Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Burco (ANN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo weli ku jira safarkiisa maalintii Afraad ayaa  dhagax dhigay 7-dugsi oo laga hirgelinayo Oodweyne iyo mashaariic kale oo xukuumaddu ka dhisayso  xarunta gobolka Togdheer  Burco.

Madaxweynaha iyo wefgigii ballaadhnaa ee uu hogaaminaayay oo galay maalintii 4-aad ee Safarka shaqo ee uu ku joogay Gobollada Togdheer iyo Daad-madheedh, wuxuuna tilmaamay in Iskuulladan cusub loogu talagalay in ay si weyn ugu kordhiyaan fursaddaha Waxbarasho ee Gobolka, gaar ahaan carruurta iyo dhallinyarada, isla markaana ay sare u qaadaan helitaanka adeegyada waxbarasho tayo leh oo u daboosha baahida bulshada.

Madaxweynaha ayaa xusay in mashruucan uu ka mid yahay Qorshaha ballaadhan ee Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ee ku jihaysan hormarinta Waxbarashadda, dhisidda mustaqbalka jiilka cusub iyo kobcinta aqoonta dalka guud ahaan.

Madaxweynaha, ayaa sidoo kale dhagax-dhigay ballaadhin iyo dib u habayn lagu samaynayo Cusbitaalka Oodweyne, halkaas oo uu Madaxweynuhu booqday maanta Jimcihii, wuxuuna si la mid ah dhagax dhigay Dhismaha Cusub ee loo binayn doono Jeelka-weyn ee Magaalada Oodweyne.

 

Intii uu ku sugnaa Madaxweynuhu  magaalada Oodweyne, Madaxweynuhu waxa uu dhagax-dhigay Mashaariic horumarineed oo muhiim u ah bulshada deegaanka. Mashaariicda uu Madaxweynuhu dhagax dhigay, isaga oo uu wehelinayo Wasiirka Caddaaladda, waxa ka mid ahaa dhismaha Xabsiga Dhexe ee magaalada Oodweyne.

Xabsigan isaga ah waxa uu noqon doonaa xarun casri ah oo loogu talagalay in uu ka qayb qaato hagaajinta nidaamka cadaaladda, tababarka xirfado kala duwan oo kor loogu qaadayo aqoonta maxaabiista iyo ilaalinta xuquuqda maxaabiista, isla markaana wax weyn ka tari doona baahida gobolka ee dhinaca adeegyada Garsoorka iyo amniga.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in dhismahan cusub uu qayb ka yahay qorshaha Xukuumadda ee ku wajahan kor u qaadista Hay’addaha ’ Cadaaladda, sugidda nabadgelyada dalka iyo in maxaabiista la baro xirfado ay bulshada dib ugula noqdaan noloshoodana ku debaraan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland intii uu safarka ku jiray wuxuu kormeer ku tegay Seeraha Banka Aroori ee Gobolka Togdheer, kaas oo xukuumaddii Kulmiye ee xilligii Madaxweyne Axmed Siilaanyo laga hirgeliyay halkaa.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland intii uu ku sugnaa Burco wuxuu soo kormeeray Dugsiga Farsamada Gacanta ee Caanka ah ee Burco Technical Institute  oo muddo dheer door taariikhi ah ka soo qaatay tababarka xirfadaha iyo dhismaha aqoonta farsamada gacanta, soona saaray farsamo-yaqaanno tayo sare leh.

Tan iyo xilligii la aasaasay Iskuulkani waxa uu soo saaray kummanaan farsamo yaqaan ah oo khibradoodii lagu tanaaday. Iskuulka Farsamada Gacanta ee Burco waxa uu tusaale cad u yahay sida Waxbarashadda Farsamadu ay lagama maarmaanka ugu tahay kobcinta dhaqaallaha iyo shaqo abuurka,  isaga oo Madaxweynuhu la kulmay Maamulka oo si faah-faahsan Madaxweynaha ugu sharraxay fursadaha uu Iskuulkani haysto iyo caqabadaha jira.

Intii uu kormeerku socday, Madaxweynaha waxa uu carrabka ku adkeeyey in Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ay ka go’an tahay dhiirrigelinta Waxbarashadda Farsamada Gacanta iyo xirfaddaha shaqo abuurka, si loo abuuro bulsho aqoon iyo xirfad isku dhafan leh oo wax kusoo kordhisa horumarinta dalka, isagoo iyaga oo tilmaamay in ay tahay dhiirrigelin weyn oo kor u qaadaysa qiimaha iyo muhiimadda uu Iskuulkani u leeyahay bulshada reer Burco iyo mustaqbalka dhallinyarada Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qayb galay Xafladda Qalin-jabinta Jaamacadda Burco, Dufcaddii 15-aad oo ay ka Qalin-jabiyeen in ka badan 600 oo arday, kuwaasi oo dhammaystay waxbarashadoodii heer Jaamacadeed.

Madaxweynaha ayaa hambalyo u diray ardayda Qalin-jabisay, Waalidiintooda, Macallimiinta iyo Maamulka Jaamacadda, isaga oo xusay in waxbarashadu ay tahay furaha horumarka qof ahaan iyo dal ahaanba. Waxa uu ku dhiirrigeliyay ardayda in aqoontooda ay ugu adeegaan bulshada, dalkooda iyo mustaqbalkooda, isla markaana ay la yimaadaan hal-abuur iyo sidii ay u noqon lahaayeen hoggaamiyeyaal mustaqbal.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa amaanay doorka ay Jaamacadda Burco ku leedahay kobcinta aqoonta, horumarinta tacliinta sare iyo soo saarista aqoonyahanno u adeegaya Qaranka.

Bulshada reer Burco iyo maamulka Jaamacadda ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay ka qaybgalka munaasibadda, taas oo ay ku tilmaameen dhiirrigelin iyo sharaf weyn u ah ardayda qalin-jabisay, wuxuu ka jeediyay halkaa khufbad uu ugu bushaareeyay shacbiga gobolka Togdheer ee Burco, waana booqashadii u horaysay ee uu ku tago xarunta gobolka Togdheer  ee Burco tan iyo markii uu ku guulaystay doorashadii 13 Nov 2024

Khudbadii ugu muhiihsanayd ee Madaxweynuhu ugu bushaareeyay shacbiga Burco halkan ka Daawo.

 

 

https://www.facebook.com/share/v/1EW7xF66Ka/