araweelonews-300x168Hargeysa (ANN) Sarkaal sare oo ka tirsan Xisbiga Labour Party ee dalka Britain, ayaa ishaaray in xisbigooda oo waqtigan ah xisbi mucaarad ah uu ka shaqayn doono qadiyada aqoonsiga Somaliland, balse wuxuu sheegay inay taasi ku xidhantahay guusha xisbigoodu ka gaadho doorashooyinka guud ee dalkaa.
Councillor Mohammed Maroof oo ka mid ah saraakiisha xisbiga mucaaridka ah ee Labour-ka, isla markaana xubin ka ah golaha degaanka magaalada Sheffield ee dalka Ingiriiska oo booqasho ku yimi Somaliland, ayaa sharaxaad ka bixiyey guulaha kala duwan ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland ku tallaabsaday muddada 23-ka sanno ah ee uu madaxbannaanida haystay.
Mr. Mohammed Maroof oo ka mid ahaa xubnihii sida weyn uga shaqeeyey aqoonsigii Golaha Degaanka ee Sheffield u fidiyeen Somaliland bishii April ee sannadkii 2014, ayaa hadal ka jeediyey xaflad qado-sharaf ah oo madaxweyne Siilaanyo ugu sameeyey Hargeysa shalay, isagoo iftiimiyey in haddii xisbiga mucaaridka ah ee Labour-ka (Labour Party) ku guulaysto doorashooyinka guud ee dalka Ingiriiska ka dhici doona bisha May ee sannadkan 2015 ay ka shaqayn doonaan sidii dawkadda UK u aqoonsan lahayn madaxbannaanida Somaliland.
“Doorashooyinka guud ee dalka UK ka qabsoomaya bisha May ee sannadkan 2015, waxa aan rajaynayaa in xisbigayagu (Labour Party) ku guulaysan doono xukunka dalka Ingiriiska, iyadoo ay jiraan dad badan iyo xubno kala duwan oo ka tirsan xisbigaygu ay aad u taageersan yihiin qaddiyadda Somaliland, waxaanan rajaynayaa in marka aannu tallada dalka qabano si xoogan uga shaqayn doono, dabadana ka riixi doono sidii Somaliland u heli lahayd caddaallad, Insha allaah mustaqbalka dhawna waxa iman doonta xilli dalka Ingiriisku aqoonsi buuxa siiyo Somaliland, sidaas darteedna waxa aannu hadda guddoonsiinay madaxweynaha Somaliland laba mindiyood oo loogu tallogalay in marka Ingiriisku aqoonsado Somaliland ay Ra’iisal-wasaaraha Ingiriiska iyo madaxweynaha Somaliland ku jari doonaan keega loogu dabaaldegayo aqoonsiga mustaqbalka,” ayuu yidhi Mohammed Maroof.
Xildhibaanka ka tirsanaa Golaha Degaanka magaalada Sheffield, waxa uu si xooggan u ammaanay horumarka kala duwan ee Somaliland ka hirgalay, waxaannu yidhi; “Waxa aad gaadheen guulo badan iyo wax kasta oo dal madaxbannaan yeelan lahaa, iyadoo aad muddo kooban oo 23 sanno ah aad ku guulaysteen dimuqraadiyad, dhismaha haykanka dawlnimo, caddaallad dadku u siman yihiin, waxaanan si gaar ah ugu farraxsanahay in dumarka laga siiyey door muhiim ah goobaha lagu go’aamiyo talada dalka, isla markaana qaybaha kala duwan ee bulshada loo sameeyey caddaallad loo siman yahay.”
Waxa kaloo uu ka hadlay aragtida uu ka haystay Somaliland ka hor intii aannu ka soo bixin dhinaca Ingiriiska iyo waxyaabaha uu ku arkay Hargeysa markii uu ka soo degay madaarka caalamiga ah ee Cigaal, waxaannu yidhi; “Markii aannu qorshaynay in aannu halkan (Somaliland) nimaadno waxa aannu haysanay gabi ahaanba sawir ka duwan waxa aannu hadda aragnay. Waxa aannu ka fikiraynay inay joogaan hogaamiye-kooxeedyo kala duwan. Waxa aannu ka fikiraynay in aannu wax sharci ah ka jirin Somaliland iyo sidoo kale annagoo ka fikiraynay sida aannu u gaadhi karno, laakiin markii aannu soo gaadhnay Hargeysa, waxa aan u qaatay in aan joogo madaarka diyaaradaha ee magaalada Islamapad (dalka Pakistan), iyadoo aan u arkay in aan soo gaadhay meel dalkayga hooyo oo kale ah, kaasoo dhismihiisa iyo dadweynihiisuba si fiican diyaar noogu yihiin soo dhawayntayada.”
Waxa kaloo uu sharraxaad ka bixiyey guulaha reer Somaliland gaadheen iyo sida ay go’aankooda ugu muujiyeen inay yihiin dal madaxbannaan oo xor ah, waxaannu yidhi; “Waxa aad ku guulaysteen laba dagaal ama halgan oo idinku socday oo mid ahaa dagaalkii guumaysi-diidka iyo sidoo kale dagaal caddaadis ah oo ay idinku hayeen dalalka dariska ah oo doonayey inay go’aamo dusha idinkaga keenaan, waxaanad noqoteen in aad dhistaan qaranka Somaliland oo aad ku gaadheen go’aan idinka idin ka yimid.”
“Farogelin kasta oo la idin ku hayo waa mid aan caddaallad ahayn, sababtoo ah wax aannu aaminsanahay dimuqraadiyadda, iyadoo dadweynaha reer Somaliland hab dimuqraadi ah u go’aansadeen inay u noolaadaan si madaxbannaan oo ah dal gooni ah, waana in beesha caalamku tixgeliso, ixtiraamtana go’aankiina, iyadoo aannu annagu idin aqoonsan doono oo aqoonsigii golaha degaanka Sheffield noqday tallaabo hore loo qaaday, taasoo ay ka shaqeeyeen mudanayaal badan oo ka soo jeeda xisbigayaga (Labour Party) mucaaridka ah, taasoo aan jecelahay inay magaalooyin kale oo Ingiriiska ahna ku dayan doonaan, aqoonsan doonaana Somaliland.”
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com