo beeninaya xaqaa’iq jira laba mid uunbay doodaasi salka ku haysaa, ama waa Rag aan xogagaal ahayn oo xaqiiqada ogayan, ama waa rag is indha tiraya oo cadceedaas dusheena taagan dafiraya oo doonaya inay sacabka saaraan.”
Mudan Maxamuud Xaashi ayaa ugu dambayntii ka hadlay wax qabadka ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka hir galisay Degmadaasi waxaanu yidhi “Degmada Ceel-Afweyn waxay ka mid ahayn degmooyinka qaranka Somaliland ugu waa weyn waxa la bixiyey 1964, darajadeedu waa B, waxa ay la mid tahay Saylac, Oodweyne iyo Badhan, degmadaas gaamurtay oo ah degmada Somaliland ugu dhulka weyn, Xukuumadda KULMIYE waxay timid iyadoo degmadani aanay gaadhi Boolis lahayn, mid maamulna ma lahayn, horumarkeeda oo dhami wuu liitay, maanta maxaa ku soo kordhay? Intii Madaxweyne Siilaanyo tallada dalka hayey waxa Ceel-afweyn u soo kordhay cidina dafiri kari mayso, waxa u soo kordhay mashruucii u waynaa dalka oo ah kaa wadada ee ka wada markhaati furaysaan, dhulka ugu balaadhan ee ay mari doontana waa degmadan, waxa u soo kordhay biyo macaan, awal biyo qadhaadh ayaa ka caban jirteen, waxaanu qorshaha qaranka ku darnay in biyo macaan degmadan loo helo, maanta waxa la soo dhamays tiray in 30KM in ku dhaw biyo macaan laga soo qaado, mashruucaas waxa iska kaashanaya Xukuumadda Somaliland iyo sanduuqa horumarinta ee SSDF, waxa ku baxaya lacag Malyuun iyo dhawr boqol oo kun oo Dollar ah. Mashruuca kaas ka weyn ee Ceel-afweyn lagu fulin lahaa yaa ii sheegi kara?. Geesta kale dugsiga sare ee Ceel-afweyn wuu jiray laakiin wuu koobnaa ILAHAY mahadii qayb labaad ayaa lagu daray, dugisigii dhaxena waa la kordhiyey, maanta waxa jooga intaas oo gaadhi oo Xukuuumaddani bixisay si loogu adeego Umadda, maaha si loogu raaxaysto, Gaadhi boolis, mid maamul iyo mid nadaafada ka shaqeeya, “ Aduun waa ina xisaabeed, qoonina fagaare ayey ka war sheegataa,” Reer Ceel-afweyn waa daw inay nala xisaabtamaan anaguna waanu xisaabtamaynaa. Waxaan uga jeedaa Xukuumadani waa tii horumarka taa macnaheedu maaha in Ceel-afweyn dharagtay oo aan qabyo jirin, waxaanse leeyahay horumarka gobolka Sanaag in aanu ka hadalno xaq ayaanu u leenahay, bulshaduna waxay xaq u leedahay inay baahideeda noo sheegto, inay na dhaliisho inay na toosiso intuba waa daw, waxaanu nahay Xukuumad bisil oo u maskax furan waxyaabahaas oo dhan.” ayuu yidhi Maxamuud Xaashi.