Araweelo News Network
gantaalrashiaMoscow (ANN)Dawladda Ruushka, ayaa si rasmi ah daboolka uga qaaday inay diyaarisay gantaal halis ah oo noqonaya ka ugu weyn caalamka oo dhan waqtigan, kaasoo si fudud u burburin kara dalalka Ingiriiska, Faransiiska iyo caasimado badan oo ku yaal qaaradda Yurub, halka uu sidoo kale dhulka la simi karo magaalooyin waaweyn oo Maraykanka ah.
Fariin qoraal ah iyo muuqaalo sawirro ah oo lagu baahiyey hay’ad warbaahineed oo ay leedahay Wasaaradda Difaaca Ruushka, qaybo ka mid ahna wargeyska Jamhuuriya soo xigtay xalay, ayaa lagu caddeeyey in la dhammaystiray farsamaynta gantaal magaciisu yahay RS-28 Sarmat, waxaannu mar qudha xambaari karaa 16 xabo oo madaxyada nugliyeerka ah, kuwaasoo 2 kun oo jeer ka awood wayn bamkii nugliyeerka ahaa ee lagu dhuftay magaalooyinka Hiroshiima iyo Nagasaki ee dalka Japan sannadkii 1945-kii.
Gantaalka casriga ah ee Ruushku soo saaray (RS-28 Sarmat missile) oo dalalka Isbahaysiga NATO markii ay ka fajaceen u bixiyeen naanays ah shaydaankii labaad (Satan 2), waxa oo halkii ilbidhiqsi (per second) socon karaa qiyaas dhan 4.3 mayl amma 7km, isagoo gaadhi kara fogaan ah 6,213 mayl, una dhigma 10,000 km (toban kun oo kilomitir), taasoo millatariga Ruushka u saamixi karta inay si fudud duqeeyaan, una burburiyaan caasimadda London ee dalka Ingiriiska, dalalka kale ee qaaradda Yurub, qaybo ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee ku yaal xeebaha galbeedka iyo bariga waddanka Maraykanka, sida caasimadda Washington, New York, Los Angeles, California iyo qaybo dhan oo dalkaas ah.
Sida lagu sheegay xogta ka soo baxday Wasaaradda Difaaca ee Ruushka oo wargeyska Jamhuuriya soo xigtay, waxyaabaha uu gantaalkan cusub cajiibka ku yahay waxa ka mid ah inuu leeyahay awood uu kaga dhuunto amma isaga qariyo hannaanka difaaca gantaalaha (anti-missile shield systems), halka uu sidoo kale qalabka raadaarku aannu lahayn awood uu ku arki karo gantaalka nugliyeerka xambaara ee Ruushka, kaasoo loogu talogalay in la ogaado oo qudha marka uu ku habsado bartilmaameedkiisa.
Madaxweynaha Ruushka Mr. Vladimir Putin, ayaa go’aamiyey inuu gantaalkan cusub ee halistiisu badan tahay ku beddelo gantaalihiisa nugliyeerka qaada ee la yidhaah SS-18 amma shaydaanka koowaad (satan 1), kuwaasoo la naqshadeeyey sannadkii 1988-kii, isla markaana qudhoodu yihiin qaar halis badan oo lagu weerari karo qaybo ka mid ah Maraynkanka, iyadoo gantaalka qudha loogu talogalay inuu mar qudha dillo 4 milyan oo qof.
Saxaafadda ka soo baxda dalalka Ingiririiska iyo Maraykanka, gaar ahaan wargeysyada Dailymail iyo New York Times, ayaa tilmaamay in hubka casriga ah ee Ruushku yahay digniintii ugu weynaynd ee ku waajahan dalalka reer galbeedka, waxayna arrintani ku beegan tahay waqti Maraykanka iyo Ruushku si xoogan isugu khilaafsan yihiin colaadaha ka taagan dalka Suuriya.