Kooxaha u ololeeya Xuquuqda Aadamaha waxay dalbanayaan in cadaallad ay helaan qoyska weriyihii caanka ahaa ee Sacuudiga u dhashay Jamal Khashoggi, sannad ka dib markii lagu dilay Turkiga.

Maamulka Sacuudiga weli ma muujin “isla xisaabtan macno leh”, ayey qortay wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganaysa hay’addaha Xuquuuqda Aadamaha.

Hay’addahan waxay Boqortooyada ka dalbanayaan in la sii daayo dad kale oo dowladda dhalleeceyn jiray oo weli xabsiyo ku jiraan.

Jamal Khashoggi, oo ka tirsanaa wargeyska Washington Post, waxaa lagu dhex dilay, maydkiisana lagu jarjaray, Qunsuliyadda Sacuudiga ee ku taalla Istanbul, 2-dii bishii October, ee sannadkii la soo dhaafay.

Waxaa la sheegay in 15 xubnood oo u shaqeynayay dowladda Sacuudiga ay Turkiga u tageen fulinta howshaas. Illaa iyo haddana maydkiisa lama helin.

Sida ay qortay AFP, 11 qof oo arrintaas lagu eedeeyay ayaa maxkamad lagu soo taagay Riyadh, kuwaas oo shan ka mid ah lagu xukumay dil, balse dhageysiga dacwadda waxay ka dhacday meel qarsoon, lamana shaacin magacyada eedeysanayaasha.

“Maamulka Sacuudiga wuxuu xannibay isla xisaabtan wax ku ool ah oo la xidhiidha dilkii Khashoggi,” ayey tidhi hay’adda u dooda xuquuqda aadamaha ee Human Rights Watch.

Hay’adda waxay cambaareysay hadalkii dhowaan ka soo yeedhay dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan oo sheegay in uu aqbalay in masuuliyad wadareed ay ahayd dilkii Khashoggi, balse wuxuu beeniyay in isaga si shaqsi ah loogu eedeeyo arrinta.

“Haddii ay dhab ka tahay, amiirka iyo dowladdiisa waxay soo bandhigi lahaayeen maxkamadeyn daahfuran, waxayna shaacin lahaayeen waxkasta oo ay ka og yihiin qorsheynta, dilka iyo ka dib wixii dhacay markii la dilay Jamal Khashoggi,” Waxaa sidaa sheegay Agaasimaha HRW ee Bariga Dhexe, Sarah Leah Whitson.

Xog xasaasi ah oo ku saabsan ‘dilkii Jamaal Khaashuqji’ oo lasoo bandhigay

Wargeys laga leeyahay dalka Turkiga ayaa daabacay macluumaad cusub oo ku saabsan cod la duubay, kaasoo uu wargeysku sheegay inuu diiwaan galiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee uu wajahay wariyihii la dilay ee u dhashay dalka Sacuudiga, Jamaal Khaashuqji.

Jamaal oo ahaa nin ku caan baxay cambaareynta dowladda ayaa bishii Oktober ee sanadkii hore lagu dilay qunsuliyadda uu Sacuudiga ku leeyahay magaalada Istambul ee dalka Turkiga.

Wargeyskan lagu magacaabo Sabah, oo taabacsan xukuumadda Ankara ayaa sheegay in qoraalka uu maanta daabacay laga sameeyay codka lagu duubay gudaha, ka dibna ay gacanta ku dhigeen sirdoonka Turkiga.

Waxaa sida la sheegay ku jira xog xasaasi ah, sida erayadii ugu dambeeyay ee uu ku dhawaaqay wariyaha.

Khaashuqji ayaa maqaallo u diyaarin jiray wargeyska Washington Post waxaana uu saldhiggiisu ahaa dalka Mareykanka, ka hor inta aan la waayin.

Markii ugu dambeysay ee la arkay wuxuu galay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul, 2-dii bishii Oktober ee sanadkii 2018-kii.

Jamal Khashoggi iyo Maxamed Bin Salmaan
Dibadbaxyo ka dhacay duleedka safaaradda Sacuudiga ee Mareykanka, lix maalmood ka dib markii la waayay, sawirkan wuxuu ka mid ahaa kuwii ay siteen dadkii isu soo baxay

Wuxuu markaas doonayay inuu halkaas kasoo qaato warqado sharci ah oo uu ugu baahnaa inuu ku guursado haweeneyda u doonaneyd.

