“Xukuumadda Riyaad waxay diiday dalabka qaramada midoobay iyo Ethiopia, waxayna ku daabulay Addis Ababa Muhaajiriin aanay xaaladdooda Caafimaad sugnayn

 Warbixin: By. Carraale M Jaamac Freelance Journalist and Human Rights Activist.

New York(ANN)-Qaramada Midoobay ayaa uga digtay Xukuumadda Riyadh ee Sacuudiga inay dalkeeda ka masaafuriso  kumanaan muhaajiriin Itoobiyaan ah, kuwaas ay halis galinaya faafitaanka caabuqa Coronavirus, waxayna Qaramada Midoobay ugu baaqday inay Sacuudigu joojiyaan dhaqankaa.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Socdaalka (IOM), ayaa Isniintii sheegtay in Sacuudi Carabiya ay ilaa hadda masaafuriyeen 2,870 muhaajiriin Itoobiyaan ah, kuwaas oo la geeyay Addis Ababa tan iyo markii uu bilaabmay cudurka sida xun ugu faafaya aduunka ee Coronavirus.

Hawl-wadeen  samafal oo ka hadlay xaaladda magangalyo-doonka la masaafuriyay, ayaa sheegay  in qiyaastii 3,000, oo muhaajiriin Itoobiyaan ah laga dejiyay Addis Ababa, tobbankii maalmood ee u danbeeyay, kuwaas oo laga soo daabulay si khasab ah dalka Boqortooyada ee Sacuudiga.

Catherine Sozi, oo ah isuduwaha gargaarka bini aadminimo ee Qaramada Midoobay u qaabilsan  Ethiopia,  ayaa sheegay in masaafurinta muhaajiriinta aan caadiga ahayn ee Itoobiyaanka ah la geeyay xilligan ay yihiin kuwo aan loo diyaarin waxba.

“Dhaq-dhaqaaq ballaadhan oo guuritaan ah, oo aan la qorshaynin waxba, waxay arinta ka dhigaysaa gudbinta fayriska inay aad ugu dhowdahay inuu sii socdo. Sidaa darteed waxaan ku baaqaynaa in si ku meelgaadh ah loo joojiyo masaafurinta baaxadda weyn, ”ayuu raaciyay Sozi oo ah sarkaal ka tirsan qaramada midoobay.

Masaafurinta ayaa in la raaco shuruucda caafimaadka, waxayna kusoo beegantay, iyadoo xaaladda caafimaad ee dadka soo laabanaya ay walaac ka qabaan dowladda Ethiopia, maadaama aannay caddeyn sida ay mas’uuliyiinta Sucuudiga uga baadhayso cudurka loo yaqaan Coronavirus dadkaa ka hor inta aannay ka masaafurin dalkeeda.

Catherine Sozi, ayaa sidoo kale sheegay in dawladda Ethiopia ka codsatay  dawladda Sacuudiga inay joojiso  dadka ay kusoo masaafurinay ilaa ay xaaladda u diyaar garoobayaan oo ka dhisayaan 30 xarumood oo lagu geliyo karantin, kuwaas oo laga dhisayo goobo ku yaal caasimadda Addis Ababa.

 Xukuumadda Riyaad,  ayaa  dhegaha ka furaysatay dalabka Addis Ababa, waxayna sii wadday masaafurinta dadka ay kusoo daabulay Itoobiya, iyadoo xukuumadda Ethiopia, ay culays weyn ku tahay arrintan, isla markaana ay hayaan xilligan toddoba goobood oo keliya oo karantiin lagu gelinkaro dadka muhaajiriinta ah ee lagu soo celinayo dalkooda.

Urur samafal  ah, oo codsaday inaan magaceeda la sheegin, ayaa sheegay inay ka cabsi qabaan in soo noq-noqoshada duulimaadyada iyo tirada dadka musaafiriinta badan ee ku lugta leh ay carqaladayn karaan nidaamka karantiin ee Itoobiya.

“Tallaabooyinka karantiin ee hadda jira waxay u baahan yihiin in la wanaajiyo, shaqaalaha caafimaadka ee hadda jirana waxay u baahan yihiin in la kordhiyo oo si wanaagsan loo diyaariyo oo loo qalabeeyo si loo caawiyo… dhammaan muhaajiriinta dhowaan yimid,” ayay yidhaahdeen kooxda gargaarka.

Muhaajiriintan ayaa ah kuwo aad u nugul. Waxay qaateen safar aad khatar u ah qaar badanina waxay yimaaddeen Itoobiya iyagoo qaba baahi caafimaad iyo mid maskaxeed oo aad u sarreysa. ” ayay tidhi kooxdu.

Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee Golaha Qaranka ee Maaraynta iyo Isuduwidda Arrimaha Bani’aadamnimada ee Yemen, Abdulmohsen Tawoos, ayaa Khamiistii xaqiijiyay, in Sacuudi Carabiya ay dalkeeda ka masaafurinay dadka uu haleelay caabuqa Coronavirus, kuwaas oo loo masaafurinayo Yemen iyo dalal kale.

Sacuudiga Oo Masaafurinaya Dadka Qaba Coronavirus, Saraakiisha Yemen Oo Shacbiga Uga Digay Inay Qaataan Gafuur-xidhka Sacuudigu Qaybinayo | Araweelo News Network

Coronavirus oo ah xannuun si weyn dunidu uga qaylisay, ayaa sababa dhimasho, isagoo weerrara neef-mareenka, waxaana la rumeysan yahay inuu ku soo ifbaxay magaalada Wuhan ee Shiinaha dabayaaqadii sannadkii hore.

Fayriska ilaa hadda waxa uu haleelay 1,903,073 qof oo adduunka oo dhan ah, in kabadan 118,362 ayaa u dhintay, sida lagu sheegay mid ka mid ah meelaha lagu diiwaangeliyo oo lagu magcaabo worldometers.info.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya, oo ay ku noolyihiin 30 milyan oo qof, ayaa illaa iyo hadda shaaciyay 4,934 xaaladood, kuwaas oo la xaqiijiyay inuu haleelay cudurka loo yaqaan Coronavirus, iyadoo 65 ay dhinteen, halka Itoobiya, oo ay ku noolyihiin dad gaadhaya 105 milyan, ay ilaa hadda shaacisay 74 xaaladood oo caabuqa Coronavirus iyo saddex qof oo dhimasho ah.