Araweelo News Network


Hargeysa (ANN)- Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo ka mid ah culimada waaweyn ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka digay dhaqan xumada ku hoos duugan bandhigyada dharka lagu xayeysiiyo, arrintaas oo uu ku sifeeyey dhaqan gaalaad fawaaxish ah oo aan habboonayn in laga sameeyo dal islaam ah.
Sheekh Dirir ayaa casharka 60-naad ee Kitaabka Al-Waafi ku soo qaatay bandhig dhar lagu xayeysiiyey oo dhallinyaro wiilal ah ku qabteen hool ku yaal caasimadda Hargeysa, arrintaasoo aad loo hadal hayey toddobaadkan.
“Waxa aynu maanta maraynaa in lagu xarragoodo oo macrad dhan loo furto oo loo soo shaqo tago. Waa nasiib-darro aad iyo aad u cajiib ah. Saw maydaan arkayn inamadii yaryaraa oo muruqyo kuusan oo dhar isku soo giijiyay oo xubinkoodii taranka halkaa ka muujinaya sida sawirrada ka muuqata ayaa hablo aad u badan oo hablaheenna ah loo soo fadhiisiyey? Madaxda waddanka dumarkooda qaar ka mid ah ayaa mashruuc lagu siiyay oo abaabulayay. Da’yartii aqoonyahanka ahayd weeye ee dadka sixi lahaa,” ayuu yidhi Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir.
Waxa uu intaa ku daray, “Habluhuna laba layn (laba saf) oo aad u dhaadheer ayey u fadhiyaan, kamaradna way wada haystaan iyo moobillo ay ku sawirayaan. Kolba inan baa dabada dhaqaajinaya iyo bawdada. Inan (gabadh) ayaa barigii hore dhaqaajin jirtay, laakiin inankiina waa lagu soo daray. Ma garanaysaan sheekada inanku halkay ka timmi? Waxa ay ka timmi Qowmu-Luud. Berigii hore gaaladu waxay samayn jireen waxan dharka lagu xayaysiiyo oo dumarka ayaa xayeysiin jiray, markaa waxay ka bilaabeen dalka Faransiiska oo waxa xanaaqay kuwii Qowmu Luudka ahaa oo yidhi, annaga qudhayada waa nala waxeeyaa (loo galmooda) ee maannu is bandhigno annaguna, markaas ayey raggii Qowmu Luudka ahaana intay dhar soo qaateen is marmarooriyeen. Sheekada halkaa ka timmi ayaa Hargeysa ka socota.”
Waxa kaloo Sheekhu uu ka hadlay dhibaatooyinka foosha xun ee ka dhalan kara mashruuca dharka lagu xayeysiiyo, “Inamadii baa la daawadsiinayaa hablihii oo halkaa laga basbaasaynayaa oo inanka yar ee muruqyada kuusan ee sidaa isu maroojinaya markay inantii aragto goor dhow xagga shishe ayey ka bildhaansanaysaa, markaas ayey goor dhow odhanayaan reer hebel inan bay naga garciyeen, gaalna xagga dambe ayuu u fadhiyaa sidaad ka arkayso sawirka mid gaal ah oo timo cad baa xagga dambe fadhiya. Waa arrin yaab leh, waqtiga soo socdana waxa la samaynayaa tii hablaha, markaa kolka la waayo wax ka hadla iyo wax diida dee waa lagugu wadayaa ilaa aad waalanayso.”
Sheekh Dirir waxa uu kula dardaarmay bulshada reer Somaliland inay ku dhaqmaan diintooda, kana fogaadaan waxyaabaha dhaqan xumada ah ee sida maldahan loo soo dhex-gelinayo.
“Waxa mudan in dadka muslimiinta ah diintooda raacaan oo dullinimada noocana iska daayaan, isha in la haystana waa waajib ee sunne maaha marka ay marxaladdaas oo kale marayso, dadkuna waxay moodayaan in waxa la xayaysiinayo dharka yahay ee waa inanka. Marka inantu soc-soconayso inanta ayaa la xayaysiinayaa candhadeeda, badhideeda iyo jidhkeeda, markaa dharku waa yool-beenaad ee xayaysiisku waa qofka,” ayuu yidhi Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir.