Casablanca(ANN)- Shacbiga Dalka Morooko, ayaa si weyn uga cadhooday Nin Faransiis ah oo si kibir ula kac iyo badheedh ah u laayay Adhi uu la joogay Wiil yar oo u dhashay dalka Morooko.


Ninka Faransiiska ah oo watay gaadhi, ayaa si badheedh ah u jiidhay oo taayirka u mariraya xayn Ido ah oo Wiil yar oo qiyaastii 10 jir ah uu la joogay, magaalada Bouznika, oo 53 kiiloomitir waqooyiga ka xigta caasimada dalkaa ee Casablanca, isla markaana u dhow Magaalada Mohammedia.


Dhacdadan oo markii ay soo baxday lagu baahiyay baraha bulshada, iyadoo warbaahinta qaarkeed waraysteen wiilka yar ee xilligaa Adhiga la joogay iyo Aabaha dhalay, isla markaana waxay arrintaasi si weyn uga cadhaysiisay shacbiga Marooko, iyadoo kooxaha u dhaq-dhaqa arrimaha Bulshadu durba bilaabeen olole wada jir ah oo ay ka wadaan warbaahinta iyo Baraha bulshada ka dib markii ay soo baxday in muwaadin Faransiis ah oo “si ula kac ah” u jiidhay Adhiga, isagoo halkaa ku dilay dhawr toban Neef oo Ido ah.

Aabaha dhalay Wiilka yar, ayaa arrinta uu ku kacay Ninka Faransiiska ah, wuxuu ku tilmaamay fal-waxashnimo ah oo ay ka muuqatay cadaawad xun iyo nacayb, wuxuuse Illaahay ugu xamdiyay in Wiilka yar ka badbaaday dhacdadaa,

Muuqaalka dhacdadan oo la shaaciyay Axadii, ayaa dhalisay in warbaahinta bulshada lagu qaadaa dhigo, iyadoo ay dadku muujinayaan cadhada ay ka qaadeen qaabka axmaqnimada ah ee uu ula dhaqmay muwaadinkaa iyo qoyskii xoolaha lahaa Ninka Faransiisk ah, waxayna ku baaqaayaan in sharciga la mariyo ee weliba aan laga aqbalin oo keliya magdhaw inuu bixiyo ee ;loo raaciyo ciqaab adag.


Sida laga soo xigtay warbaahinta maxalliga ah ee dalka Morooko, ciidamada amniga, ayaa mar danbe xidhay muwaadinka Faransiis ah, waxayna sheegeen inuu xidhnaanayo inta laga sugayo baadhitaanka arrintaa.


Qof isticmaala barta Twitter-ka oo u dhashay Marooko, ayaa sheegay in Wiilka yar u baxay si uu usoo daajiyo idaha qoyskooda, balse Ninka Faransiiska ah uu si badheedh ah oo axmaqnimo ah ugu laayay gaadhigiisa, taas oo uu sheegay inay ka dhigantahay, inuu si baabiiyay noloshii qoyskaa.
Dhanka kale, dadka kale oo Facebook kaga hadlay, ayaa qaarkood sheegay in haddii dhacdadan oo kale ay ku dhaci lahayd qof shisheeye oo dalalka reer galbeedka jooga, ay ahaan lahayd mid adduunkuna oo dhami aannu joojiyeen ka hadalkeeda, iyadoo loo eegayo xuquuqda aadanaha iyo daryeelka xayawaanka.


“Arintaani waa mid aflagaado ah oo loo geysanayo dadka reer Morooko ee Miyiga degan ee ka yimid qamriga Faransiiska, oo laga yaabo inuu salka ku hayey daroogo .. Aaway culimadii kacdoonka iyo ururka daryeelka xoolaha, mana danayneyno lacagta iyo magdhowga.Waxaan doonaynaa ciqaabta ugu badan, laakiin nasiib darro waxaan ku sugnayn gobolka runta iyo sharciga.”


Faransiisku waxay aaminsan yihiin in Morooko ay weli tahay gumeysi ay iyagu iska leeyihiin, taasina waa sababta ay noogula dhaqmaan quudhsasho, sidaana waxa yidhi, qof muwaadin reer Marooko ah oo ka mid ah boqolaal kun oo baraha bulshada arrintan si cadhaysan uga falceliyay.


19-kii March, dowladda Morooko waxay meel marisay sharci qabyo ah oo la xidhiidha adeegsiga warbaahinta bulshada iyo qaabka warbaahinta furan loogu dhaqayo sharcigaa, balse waxaa arrintan si weyn u dhaleeceeyay Madaxa xisbiga ugu weyn mucaaradka Mucaaridka ee dalka Marooko Abdellatif Waheebi, ayaa codsaday in shaqada laga eryo wasiirka cadaaladda, isagoo ku sababeeyay sharciga qabyada ah ee isticmaalka aaladaha baraha bulshada iyo warbaahinta furan.


Waheebi, wuxuu muujiyay taageerada uu u hayo “warbaahinta bulshada inay sii ahaato aag isku dhac ah oo u dhexeeya xisbiyada kala duwan ee dalka.”


Sidoo kale, waxaa arrintan si weyn uga qayliyay warbaahinta iyo bulshada kale oo sheegayaa in sharcigaa ay ku jirto xayiraad, shuruudo dhanka xabsiga ah iyo ganaaxyo ay la kulmayaan waraabinta iyo dadka baraha Bulshada wax ku qora, ama ku baahiya.

AKHRI: Adhi Jirtii Reer Marooko ee Noqotay Wasiirka Waxbarashadda Faransiiska