Dhimashadiisa aan xogta saxda ah laga helin ayaa cadho badan usoo jiidday boqortooyada Sacuudi Carabiya, taasoo kasoo saartay warar is khilaafsan oo ku saabsan halka uu ku dambeeyay.

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa ugu dambeyn dilkii Jamaal ku qeexay howlgal “aan cidna looga amar qaadanin” waxayna dacwad kusoo oogeen 11 nin.

Muxuu yidhi Wargeysku?

.
Wargeyska ayaa sheegay in Jamaal uu dadkii dilayay u sheegay in aanay afkiisa xidhin

Wargeyska Sabah wuxuu horay ciwaanno badan oo caalami ah uga sameeyay macluumaadka ku saabsan dilka wariyaha – waxaana ka mid ahaa warar muran abuuray – oo la xidhiidha dhimasada Jamaal Khaashuqji.

Isbuucan wuxuu daabacay labo warbixinood oo lagu faahfaahinayo dhimashada Khaashuqji oo ay ka dambeeyeen koox uu ku tilmaamay “kuwa dilalka fuliya”.

Warbixintan ugu dambeysay wuxuu wargeysku ku sharraxayaa cod laga duubay goobtii uu dilka ka dhacay.

Qormadza waxaa lagu xusay xog ku saabsan inuu nin khabiir ku ah dilalka qorsheysan, oo ka mid ahaa kooxda laga soo diray Sacuudiga, kaasoo wariyaha ku tilmaamay inuu yahay “xayawaan loo dilayo danta guud”.

Warbixinta Sabah ayaa sheegeysa in Khaashuqji isla markii uu gudaha u galay qunsuliyaddaba uu shakiyay isla markiina loo sheegay in dib loogu celinayo magaalada Riyaad, amar kasoo baxay booliska Interpol awgiis.

.
Ku dhawaad 1 sano ayaa kasoo wareegtay dhimashada Jamaal Khaashuqji

Hase yeeshee Wariyaha ayaa diiday dalabka raggii halkaas ku sugnaa, oo ay ka mid ahayd inuu farriin qoraaleed u diro wiilkiisa, ka dibna si khasab ah loo diiday, sida uu wargeysku sheegay.

Wuxuu markaas ka dib raggii dilayay u sheegay in aanay afkiisa xidhin maadaama uu qabo xanuunka neefta, laakiin isla markiiba uu miyir beelay.

Khaashuqji waxaa lagu neef qabateeyay bac madaxa loo galiyay, sida uu sheegay wargeyska Sabah oo xiganayay sanqadhaha laga maqlayay codka ku duubnaa cajaladda.

Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay in cajalada uu duubay sanqadha ku saabsan in la jarjaray meydka Khaashuqji, waxaana falkaas geystay ninka khabiirka ku ah dilalka.

.
Wali lama helin meydka Jamaal

Wararka ku saabsan inay jirtay cajalad uu ku duuban yahay dilka Jamaal Khaashuqji ayaa la isla dhex marayay tan iyo sanadkii lasoo dhaafay.

Saraakiisha Turkiga ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in cajaladaasi jirto, waxayna sheegeen inay la wadaageen dowlado caalami ah, laakiin wali ma cadda sida uu wargeyskan ku helay.

Iyadoo hadda ay muddo ku dhawaad hal sano ah kasoo wareegtay geerida Jamaal Khaashuqji, wali lama helin meydkiisa waxaana intaas jiray cadaadis dhinaca beesha caalamka ah.

Horaantii sanadkan, Khabiir ka tirsan Qaramada Midoobay oo ku takhasusay arrimaha la xidhiidha dilalka aan sharciga loo marin ayaa ku baaqday in baadhitaanno madax bannaan lagu sameeyo dhimashada wariyahaas.

Agnes Callamard ayaa eerida Jamaal Khaashuqji ku qeexday “Dil aan geed loogu gabbanin” waxayna sheegtay in “ay mas’uul ka tahay dowladda Sacuudi Carabiya”, loona baahan yahay in baadhitaanno lagu sameeyo.

Dowladda Sacuudiga ayaa gaashaanka u daruurtay hadalka haweeneydaas, waxayna si joogto ah u beenisaa inay mas’uul ka tahay dhimashada wariyaha.

Xigasgo BBC