Araweelo News Network

Tan iyo markii ay Taiwan iyo Somaliland ku dhawaaqeen inay dhisayaan xafiisyo wakiillo is-weydaarsi ah si loo xoojiyo iskaashi ballaadhan oo ka socda aagag kala duwan, in badan oo ka mid ah Afrika iyo Bariga Aasiya ayaa u fadhiistay una fiirsaday tallaabooyinkaa.

 

Halkan The Taiwan Times waxay ku soo qaadanay xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland tan iyo maalintii 1aad, laakiin hadda muddadii bisha malabku  haatan ay ku dhowdhowdahay dhammaad , waxaa la joogaa xilligii la eegi lahaa xurmada wanaagga labada dhinac mid ka mid ah faah-faahinta ugu wanaagsan ee waxa ka dhacay  8,300 km, taas oo ah bedka Somaliland ee dhacda Geeska afrika ee ay dhul ahaan ku Fadhido

 

Warbixintan  waxaynu ku eegi doonaa ayay tidhi, Taiwan Times saamaynta safarada joogtada ah ee wadada ay ku maraan masuuliyiinta dawladda Somaliland, kuwaas oo inta badan ku socdaala kolonyo Gaadiid ah oo kuwa raaxada ah, isla markaana ugu safraan  ilaa meelaha ugu fog ee Somaliland si ay ‘kormeeraan’ ama ay xadhiga ugu jaraan mashruuc.

 

In kasta oo safarada shaqada la xidhiidha aan haba yaraatee wax aan caadi ahayn ku ahayn mashruuc kasta oo ay ka mid tahay dawladda,  balse taa badalkeeda , dawladda Somaliland waxay ku abuuraysaa heer carqalad ah oo ka horjoogsanaya hay’addaha dawladda inay gaadhaan awooddooda buuxda iyo inay Buuxiyaan galdalooloyinka ka jira  meelaha bannaan ee muuqda ee adeegga bulshadda.

 

Dalxiiska  Wasiirada?

Saddexdii bilood ee u dambaysay, ku dhowaad dhammaan Wasiirrada xukuumadda Madaxweyne Biixi waxay soo mareen nooc ka mid ah safar shaqo oo dalka gudihiisa ah. Qaarkood, sida Wasiirka Horumarinta Caafimaadka, Mudane Cumar Cali Cabdillaahi safarro badan buu ku socdaa, safarkiisana wuxuu socday labadii bilood ee ugu dambaysay, isagoo dalka oo dhan la wareegaya Kolonyo Gadiid  ka kooban 5 baabuur iyo in ka badan 20 qof oo weheliyay socdaalkiisa

 

Halkan hoose waxaa ku qoran liiska safarka Wasiirka Horumarinta Caafimaadka Mudane. Cumar Cali Cabdillaahi.

In kasta oo wasaarad kasta ay jiraan hawlwadeeno umatala  gobol kasta iyo degmo kasta oo Somaliland ka mid ah,

 

Haddana sababo jira awgood, wasiiradda iyo saraakiisha kale ee dawladda Somaliland waxay u arkaan inay lama huraan tahay in shaqsi ahaan loo safro xilliyada qaarkood si loo burburiyo mashruuc cusub oo ay dawladdu wado, waxay kulan la yeeshaan Masuuliyiinta gobollada ujooga Wasaaradahooda ay masuulka ka yihiin.

 

Sidoo kale Waxay kormeeraan shaqada socota, ama waxay  si fudud uga qaybgalaan xafladdaha  xadhig jarista.

 

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Mudane. Cumar Cali Cabdillaahi wuxuu u soo safray dalka oo dhan min xeeb ilaa xeeb, waxaana laga yaabaa in si macquul ah loogu sababeyn karo CUDURKA 19-aad ee faafa, laakiin waxii ay Wasaaraddu si cad ugu soo bandhigtay jadwalka safarka ee Wasiirka ma muujinayo shaqooyinka waaweyn ee dib u habeynta, isbedelka shaqaalaha, ama dib u dhiska iyo Tayaynta Wasaaraddaha looga baahan yahay

Wasiirka inuu galo safar laba bilood qaatay oo Dhaqaale  tobanaan kun oo doolar. ku kacaya kama muuqan  Warbixinaha safarkiisa kaddib hawlgal intaa dheer oo uu qabtay sarkaal dawladeed, marna ma jiro warbixin faah-faahinaysa natiijada safarka iyo wixii u qabsoomay

 

Wasiirka Horrumarinta Caafimaadka macnaheedu maaha inuu  keli ku yahay, ama ku ahaa socdaal balaadhan oo muujinaya aaggiisa cabirka. Khariidada kor xusan  waxay muujinaysaa qeyb yar oo kamid ah safarkii ay galeen saraakiisha dowladda labadii bilood ee lasoo dhaafay.

 

Safarada qaar oo ay masuuliyiintu soo dhigaan baraha ay ku leeyihiin bulshada ayaan u muuqan inay haba yaraatee wax shaqo ahi ka socdaan meelaha ay booqanayaan, iyadoo si cad loo isticmaalayo hantida guud ee Qaranka  iyo waqti la luminayo.

 

Tusaale ahaan mid ka mid ah safaradaa  noocan oo kale ah waxa wefti uu hogaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska Md. Axmed Abokor ay ku tageen Jasiiradda Sacada-diin, mana jiraan dad deggan jasiiradda, iyo iskuullo.ka furan toona.

