akunda

Kampala(ANN)Sarkaalka Afhayeenka u ah ciidamada Dalka Uganda ee AMISOM oo ku sugan Soomaaliya Lt. Col. Paddy Ankunda, ayaa faraxumeeyay gabadh Soomaaliyad ah oo19 jir, taas oo ka shaqaynaysay Xerada Ciidanka Uganda, iyadoo shaqadeedu ahayd turjubaan oo Luqada Ingiriisida si fiican u taqaana, isla markaana ah gabadh quarux baddan.

Sidaana waxa lagu baahiyay Warbaahinta dalka Uganda oo warbixin la xidhiidha xidhiidhka dhexmaray Lt. Col. Paddy Ankunda iyo haweenaydaa oo magaceeda lagu sheegay Caasha Farax, waxay ku tilmaameen mid Jacayl ah oo sababtay inay Uur u qaado. Kadib markii uu gabadha u kaxaystay dhinaca Dalka Uganda, gaar ahaan Caasimadda Kampala oo ay muddo dheer ku wada noolaayeen Proteo Hotel oo ku yaala Kampala.

Fadeedxada xidhiidhka dhexmaray Saraalkaa iyo Haweenayda Soomaaliyeed, ayaa soo ifbaxay. Kadib markii Haweenayda Xaaska u ahayd oo magaceedu yahay Jackline Odoki Ankunda, isla markaana caruur u haysa ay oggaatay inuu Ninkeedu gabadh Soomaali ah ku haysto Huteelka, taas oo sababtay inay si weyn uga cadhooto, isla markaana ka dalbato inuu furro, taas oo soo jiidatay warbaahinta dalka Uganda oo markii ay ka war heleen dhacdadaa wax ka qoray.

Dhinaca kale Ciidamadda Shisheeye ee ku sugan Somalia, ayaa marar baddan lala xidhidhiyay inay sameeyaan gabood-falo la xidhiidha kufsi iyo inay haweenka Soomaalida uga faa’idaystaan dhibaatooyinka haysta oo ay baahidooda uga fushadaan inay la sameeyaan galmo, iyagoo I foolxun u adeegsanaya, waxaana arrintaa si weyn u canbaareeyay Hay’adda Caalamiga ah ee Human Rights Wacht oo bilihii lasoo dhaafay warbixin xanbaarsan fadeexad oo la xidhiidha falalka ay ciidamadda AMISOM ka sameeyaan Somalia soo bandhigtay, taas oo si weyn usoo jiidatay indhaha beesha caalamka. Kadib markii warbixintaa lagu sheegay in Haweenka ay siiyaan raashin iyo qadar lacag yar oo dhawr dollar ah, iyagoo doonaya inay la sameeyaan galmo aan sharci ahayn.

Sidoo kale waxa marar baddan digniino laga soo jeediyay saamaynta dhinaca Caafimaadka ee ay ku leeyihiin Ciidmada AMISOM Bulshada Soomaalida ah, gaar ahaan cudurka dilaaga ah ee HIVAIDS, kaas oo la rumaysan yahay inay fiditankiisa bulshada Soomalida dhexdeeda doorka ugu weyn ka cayaaraan, taas oo lagu tilmaamo dhibaatooyinka iyo Aafooyinka ay dhaxal ahaan uga tegayaan mustaqbalka Ciidamada Shisheeye ee ku sugan Muqdisho iyo magaalooyinka kale bulshada Soomaalida.

Somaliland Office

ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com