Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Roobab Mahiigan ah oo meelaha qaar wata Duulaan, ayaa xalay ka curtay deegaamo ka mid ah Somaliland Iyo meelo ka mid ah Maamul goboleedka Puntland.

Roobab mahiigaanno ah oo da’ayay Ilaa xalay ayaa meelaha qaar hayay dhawr Iyo toban saacadood, deegaanada Bariga Iyo galbeedka Somaliland, ayaa si weyn looga dareemay roobabka, waxaana la sheegayaa in xeebaha gobolka Sanaag ay baddu aad u kacday, Isla markaana ay jiraan Laashash ay waxyeelo gaashiiyeen dhinaca Laasqoray.

Dhinaca xeebaha Xiis Iyo Maydh ma Jiro wax Khasaare ah oo laga soo sheegay, walaw ay isgaadhsintu adag tahay, balse dadka deegaanka, ayaa sheegaya in roobabku weli hayaan oo ay jirto cabsi weyn oo dadku ka qabo roobabka oo wata duufaan.

 

Deegaamada Maamul goboleedka Puntland, waxaa jira warar sheegaya In ay  khasaare ka geysteen deegaanno ka tirsan maamul goboleedka Puntland.

Waxaana Ilaa hada la xaqiijiyay in ugu yaraan Labo qof  ay ku dhinteen deegaannada Bari ee Puntland ka dib markii ay daadad ka dhashay Roobabka galaafteen, sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha Puntland Maxamed Cali Nuur Juba.

 

Hay’adda cunnada iyo beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobay ee FAO ayaa sheegtay in la filayo in ay mahiigaannada ka da’aya qaybo ka mid ah Puntland iyo Somaliland ay ka sii daraan labada maalmood ee foodda inagu soo haya, waxayna roobabku bilaabmeen maalin kadib markii digniinta laga soo saaray duufaanta iyo roobabka mahiigaanka ah.