 

Wasiiro, ama  Odeyaal Dhaqameed? 

Sababta kale ee masuuliyiinta dawlada, gaar ahaan wasiirada socdaalka joogtada ah ku haysa waa waajibaadkooda aan rasmiga ahayn ee ah nabadeynta ama odayaasha qabaa’ilka.

Arrinta hadaan eegno, Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane. Maxamed Kaahin Axmed iyo wefti wasiirro ah oo uu hoggaaminayo ayaa mudo bilo ah ku sugnaa gobolka sanaag, taas oo qayb ka ah dadaalada ay xukuumaddu ugu jirto ka-hortaga colaaddaha qabyaaladeed ee sanadahan ragaadisay gobolka.

 

Safarkan ayaa ah kii labaad ee noocan oo kale ah oo uu Wasiirka Arimaha Gudaha Mudane Maxamed Kaahin Axmed ku tago Gobolka Sanaag, halkaas oo uu hore u hoggaaminayey wefti balaadhan oo la mid ah kuwaas, kaddib markii ay dib ugu soo laabtay  shaqaaqadu deegaankaa.

 

Xilligan la joogo, Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta Qaranka Mudane. Saleebaan Cali Koore iyo wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga mudane. Yasin Hagi Mohamoud Hiir (Faratoon) ayaa ku sugan Sool iyagoo ka shaqeynaya xalinta khilaaf kale oo qabaa’il.

 

Waxay caado u ahayd dawladihii kala dambeeyay ee Somaliland inay saraakiil u diraan Degaanada ay kasoo jeedaan hadii ay jirto xaalad amni ama mid siyaasadeed oo la xidhiidha arimo kaanbayn, ama olole siyaasadeed si loo xaliyo khilaafaadka xiligaa taagan, kuwaas oo guud ahaan lagu guulaysto inta badan.

in kasta oo ujeedada nabadaynta iyo ilaalinta nolosha ay tahay baahi loo baahan yahay, balse dadaalada ayaa noqda  kuwo ku fashilma inay soo saaraan natiijoyin siyaasadeed. ama daraasado ku saabsan kuwaas oo bud-dhig u noqonlahaa xalka maaraynta haddii ay soo laabtaan isku dhacyada noocan ahi Mustaqbalka

 

Mid baa ku doodi kara in hay’addaha dowladda ay leeyihiin awood  qaab dhismeed oo ay  shaqeyn karaan haddii wasiirku maqanyahay, intaas kaddib  waa shaqada ku xigeennada?

 

Laakiin, nasiib darro, saraakiisha wasaaraddaha ee ka agdhow Masuuliyiintaa , waxay ku tilmaamaan arrinta weftiga wasiirada badan mid aan jirin.

 

Mid ka mid ah Saraakiisha ayaa ku sifeeyay hannaanka wasiirku u maqanyahay inuu yahay fasal aan macallin lahayn, shaqaduna inteeda badan way joogsataa, ayuu yidhi.

 

Saameynta ay leedahay safarada joogtada ah ee wasiiradu waa fasaxa awooddeed wasiiro ku-xigeenadda iyo agaasimayaasha guud waxay iskudayaan inay sameeyaan isbadal badan intii suurtagal ah, awaamiir soo saaraan, ama xitaa galaan heshiisyo cusub inta wasiirku maqan yahay.

 

Natiijadu waa khilaaf baahsan oo ka dhex jira saraakiisha dowladda oo si buuxda loogu soo bandhigayo baraha bulshada.

 

Dhawaan ayey ahayd markii Wasiirka Caddaaladda Mudane. Mustafe Mohamoud Ali Bile wuxuu hakiyay saxeexa uu fasaxay  Agaasimaha Guud ee wasaaradaasi  Mudane Abdirahman Sh Hassan Ismail sababo la xidhiidha khilaafaadka baahsan ee shaqaalaha iyo ka talaabsiga awooddiisa sharci iyo heshiisyada uu la saxeexdo dhinacyada gaarka ah.

 

Waxaa xusid mudan in wasiirka cadaaladu uu ku maqnaa mudo dheer magaalada Ceel-Afweyn, isagoo ka mid ahaa waftigii nabada ee wasiir Kaahin.

 

Xogta Runta ah

In kasta oo safarada qaarkood ay lagama maarmaan yihiin, gaar ahaan safarada nabadeed ee ay galaan wasiiradu, runtu waxay tahay in safaradaasi intooda badani yihiin kuwo aan loo baahnayn, iyo Kulamada  shirarka fudud ama kuwa maqal muuqaalka ah oo Madaxweyne Biixi u adeegsanayay inuu isugu yeedho golahiisa wasiirada tan iyo markii ay dhacday COVID-19. ku filan intaas Madaxweynaha.

 

Su’aasha ayaa ah maxay mas’uuliyiintan u safraan? 

 

Sida laga soo xigtay ilo dhowr ah, qaar ka mid ah saraakiisha dowladda ee hadda jira oo ka hadlay xaalad aan la magacaabin, safarka maxalliga ah ama martigelinta ayaa ah qaab kale oo lagu lunsado hantida dadweynaha iyada oo aan indhaha laga qarsan.

Luminta lacagaha cashuur bixiyaha ka sokow, saamaynta joogtada ah ee socdaaladani ee saraakiisha dowladda ayaa ah carqalad weyn oo ku timaada habsami u socodka howlaha hay’addaha dowladda.