Hargeysa(ANN)-Hay’adda Shaqaalaha Somaliland, ayaa uga digtay shaqaalaha Dawladda inay ku milmaan siyaasada, isla markaana ay boggaga Bulshadu ku kulanto ee Social Media ku difaacaan, ama ku weeraraan kooxaha, ama ashqaasta ku loolamaya siyaasda.


Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland Farxaan Aadan Haybe, ayaa sheegay in ay talaabo adag ka qaadi doonaan shaqaalaha dawladda ee ku dhex milma siyaasadda dalka iyo kuwa qoraalada siyaasadaysan ku daabaca baraha bulshada ee Internet-ka.

Guddoomiye Farxaan, wuxuu sheegay in shaqaalaha dawladda looga baahan yahay dhex-dhexaadnimo iyo in aanay ku dhex milmin siyaasadda, isagoo sheegay in qofka ka dhega adayga digniintaa tallaabo sharci ah laga qaadayo.