Araweelo News Network

Haaruun

TripoliANN)-Mudooyinkii u danbeeyay waxa  isa soo taraya wararka ka hadlaya dad nool oo seylad lagu kala iibsanayo dalka Liibiya, waxayna arrintan sii xoojiyeen walwalkii laga qabay tahriibka sharci darada ah iyo dhibaatada ka dhalata.

Waxaa si dhab ah uga sheekeynaya waxa meesha ka jira qaar ka mid ah dadkii tahriibka ku maray Liibiya.
Harun Axmed waxa uu ka mid yahay kumanaan muhaajiriin ah oo naftooda ku biimeeyay saxaraha, kadibna gaadhay dalka Liibiya si uu uga talaabo badda, una gaadho Yurub, halkaas oo nolol tii hore dhaanta ka raadsanayo.

Waxa uu ka yimi  dalka Ethiopia, gaar ahaan gobolka Bale ee Ethiopia sanadkii 2013-kii, halkaas oo muhaajiriinta inta badan ay ka yimaadaan shaqo la’aanta baahsan ee halkaas ka jirta awgeed.

Wuxuuna ugu danbayntii gaadhay dalka Jarmalka kadib muddo badan uu dusha u dhigtay xabsi, jidh-dil iyo halis aan la qiyaasi karin.

Safarkiisa waxa uu ka bilaabay dalka Sudan halkaas oo uu sanad joogay ka hor intii aanu $600 doolar siinin mukhalasiin si ay u geeyaan Liibiya.
Lix maalmood ayay ku qaadatay in uu saxaraha ka talaabo, ugu dambeyntiina waxa uu gadhay xudduuda Liibiya, Masar iyo Chad ay wadaagaan, halkaas oo ah meesha tahriibayaasha ay mukhalasiintu ku kala badashaan, isaga Iyo  98 qof oo kale, ayaa la afduubtay, waxaana la geeyay dalka Chad, waxaana madax furasho loogu qabsaday lacag dhan $4,000 qofkiiba.

“Waxaan meesha ugu tagnay dad badan oo ka kala yimi Soomaaliya, iyo Eritrea, shan bilood ayaa meesha lagu heystay, dhibaato badan ayaa loo geystay, xitaa uma ay ekayn dad bini’aadam ah” ayuu yidhi Haaruun.

Kadib 3 bilood oo ay meel ku xaraysnaayeen, lacagtiina ay iska bixin kari waayeen, ayaa Haaruun iyo koox kale oo 31 qof dhan waxaa loo sheegay in lasii iibin doono maadaamaa ay lacagta iska bixin waayeen.

Labo bilood cunto ma aanan cunin, lafo lafo ayaan noqonay, raggii naloo keenay si ay noo iibsadaan ayaaba diiday in ay na iibsadaan, sababtoo ah waxay yidhaahdeen waa caato aad ah, ma iibsan karno” ayuu yidhi Haaruun.

Ugu dambeyntii nin ayaa nagu iibsaday qofkiiba  $3000 , wuxuuna ahaa nin ka yimi magaalada Liibiya ku taala ee Saba.
Saba waxa ay ku xidhnaayeen  muddo bil kale, halkaas oo si xun loogu jir dilay, markii dambane eheladooda ayaa lacagtii ka bixiyay.

Balse markii ay meeshii ka baxeen, ayaa waxaa af duubtay qolo kale oo madax furasho ugu qabsaday lacag dhan kun doolar.
Markale ayay waceen eheladooda kadib markii ay u adkeysan waayeen tacadigii, waxaa loosoo gaday xoolo iyo wax kasta oo la heli karayay si meesha looga siidaayo.

.
Haaruun ayaa ugu dambeyntii gaadhay magaalo ku taala waqooyiga Tripoli, halkaas oo ay dadka doonyo uga sii tahriibaan illaa Yurub.
Wuxuu ka mid ahaa kuwa ugu nasiibka badan ee gaadhay dalka Talyaaniga, kadibna uga sii talaabay Jarmalka, halkaas oo uu qaxooti ku yahay, lana aqbalay codsigiisa magangalyo doonimo.

Wuxuu sheegay in xitaa haddii ay booliiska ku qabtaan ay kaasii iibsanayaan mukhalasiinta kale, kaana siisanayaan $500 doolar.
Sanad kasta kumanaan muhaajiriin Afrikaan ah ayaa gala safarada halista badan sida Haaruun oo kale, qaarkood ayaa dhexda ku dhinta, badankoodna waxa ay ku dhintaan badaha, halka inta yar ee gaadha Yurub aanay haysanin damaanad ah in ay helayaan wixii ay halista usoo galeen.

 

“Runtii wax iga maqnaa ma jiraan, aqoon daro ayaa i heysay markaan dalkeyga kasoo tagayay, waxna waan iska baran karayay, shaqana waan heli karayay” ayuu yidhi Haaruun oo ka shalaynaya wixii qabsaday ee dhib ahaa.

warbixintan waxa daabacday BBC.