• Muwaadiniinta Yemen waa in aannay taabtaan ama xidhtaanMaaskaraha Sacuudiga iyo xulufadiisu qaybinayo.” Dhaifullah al-Sham, Wasiirka Warfaafinta Yemen.
  • Yemen Kisii u horreeyay ayaa lagu arkay caabuqa COVID-19.

Warbixin: By. Carraale M Jaamac Freelance Journalist and Human Rights Activist.

Sana’a (ANN)-Xoghayaha Guud ee Golaha Qaranka ee Maaraynta iyo Isuduwidda Arrimaha Bani’aadamnimada, Abdulmohsen Tawoos, ayaa Khamiistii xaqiijiyay, in Sacuudi Carabiya ay dalkeeda ka masaafurinay dadka uu haleelay caabuqa Coronavirus, kuwaas oo loo masaafurinayo Yemen iyo dalal kale.


Sarkaalka, Arrimaha Bani’aadamnimada, Abdulmohsen Tawoosin, ayaa sheegay in hay’addaha amniga ee Sacuudigu ay sameynayaan dadaallo ballaadhan oo ay doonayaan inay ku xakameeyaan caabiqa COVID-19, ee ku faafaya Sacuudiga, isla markaana ay ku habaynayaan sidii ay dadka qaba Coronavirus uga masaafuriyaan dalkooda, iyadoo dalka Yemen ka mid yahay meelaha dadkaa loo masaafurinayo.


Tawoos wuxuu u sheegay Almasirah in “kuwa la hareereeyay ee Yemen aannay awoodi doonin inay wajahaan Coronavirus sida Shiinaha, isagoo tilmaamay in isbahaysiga cadowga uu adkaynayo xannibaadda , isla markaana diiday inay oggolaadaan soo gelitaanka gargaarka.”


Abdulmohsen Tawoos wuxuu intaa ku daray “Ururka Caafimaadka wuxuu bixiyay oo keliya 30 aaladaha tijaabada kuleylka ah ee lagu eeggo xaraarada qofka, waxayna u baahan tahay in la helo kiisas cudurka si loo diro gargaarka.”, ayuu yidhi, Abdulmohsen.

Xoghayaha Guud ee Golaha Qaranka ee Maaraynta iyo Isuduwidda Arrimaha Bani’aadamnimada, Abdulmohsen Tawoos


Dalka Yaman kiiskii ugu horreeyey ee cudurka coronavirus, ayaa lagu arkay shalay, iyadoo dalka Yemen la ciir-ciirayo dagaallada daba-dheeraaday iyo duqaymaha xulufada Sucuudigu ka wadeen shantii sannadood ee u danbeeyay.


Waxaana laga soo sheegay in koonfurta gobolka uu ka taliyaan ee ku jira gacanta maleeshiyada uu Sacuudigu maalgaliyay ee daacad u ah Madaxweynihii hore ee dalka Abd Rabbuh Mansur Hadi.


Guddida ugu sareeya ee xaaladdaha degdegga ah ee qaran, sida caabuqa ‘COVID-19’ ee Yemen ayaa ku sheegay qoraal uu soo dhigay boggiisa Twitter-ka Jimcihii, in kiiska laga helay gobolka Hadramaut ee saliida laga soo saaro.


Guddida ayaa sheegay in bukaanka qaba cudurka loo aqoonsaday COVID-19, ku suganyahay magaalada dekada ah ee Ash Shihr ee gobolka Hadhramaut, isla markaana uu ku jiro xaalad deggan, halkaas oo lagu daryeelayo.


Guddoomiyaha gobolka, Farag al-Bouhsni, ayaa boggiisa Facebook ku sheegay in aaggaasi laga dhigi doono bandow qayb ahaan dhammaan shaqaalaha ka hawlgala dekedda magaalada ayaa la karantiimayay 14 maalmood, wuxuuna intaa ku daray in gobolka Mahra ee deriska la ah Hadramaut uu xidhay soohdintii ay la lahayd Hadramaut.
Maamulka ayaa amar ku bixiyay in la xidho dekadda Ash-Shihr muddo toddobaad ah, isla markaana la sameeyo olole ballaadhan oo nadaafadeed, waxayna ku amreen shaqaalaha in ay guryahooda joogaan laba toddobaad.

