Hargeysa(ANN)-Masuuliyiinta Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa bilawday qaybinta Raashin loogu talo-galay Macallimiinta wax ka dhiga Dugsiyada Qur’aanka ee Maddaariista oo qayb ka ah koow iyo labaatan kun (21,000) oo Qoys oo ka mid ah Dadka uu Somaliland ku saameeyeen xayiraadaha xanuunka Covid-19.

 

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, isla markaana ah gudoomiyaha Guddiga heer Qaran ee ka Hor-tagga Xannuunka Covid-19 , Cabdiraxmaan Cabdulllaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay weheliyaan Xubno Guddiga ka tirsan oo uu ka mid yahay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdullaahi Axmed, ayaa maanta Deeq Raashin ah oo loogu talo-galay inay ka faa’iidaystaan (Laba Iyo Toban Kun, Sagaal Boqol iyo Toban Qoys) ka gudoomay guddida taakulaynta dadka uu saameeyay Xannuunka Coronavirus oo soo uruuriyey Deeqdaasi.

Taakuladan, ayaa qorshuhu yahay in la gaadhsiiyo dadka reer Somaliland ee uu saamaynta ku yeeshay Xannuunka Covid-19 gaar ahaan kuwa ku dhaqan caasimadda Hargeysa.

 

Wejigii Kowaad ee qaybinta Raashinkan, ayaa maanta lagu bilaabay Macallimiinta wax ka dhiga dugsiyadda Qur’aanka lagu barto ee Hargeysa, kuwaas oo shan boqol (500) oo Qoys oo ka mid ah illaa laba Kun oo Qoysaska Barayaasha Maddaarista Qur’aanka ka tirsan, iyadoo maalmaha foodda innagu soo hayana la gaadhsiin Qoysaska Macallimiin Kun iyo Shan Boqol ka badan.

 

Xubin ku hadlayay afka Guddiga ganacsatada iyo Culimaa-udiinka ee deeqdan soo uruuriyey, ayaa sheegay inay sharaf u tahay inay guddiga heer Qaran ee ka hortagga Xannuunka Covid-19 ay ku wareejiyaan deeqdan Raashinka ah oo wax weyn ka taraysa baahiyaha dadka uu saameeyay xannuunkani, waxaanu masuulkani sheegay in markii uu Madaxweyne ku-xigeenku magacaabay Guddigooda oo laga joogo muddo saddex bilood ah ay u suurtogashay inay soo uruuriyaan Kaalmadan Raashinka ah.

 

Mas’uulkan ku hadlayay afka guddida ganacsatada iyo Culimaa-udiinka ayaa intaas ku daray in Wejiga labaad ee hawshan ay Taakulo raashin ah ku gaadhsiin doonaan 20 Kun oo qoys kuwaas oo ku nool 21-ka degmo doorasho ee dalka.

 

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed isla markaana Xubin ka ah Guddida heerka qaran ee Ka hortaga Xannuunka Covid-19 ayaa u mahadnaqay Guud ahaan Ganacsatadii iyo Culimadii hawshan ka qayb qaadatay waxaanu xusay inay qaateen Kaalin waddani-nimo oo ku dayasho mudan.

 

Sidoo kale, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil waxa uu bulshada u soo jeediyey inay ku daydaan dedaalka naf hurka ah ee ay sameeyeen Guddigan isugu jirta Ganacsatada iyo Culimadda ee soo uruuriyey deeqdan raashinka ah oo noqonaysa bilow wanaagsan.

 

Geesta kale, Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ahna Gudoomiyaha Guddiga heer Qaran ee Ka hortagga Xannuunka Covid-19 Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo gebo-gabadii Munaasibaddaas ka hadlay, ayaa Mahadnaq ballaadhan u diray Guddidii Ganacsatada iyo culimada isugu jirtay ee soo uruuriyey muddadii koobnayd ee ay Magacawnaayeen raashinkan ay ka faa’iidaysan doonaan Laba Iyo Toban Kun, Sagaal Boqol iyo Toban Qoys isla markaana wejiga labaad ee Taakuladan ay gaadhsiin doonaan 20 Kun oo Qoys.

 

Mudane Saylici,  waxa uu tilmaamay in markasta oo iskaashi dhex-maro dawladda iyo shacabka ay wax weyni Qarankan u qabsoomaan. Waxa uu Madaxweyne ku-xigeenku intaas ku daray in magaalooyinka kale ee dalka ay Guddigu gaadhsiisay Raashin loogu talogalay Dadka uu saameeyay Xannuunka Covid-19, kaas oo ay ka faa’iidaysteen Dad ka badan Laba iyo Afartan kun oo Qoys.