Hargeysa (ANN) Qayb ka mi dah shaqaalaha ka hawlgala Wershadda Korontada Hargeysa ee dhawaan xukuumaddu ku wareejisay shirkaddo ay leeyihiin ganacsato , ayaa sameeyey mudaharaad ay kaga cabanayaan xaquuqdoodii muddadii ay shaqaynayeen oo sida ay sheegeen la siin waayey iyo weliba mushaharooyin ka maqan.
Shaqaalaha oo isu-soo-baxooda kula hadlay warbaahinta, waxa ay eedaymo u jeediyeen Wasiirka Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif oo ay sheegeen inuu ka horjoogsaday helitaanka xaqooda, isla markaana muddo badan ku maaweelinayey been iyo ballamo aan waxba ka fulin.
“Waxa la ogyahay in meesha (Wershadda Korontada) la iibiyey oo lagu wareejiyey dad gaar ah, waxaanay shaqaaluhu doonayaan in ay helaan wixii ay xaq u heleen iyo shaqadii ay dalka ku lahaayeen. Markii aannu wax ka waydiinay shaqadayadii Wasiirka Hawlaha Guud waxa uu noo sheegay oo uu nagu yidhi ‘waxaad u shaqaynaysaan dadka aannu ku wareejinay maamulkii wershadda,’ balse arrintaas waxay noqotay mid saaka (shalay) beenowday oo soo gebogabowday, waxaannu halkan ka sheegaynaa in shaqaalaha halkan taagani (goobta ay isugu soo baxeen) ay yihiin qaar xaqoodii ku jajabay oo dhaawacyo kala duwan soo gaadheen, qaar dhabarka ama lafo kale ayey ka jabeen, kuwo kale madaxa iyo maskaxda ayey wax ka noqdeen, qof kastana maanta isagoo qaba dhaawac ka soo gaadhay shaqadaas uu qaranka u hayey ayaa haddana waxa uu maanta wasiirku halkan ka caddeeyey in aannu xaqoodii u hayn.” Sidaa waxa yidhi xubno ka mid ah shaqaalaha mudaharaadka ku muujiyey cabashadooda.
Waxa kaloo sheegeen in aan la siin mushaharkii u dambeeyey ee ay shaqeeyeen oo ay sugayeen muddo 45 maalmood ah, sidoo kalena qaar ka mid ah shaqaalaha la eryey, “Waxa saaka shaqada laga fadhiisiyey 10 qof oo shaqaale ah, taasina waxay beeninaysaa shaqalihii la lahaa la eryi maayo, wax sabab ah oo lagu eryeyna ma jirto,” ayey yidhaahdeen.
Dhinaca kale, Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Cabdirisaaq Khaliif iyo xukuumadda uu ka tirsan yahay toona ayaan ilaa hadda ka hadal dhankooda cabashada shaqaalaha Wershadda Korontada Hargeysa, sidoo kalena maamulka cusub ee wershadda oo ka wakiil ah shirkadaha ganacsiga ee laga iibiyey ayaan wax jawaab ka bixin tabashada shaqaalaha iyo eedaynta loogu jeediyey inay eryeen xubno shaqaale ah.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com