Boorama(ANN)-Badhasaabka Gobolka Awdal, Cabdiraxmaan Axmed Cali (Cabdi Shaqaabe), ayaa ku eedeeyay Sheekh Xasan Daheeye oo ka mid ah Culimada Gobolka Awdal inuu ka mid yahay dadka taageera kooxda Al-shabaab ee gobolka ka wada wuxuu ugu yeedhay olole la doonayo in lagu dumiyo dawladnimada iyo nidaamka maamul ee gobolka Awdal.


Badhasaabka oo daba socday qudbad uu Sheekh Xasan Daheeye ka jeediyay mid ka mid ah Masaajidada Magaalada Boorama, isagoo ku eedeeyay Badhasaaabka inuu Af-lagaadeeyay Diinta, isla markaana kaga hadlay arrimo dad loo xidhay falal nabadgelyo-daro oo ka dhacay gobollka, gaar ahaan magaalada Boorama.


Hase yeeshee, Badhasaabka Awdal, Cabdiraxmaan Shaqaabe oo warbaahinta maxaliga ah la hadlay, ayaa si weyn u beeniyay eedaha uu Sheekh Xasan u jeediyay, wuxuuna, isagoo arrintaa ka hadlaya, ayaa yidhi, “Marka hore anigu qof Islaam ah ayaan ahay, marka labaad waxan ahay masuu, munasibad Rays lagu qabtay ayaa layga yeedhay, mana jirto meel aan Diinta ku caayay, munaasibada kuwii duubayay ayaa jooga goobta, waxa kale oo fadhiyay goobta dad ka baddan 100 qof, waxan codsaday in maadaama xildhibaano marti ah ii joogeen lay dedejiyo hadalka, shaqooyina na sugayeen, waan baxay anigoo sii socda, wuxuu Inankii Mikirifoonka hayay igu yidhi, “Bax” waxba uma arkin inan yar oo sidaa u hadlay, sababtoo ah masuul ayaan ahay, inankaana Booliska ayaan u sheegay. Xasan wuxuu yidhi, “Anigu goobta ma joogin ee waxa lay sheegay in Badhasaabku Diinta Caayay oo Dad ayaan ka maqlay” ayuu yidhi. Badhasaabka Awdal.


Waxa kale oo uu ka hadlay arrimaha uu Sheekh Daheeye ku eedeeyay, isagoo ku Badhasaabkii ku eedeeyay Sheekh Xasan Dahayee inuu Masaajidka ka dhigtay meel fagaare ah oo uu dadka kala hadlo, isla markaana wuxuu xusay in aanay ahayn maalintii u horraysay ee uu cid ka maago, balse uu caadaystay.


Badhasaabka Awdal, Cabdiraxmaan Shaqaabe oo ka hadlaya arrimahaa, ayaa yidhi, “Sheekh Xasan Daheeye, waa Nin Al-shabaab ah oo doonaya dawladdaa dhan inuu afka u rido oo cidla ka helo, halka saaxiibadii ku dagaalamayaan qoriga, isagu wuxuu doonayaa inuu Afka kula dagaalamo dawladda oo dadka ku kala kexeeyo, waana Nin la wada garanayo, mana ihi Badhasaabkii u horreeyay ee uu yidhaahdo, “Diinta ayuu Af-lagaadeeyay” ayuu yidhi.


Sidoo kale, wuxuu ka hadlay sababaha uu Sheekh Xasan Daheeye isaga “Badhasaabka” uga hadlayo, isagoo yidhi, “Nin Askari ah ayaa lagu dilay mashruucii Biyo Ballaadhinta, waxaana guddi nabadhelyo ahaan u qabanay dhawr qof si arrintaa loo helo, khudbadiisa ayuu ku sheegay Sheekh Xasan,” Badhasaabku wuxuu xidhay Niman aanu qoys nahay,” mana aha wax laga laabanayo in la qaado tallaabooyin lagu sugayo nabadgelyada, haddii la leeyahay labadii qoys aya dilkaa ka heshiiyay Askariga ilaalinayay mashruuca Biyaha denbi ciqaab ah ayuu leeyahay, heshiiska kama xumin, waana taas ta loo hayaa, mana jirto cid aannu nabagelyada uga fasax-qaadanmayno, mashruuca Biyaha in dib loo bilaabo cida laga doonayo nabadgelyadooda waa Masuuliyiinta aan u sareeyo. markaa si aan arrimaha horrumarka loo hor istaagin waan ku adkaysanay in la keeno denbiilayaashii dilka Askariga geystay.” ayuu yidhi, Badhasaabka Awdal Cabdiraxmaan Shaqaabe.


“Xasan Daheeye Dawlad kama aha halkan, Dawlad ayaa Dalka ka jirta, waa Al-shabaab qayb ka mid ah oo Boorama joogta, oo doonaya inuu dawlad afka ku bur-buriyo, kumana bur-burin-karo, Nin Maadhar galayna hadal uu ka laayahay Masaajidka kuma difaaci karo, Xasan Daheeye, waa Caadayste sheega waxaan jirin, waxaan haynaa in laga eryay Masaajidada ku yaal Badhtanka Magaalada, markii uu Af-lagaado iyo cay uu ka shubay, wuxuuna tegey Masaadida koonayaasha ee dadka qariibka ah kasoo galaan, isagoo u yeedhta Warbaahinta, muxuu ugu yeedhtaa warbaahinta miyaanu dadka Masaajidka jooga la hadlayn, in Masaajid dadka laga caayo halkay diinta kaga taal hanoo sheego, Dil ma xukumi karo, dalku maxkamaddo ayuu leeyahay, qofkii denbi loo haysto la geeyo oo lagu caddeeyo hadduu denbi leeyahay , sharcigana waa loo siman-yahay aniga iyo isaguba waanu u simanahay.” ayuu yidhi, Badhasaabka oo ka jawaabayay eedo uu Sheekh Xasan Daheeye oo ka mid ah Culmida Gobolka Awdal ee magaalada Boorama u jeediyay.