Araweelo News Network

Sheekh Aadan Maxamuud Xiirey (Aadan Siiro)

Hargeysa (ANN)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro) oo ka mid ah culimada waaweyn ee reer Somaliland, ayaa ka hadlay baahida ka jirta Somaliland iyo sida ay muhiimka u tahay in dadka ku cibaadaysta masaajidada maalmaha Jimcaha ay bixiyaan qaadhaan lagu taakuleeyo bulshada danyarta ah.
Sidaana waxa Sheekhu ku sheegay khudbad uu ka akhriyey masjidka Xawaadle ee Degmada 26-ka June ee caasimadda Hargeysa maalintii Jimcaha, isagoo si gaar ah u soo qaatay dhibaato haysata qoys dan yar ah oo haysta toban carruur ah.
“Waxaan khudbaddan ka sameeyay qoys ka kooban toban carruur ah oo Masaajidka ku dhow, tobankaa carruurta ah oo immnika mid keliya uu Iskuulka ka dhigto. Ilaahay (SWT) qur’aanka wuxuu ku sugay sifooyinka jannada lagu helayo inay ka mid tahay in Ilaahay dartii wax loo bixiyo oo cidda u baahan la siiyo. Weliba bisha Ramadaan ay tahay wakhtiyada ugu habboon ee jannada lagu helayo, sida Axaadiis badan tilmaameen. Waxa taa ka sii fog kuwa masuuliyaddu ay saaran tahay ee tobankaa carruur ah ee soo ootay masuuliyaddoodu saaran tahay,” ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.
Waxa kaloo uu ka warramay culayska masuuliyaddu leedahay iyo sida Ilaahay ula xisaabtami doono dadka masuuliyaddu saaran tahay, waxaannu yidhi; “Ma jiro nin ka masuul ah 10 qof, haddii kale Ilaahay baa la hor joojinayaa isagoo labada gacmood ka xidhan, tobankaasi caddaaladdoodii iyo xaqoodii illaa la xaqiijiyana xadhigga lagama furayo ayuu yidhi Rasuulku (CSW).”
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud, ayaa sheegay inay habboon tahay in la keeno qorshe lagu daryeelayo dadka baahan ee reer Somaliland, isla markaana ay muhiim tahay in dadka ku cibaadaysta masaajiddada ka dhisan Hargeysa maalmaha Jimcaha uu qof walba keeno kun shillin oo Somaliland ah (1,000 SLSH) si markay ururto dadka dhibaataysan loo siiyo.
Waxa kaloo sheekhu ku soo qaatay khudbadiisa uu ka jeediyey masjidka Xawaadle tusaaleyaal ay ka mid yihiin in Cumar Binu Khaddaab xilligii uu muslimiinta xukumayey uu habeenkii iyo maalintiiba ka war hayn jiray dadka muslimka ah ee dhibaatadu la soo deristo, kaasoo xilliyada qaar uu gacantiisa raashinka ugu karin jiray.
“Ujeeddada qisadu maxay tahay, kuwa masuuliyaddu saaran tahay ee aad ogtihiin sida ay u nool yihiin iyadoo ummaddu soo wada oodatay, Magaalada badhtankeeda ayeynu ka warramaynaa toban carruur ah oo soo ootay,” ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.
Wax kaloo uu ku eedeeyey Xukuumadda inay leedahay masuuliyadda sicir-bararka dalka ka jira, waxaannu yidhi; “Bal sicir-bararkan eeg, Adeer iyadoon miisaaniyaddu ahayn $360 milyan oo doollar, dhaqaalaha dalkuna aanu sidan ahayn, ayaa sarrifka boqolka doollar lagu hayey 650,000 SLSH (lix boqol iyo konton kun oo Somaliland shillin ah), waa maxay immika sababtu (Sicir-bararka keentay? Wax alaale iyo waxaa musuqmaasuq jira, wax alaale iyo waxaa sicir-barar jira cisaabaddaa waddanka haysata qof kale kuma weheliyo, xaataa inta ka baxsan iyaga ayay masuuliyaddooda tahay inay wax ka qabtaan oo ummaddu u dooratay.”
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro), ayaa sidoo kale ka hadlay lacago Baanka Dhexe ee Somaliland ku sii daayey suuqyada dalka si sarrifka dollarku hoos ugu dhaco.
“Lacag baa la xaraashay (oo suuqa la geliyey), laakiin 890,000 SLSH (siddeed boqol iyo sagaashan kun oo Somaliland shillin ah ayuu ka degi la’yahay (sarrifka boqolka doollar), Waayo? qaar iyaga ka mid ah ayaa lacagtii ummaddu lahayd soo gelinaya (suuqa) oo dib u qaadanaya (dollarka), weligii isma beddelayo (qiimaha sarrifku) inta ay lacagta soo daabacayaan,” ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.
“Immika kuwa wax haystaa qaarkood waxay awoodaan inay bixiyaan waxay sannad ku noolanayaan ummadda la deggan oo dhan, laakiin wuxuu arkayaa kii talada ka masuulka ahaa oo hantidoodii baa’biinaya, wuxuu arkayaa kii Dadka ka masuulka ahaa oo Lacagtoodii isticmaalaya, inta ay taasi jirto taajirku waxba bixin maayo. Laakiin markay dhacdo in hoggaanku toosnaado, wixiisa halkiisa dhigo, ayaa muslimiinta kalena ay nolosha wadaagayaan, sida taariikhda islaamka laga arkay,” ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.