samaale1Hargeysa(ANN)Wasiirkii Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka mid ahaa Liis xubno ka mid ah Xukuumadda oo Madaxweyne Siilaanyo ku sameeyay xil ka qaadis, magcaabis iyo bedelaad xalay saqdii dhexe, ayaa gaashaanka ku dhuftay inuu qabto xilka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Somaliland ee loo bedelay, kadib markii Wasiiradda Maaliyadda ee uu hayay la geeyay Marwo Samsam Cabdi Aadan oo xidhiidh dhow la leh qoyska Madaxtooyadda ee Madaxweyne Siilaanyo.

Ma jiro war rasmi ah oo Wasiir Cabdicasiis Samaale ku sheegay in aanu qabanayn xilka wasaaradda loo bedelay, balse warar laga xoo xigtay dadka ku dhow dhow, ayaa u xaqiijiyay shebekadda Araweelonews.com in Wasiirkii hore ee Maaliyadda Sh Cabdicasiis Samaale ka biyo diiday, isla markaana uu saabab uga dhigay diidmadiisa iyadoo aan waxba laga weydiin xilka loo bedelay. Sidaa awgeed aanu diyaar u ahayn inuu qabto xilka wasaaradda waxabarashadda Somaliland.

Hase yeeshee xoggo la xidhiidha diidmada Wasiir Samaale ee xilka loo bedelay, ayaa u sheegay shebekadda Araweelo News Network, in ergo Odayaal ah oo ay hormood u yihiin ganacsato iyo Culmidda waaweyn ee dalku doonayaan in lagu qanciyo inuu qabto xilka loo magcaabay, kuwaas oo isaga dab qaadayay Madaxtooyadda iyo Wasiir Samaale, balse tibaaxaha ayaa sheegaya inuu ku adkaysanayo mawqifkiisa, isla markaana gudbiyay qoraal is casilaad uu ku sheegay inuu hawlihiisa iyo hankiisa siyaasadeed u madaxbanaanayo inta Madaxweyne Siilaanyo joogaa kala shaqaynayo banaanka.

Wasiir samaale oo maanta kusoo laabtay caasimadda, wuxuu safar ugu maqnaa gobolada Bariga markii ay Madaxtooyadu soo saartay go’aanka liiska uu ka mid ahaa ee isku shaandhaynta, magcaabista iyo xil ka qaadista masuuliyiinta xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Wasiir Samaale oo ka mid ahaa xubnaha ugu dhow Madaxweyne Siilaanyo, isla markaana muddo dheer golaha wakiiladda Somaliland ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ka hor intii aanu ku biirin xubnaha golaha wasiiradda ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, isagoo ka mid noqday xubnaha loo tiriyo inay yihiin kuwa Madaxweyne Siilaanyo tallaabo kasta oo uu qaadayo kala tashado.

Sh. Cabdicasiis wuxuu mudadii uu xilka Wasaaradda Maaliyadda hayay ku dhawaaqay inuu hungiri ka hayo hoggaaminta taladda dalka, isagoo loolan adag u galay inuu la wareego hoggaanka Xisbiga Xukuumadda ee Kulmiye, balse waxa khilaaf iyo loolan siyaasadeed oo u dhexeeyay Guddoomiye Muuse Biixi oo marar baddan dabray hawlaha xibiga iyo shirweynihii kal hore lagu qanciyay in uu ka hadho musharaxnimada guddoomiyaha, iyadoo shirweynii xisbiga ka hor heshiis dibadda lagu soo gaadhay lagu heshiiyay in hoggaanka xibiga loo daayo, sidaana lagu qabtay shirweynihii xisbiga.

Hase yeeshee Mr. Samaale, ayaa waqtigaa sheegay in aanu ka hadhayn hankiisa uu ku doonayo musharaxnimada tartanka Madaxweynaha marka la gaadho waqtigeeda, wixii ka danbeeya mudada xilka Madaxweyne Siilaanyo, taas oo mar kale saaxadda siyaasada ka abuurtay loolan xisbiga Kulmiye mar kale soo waajahay oo u dhexeeyay Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi iyo Samaale, kaas oo sii xoogaystay kadib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis sheegay dhinaciisa inuu yahay musharax u taagan tartanka Madaxweynaha marka la gaadho dhamaadka mudada xilka Madaxweyne Siilaanyo, taas oo sawaxan iyo buuq ka abuurtay saaxadda siyaasada xili aan loo baahnayn, balse markii danbe Madaxtooyaddu hakisay, kadib markii Madaxweyne Siilaanyo ka hadlay, isla markaana Labada Wasiir iyo guddoomiyaha Kulmiye fariimo u mariyay warbaahinta, isagoo sheegay inuu yahay musharaxa doorashada ee Kulmiye isaga “Madaxweynaha”. Sidaa awgeed aan waqtigan loo baahnayn loolan aan la gaadhin waqtigiisa.

Si kastaba ha ahaatee Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa la sugayaa go’aanka rasmiga ah ee uu ka qaadanayo xilka loo bedelay, wuxuuna go’aankiisu noqonayaa mid saamyn ku yeesha mustaqbalkiisa siyaasadeed.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews