“Sh. Cali Warsame, wuxuu ahaa Caalimka Koowaad ee Soomaliyeed, wuxuuna kaga duwanaa culimida kale,,.” Sh. Cali Wajiis

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)- Sheekh Cali Warsame Xasan oo ka mid ahaa culimada waaweyn kugu magaca dheer, isla markaana ahaa daaci nolloshiisa u huray faafinta diinta Islaamka oo gobolka Geeska Afrika iyo geyiga Soomaalida aad looga yaqaanay, ayaa ku geeriyooday caasimadda Amman ee dalka ‘Urdunniyyah Al-Hāshimiyyah Jordan 28 May 2022, Hijra 27 Shawaal 1443, isagoo 82 jir qiyaastii lagu sheegay dadiisa muddo lixdan sannadood ah ayuu ku jiray dacwada iyo fidinta diinta.

“ Sheekh Cali Warsame, Wuxuu ahaa Sheekh weyn oo caalin ah, waxaana la odhan karaa wuxuu ahaa Shekha Kooaad ee Soomaalida, marka la eego waqtiga uu ku qaatay dacwadda iyo dedaalkiisii iyo juhdigiisii siduu u fiday iyo hrumarinta uu ku sameeyay  cilmiga diinta wuxuu ahaa Caalimka Koowaad ee Soomaliyeed.” Sidaa waxa yidhi, Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah culimada Soomaalida oo ka hadlayay geerida Sh. Cali Warsame.

Sh Cali Maxamuud Xasan (Sh. Cali Wajiis), wuxuu sheegay in Sheekh Cali Warsame mararka qaar loo yaqaanay Sh. Cali Burcaawi, maadaama ay halkaasi ahayd deegaanka uu kasoo jeeday, wuxuuna xusay in Sheekh Cali intii aannu shahaadada sare ee cilmiga Diinta kasoo qaadan dalka Sucuudiga uu waday dacwadda, isagoo kasoo bilaabay cilmiga diinta.

“wuxuu lahaa astaamo aannay inta baddan culimadu lahayn, wuxuu ahaa mid samir baddan, sababtoo ah dacwaddu samir ayay u baahantahay, isagoo marka horeba dacwadda waday, markii uu dalka kusoo laabtay ee ka yimi dalka Sacuudiga, wuxuu fadhiistay Masjidka weyn ee Burco, dhawr jeer ayaa laysku deyay in la xidho, ama lasoo qabtay, xataa dil ayaa loo qorsheeyay, iyadoo kiisas khatar ah lagu eedeeyay, mar walabana Illahay ayaa ka badbaadinaayy.” Ayuu yidhi.

Sh. Cali Wajiis, wuxuu sheegay in astaamaha Sh Cali Warsame dadka jacaylka u geliyay ay ka mid ahaayeen marka laga yimaado aqoonta uu diinra u lahaa, “wxuuu iska ilaalin jiray in waxyaabaha khilaafaadka diinta abuuraya uu sameeyo oo doonaya inuu xoogga saaro sidii uu dacwadda u fidin lahaa, akhlaaq baddan, axsaan baddan iyo daceecad wanaagsan ayuu caan ku ahaa, waxaana dhacday marar baddan dadkii loo soo diray in ay ka cadhaysiiyaan ay ka mid noqdeen Ardaydiisa markii ay arkeen iyo wanaagii uu tusay. Ma hayn Sheekh Cali Warsame Caalin diimeed oo keliya ee wuxuu ahaa Oday nabadeed, madax-dhaqameed ah oo Bulshada ku dhexjira oo heshiisyada nabadeed ee qabaa’ilka ka qaata doorkiisa ” ayuu yidhi.

Daceeddaha uu laaha Sh. Cali Warsame, ayaa u fududeeyay wax baddan, sida uu sheegay Sh. Cali Wajiis oo aqoon baddan u lahaa, “wuxuu ahaa Sh. Cali nin ku xidhan dhammaan qaybaha Bukshada madax iyo minjo, waana sababta in baddan ay uga baqday dawladdii Kacaanka ee ugu dhiiran weyday in ay ku fuliso qorshayaal halis ah, wallow xabsiga loo taxaabay dhawr jeer, waxaana dhacday mararka qaar iyadoo la doonayo in qaar ka mid ah dawladdu qariyaan, markaa Sheekh Cali wuxuu ahaa Sheekh bulshada kasbaday oo saamayn ku lahaa oo xataa xilligii uu Ururka Al Itixaad madaxa u ahaa wuxuu didiay dagaalka Boosaaso, weligiina ma taageerin afkaarta diinta ee dagaalada firqooyinka, hadafkiisa waxa manhaj u ahaa fidinta diinta oo keliya iyo dadka la walaaleeyo oo nabada laga shaqeeyo..” Ayuu yidhi, Sh. Cali Wajiis.

Waxa uu noqday wadaadkii ugu horreeyay ee magaalada Burco ka bilaaba kutubta caqiiqada ka hadlaysa, sida uu BBC-da u sheegay Suldaan Yuusuf Cabdi Cawad oo ka mid ahaa Ardaydiisa, ” Dhowr jeer ayay dowladdii kacaanka ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre xabsiga dhigtay Sheekh Cali Warsame,, ayuu yidhi.

“Sheekhu markii uu dalka dib ugu soo laabtay waddanka waxaa aad uga hooseeyay dhanka caqiidada. Sheekhu durbadiiba wuxuu bilaabay sidii umadda caqiidada loogu sixi lahaa, oo ah in dadka Allah lagu xidho oo ay keligiis baryaan,” ayuu yidhi, Suldaan Yuusuf.

