Araweelo News Network

ninkaweerrarkaqaadayNairobi (ANN)Weerrar lagu qaaday dhismaha safaaradda Maraykanka ee Kenya, ayaa sababay khasaare, wararka ka imanaya Kenya ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday Afaafka hore ee dhismaha safaaradda Mareykanka ee Magaalada Nairobi.

Saraakiisha Booliska Kenya, ayaa sheegay in weerrarka qaaday qof ku hubaysan Tooreey kadibna ku weerraray Toorayda qaar ka mid ah ciidamada ilaalada ka ahaa albaabka hore ee dhismaha safaaradda.

Warbaahinta maxalliga Kenya ayaa xaqiijisay in ciidanka ilaalada ka hayay safaadda ay toogasho ku dileen qofkii weerarka middida ah la beegsaday shaqaalaha safaaradda, kaasoo sida ay wararka hordhaca ah sheegayaan ahaa 24 jir u dhashay Kenya, balse ma jiraan weli warar faahfaahsan oo kasoo baxay dhinaca Safaaradda oo sheegaya khasaaraha weerrarkaa.

Safaaradda Mareykanka ee Nairobi, ayaa heegan la geliyay ciidanka ilaaliya markii weerrarku dhacay, wuxuuna weerrarku kusoo beegmay, iyadoo digniinaha dalalka reer galbeedku kaga digayaan cabsida laga qabo weerraro ka dhan ah danaha reer galbeedka ay suurta gal tahay inay dhacaan.

.