madaxweyne SilanyoxafiiskaHargeysa(ANN)Sheekh Cumar Qawdhan oo ka mid ahaa Culimadii ka qaybqaatay halgankii dib u xoraynta dalka ee ay hormoodka u ahaayeen Ururkii dhaq-dhaqaaqa SNM, ayaa ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland guud ahaanba, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Marxuum Sheekh Cumar Qawdhan Muxumed oo ku geeriyooday maanta 04/02/2015 magaalada hargeysa.

Madaxweyna Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu marxuumka ku tilmaamay mujaahid miisaan culus ku dhex lehaa qaranka somaliland iyo shacbiga, isla markaana baal dahab ah kaga jiray, una hibeeyey wakhtiyadii adkaa ee dalku ka soo gudbay maalkiisa iyo muruqiisaba, door muhiimana ku lahaa nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, sidoo kalena ka mid ahaa culimada waa weyn ee dalka.

waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Sidoo kale Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay geerida Marxuum Sheekh Cumar Qawdhan, wuxuuna ku tilmaamay Marxuumka inuu ka mid ahaa tiirarkii waawaynaa ee SNM, wuxuuna xusay in si gaar ah loogu xasuusan doono xaruntiisii Dibiile oo ku taal dhinaca galbeed ee xadka ay Somaliland la wadaago Ethiopia, isagoo Marxuum Sheekh Cumar Qawdhan taageerada iyo taakuladii uu u fidin jiray halganka.

Sida lagu sheegay dhanbaal tacsi ah oo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi, kaga hadlay geerida marxuumka, wuxuuna isagoo ku hadlaya magaciisa, magaca Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE, tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada, ehelada iyo shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay Marxuun Sheekh Cumar Qawdhan oo ku geeriyooday maanta (04/02/2015) gurigiisa magaalada Hargeysa ee xaafada jigjiga yar, iyadoo maalinta beri lagu aasi doono xabaalaha Xeedho ee Waqooyiga Hargeysa.

Alle naxariisto janno ha ka waraabiyo Marxuumka, qoyska, qaraabada iyo shacabkana dhammaanteen samir iyo iimaan ha innaga siiyo Aamiin…Aamiin…Aamiin.

Araweelo News Network
Somaliland Office
E-mail Jaamac132@gmail.com
info@araweelonews.com