1986-ayuu ayay dowladdii kacaanka soo saartay amar lagu soo xidhayo Sheekh Cali Warsame oo markaas kitaabka Saxiixul Bukhaari ka mariya Majid, dadkii ku xidhnaa cashirkiisana waxaa ka mid ahaa Suldaan Yuusuf, oo la hadlay BBC-da.

“Kitaabka wuxuu Sheekhu noo bilaabay 1984-kii, isagoo wali noo wada ayay 1986-kii dowladdii kacaanka ee xilligaas jirtay waxay qaraar kusoo saartay in Sheekha iyo culimo kale la xidho.

“Subaxaas annigu goob joog baan ahaa, markii la ogaaday warka, isla markii uu sheekhu ka baxay kitaabka waxaa lagula taliyay in aannu gurigiisa ku noqonin oo uu hore uag baxo dalka, islamarkaana raaco baabuurta Hargaysa ee basaska ah.

“Hargaysa ayuu maalmo ku dhuumanayay, jaddib Djibouti ayuu u gudbay, wuxuuna usii baxay Sacuudiga. Habeenkii waxaa la galay gurigiisa, kutubtii iyo shahaadooyinkiisii ayaana sidaas lagu qaatay. Dowladdii Kacaanka Sheekha dhowr jeer ayay horay xirtay,” ayuu yidhi, Suldaan Yuusuf Cabdi Cawad.

Qiyaastii 1940, ayuu ku dhashay deegaanka Miyiga ee dhanka Waqooyi ee Magaaladda Caynaba kaga beegan, sida uu sheegay Sh. Faysal Maxamed Cali oo ka mid ahaa Ardaydiisa, isla markaana ay muddo dheer barshada diinta ku wada jireen Dr. Sheekh Xasan Cali Warsame oo ay soo wada dhammaysteen sida uu sheegay Jaamacaddii uu ka baxay Sh. Cali Warsame.  .

Markii uu dhammaystay barashada quraanka, siagoo xilligaa ahaa wiil yar, wuxuu si uu cilmiga diinta usii kordhisto u boqoolay dhanka Magaaladda Herer iyo Dirirdhaba ee dalka Ethiopia, qiyaastii lixadanaadkii,, halkaas oo sida uu Sh. Cali Warsame intii uu noollaa u sheegay Sh Faysal kaal kulmay dhibaatooyin nolloleed oo adag, balse uu adkaysi u yeeshay, isla markaana uu ku laabtay deegaanka Caynaba si uu dadkiisa ugu faa’iideeyo cilmiga diinta ee uu soo bartay.

Hase yeeshee Sh. Cali Warsame, ayaa sii waday hamigisia ahaa inuu sii kordhiyo aqoonta diinta, wuxuu 1968, u boqoolay dalka Sacuudiga, isagoo doonayay inuu galo Jaamacadda Islaamiga ah ee Madia Munawara oo ku sugnaayeen culimo waaweyn oo dunida Islaamka ah, isagoo ka qaatay shahaadada heerka koowaad ee culuunta diinta, isagoo markaa kaddib Jaamacadda Riyaad ee Maxamed Bin Sacuud Al islamia oo shahaadada Master uu qaatay.

Sh. Cali Warsame, wixii xilligaa ka danbeeyay wxuuu kusoo laabtay dalkiisa 1979, si uu dadkiisa u baro diinta Islaamka, wuxuuna kusoo beegmay xaalad addag oo dalku ku jiray xilligaa oo ay ka talinayeen Talsikii Millateriga ahaa ee Maaxmed Siyaad Barre oo dhibaatooyin xadhig iyo hadidaad uu kala kulmay, balse cagajuglaynta iyo xadhiga kamay leexin jidkii uu ku doonayay inuu kusii wado dacwadii, isagoo dalalka UAE, Kenya iyo meelo kale mararka qaar dacwadda ka faafinayay, sida uu sheegay Sh. Faysal.

“Allah haw naxariistee, wuxuu ahaa sheikh weyn oo dacwadda muddo dheer kusoo jiray, cid kasta oo maanta dacwad faafinmaysa, ama cilmiga diinta ku jirta waxay noqonaysaa Ardaydiisii, ama Ardaydiisu kuwii ay Ardayda usii ahaayeen, markaa cid dacwad ku jirta aa aannu fadli ku lahayni ma jirto.” Ayuu yidhi, wuxuuna Allah uga baryay inuu naxariistisia ugu deeqo samir iyo iimaan saadiqana ka siiyo qoyskii, Ehelkii iyo ummadda Soomaalida, gaar ahaan Somaliland iyo weliba magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer ee intii danbe uu ku noollaa Sh. Cali Warsame.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay geerida Sh. Cali Warsame, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, culimada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Allah ha u naxariistee Marxuum Sheekh Cali Warsame Xasan oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu tahay 28/05/2022, dalka Urdun

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey sheekh caalim ah oo ka baxay dalka iyo dadka, muddo dheerna wax soo barayey bulsho badan, kana aflaxeen kumanaan Culimo ahi, isagoo ka mid ahaa culimada waa weyn ee dalka.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Allah uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, culimada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Sidoo kale, Culmida Somaliland, iyo shacbiga ayaa ka hadlay geerida Sh. Cali Warsame, waxayna culimadu ka tacsiyaysay qoyskii ehelkii iyo bulshada Soomaalida oo dhan geerida Caalinkii weynaa ee Sh. Cali Warsame.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com