Sidoo kale, waxa deegaanka lagu soo rogay bandow 12-saac habeennimo ah, taas oo saamaynay dhammaan degmooyinka gobolka, laga bilaabo 6:00 p.m.


Gobolka Saliida qaniga ku ah ee Hahramaut, ayaa muddo dheer kala qaybsanaa, waxayna Magaalooyinka xeebta ah ku jiraan gacanta Malayshiyada daacadda u ah Hadi, halka qaybo ka mid ah magaalooyinka gudaha ay gacanta ku hayaan kooxda al-Qaacida ee Jasiiradda Carbeed (AQAP).


Toddobaadkii la soo dhaafay, Wasiirka Warfaafinta Yemen ayaa ka digay suurtagalnimada in gafuur-xidhka (Maaskaraha wejiga) ee ay qaybinayaan diyaaraha dagaalka ee Sacuudiga ee ku waajahan Sanca iyo magaalooyin kale ay ku dhici karto inay yihiin uu ka buuxo cudurka Coronavirus, isagoo ku booriyay xarumaha warbaahinta iyo dadka u ololeeya inay faafiyaan wacyigelinta khatarta caabuqa COVID-19, ee khatarta ah ee ay leeyihiin gafuur-xidhka (Maaskaraha wejiga) ee ay qaybinayaan Sacuudiga iyo xulufadiisa.

Dhaifullah al-Shami, ayaa sheegay xaqiiqda ah in isbahaysiga uu hoggaamiyo sacuudiga ay Yemen u rogeen meeshii ay ka dhacday dhibaatadii bini’aadannimo ee aduunka ugu xumayd sannadihii qalalaasaha millatari ee dagaalka weli socda, sidaa awgeed, waa wax lala yaabo in la arko xooggaga isbahaysiga oo meelaha ay maamulaan u qaybinaya gafuur-xidhka (Maaskaraha wejiga), caasimada iyo dhowr meelood oo kale oo Gobollada Yemen, sida ay sheegtay hay’adda kormeerka saxaafadda ee Bariga Dhexe.


Mr. Shami wuxuu ku boorriyay warbaahinta iyo dadka u dhaqdhaqaaqa samaha inay uga digaan muwaadiniinta Yemen inay taabtaan ama xidhtaan gafuur-xidhka (Maaskaraha wejiga), ee Sacuudiga iyo xulufadiisu qaybinayo.


Dhinaca kale, saraakiisha Xuutiyiinta, ayaa horre uga digay in gafuur-xidhka (Maaskaraha wejiga), ee ay Sacuudiga iyo Xulufadiisu ay ku hawlan yihiin sidii ay dalkaa oo dhibaatooyinka bur-burka ay u geysteen iyo duqaymaha diyaaradaha la dhibaayatsan ay usoo waaridaan Fayriska COVID-19.


Sacuudiga, ayaa horre u sheegay in dadka qaba Coronavirus la geynayo xabsi gaar ah, iyadoo xilligana ay Sacuudigu dalka ka masaafuriyeen dad baddan qaba caabuqa COVID-19, iyadoo xaalada dadka cudurka qaba ee Sacuudigu si weyn u kordheen, isla markaana ay ku dhowaad dhawr kun oo qof inta la ogyahay ay qabaan caabuqa, kuwaas oo ay ku jiraan 150 qoyska Al Sacuud ah.


Turkiga ayaa horre ugu eedeeyay Sacuudiga inuu u qariyay caabuqa COVID-19, iyadoo Turkigu sheegay in qofkii ugu horreeyay ee lagu arkay dalkiisa uu ka mid ahaa Xujaaj ku laabtay Turkiga oo gaadhayay 10, 000, kuwaas oo markii la karantiimeeyay lagu arkay caabuqa COVID-18, iyadoo Xukuumadda Ankara si weyn ugu dhaleecaysay arrintaa Boqortooyada Sacuudiga.