Araweelo News Network

Sheekh Aadan Maxamuud Xiirey (Aadan Siiro)

Sheekh Aadan Maxamuud Xiirey (Aadan Siiro)

Hargeysa(ANN)Sheekh Aadan Maxamuud Xiirey (Aadan Siiro) oo ka mid ah Culimada waaweyn ee Somaliland, isla markaana caan ku ah inuu ka hadlo dhacdooyinka siyaasada Somaliland iyo duruufaha nolosha bulshada oo uu kusoo qaato Khudbadaha uu inta baddan maalinta Jimcaha ka jeediyo Masjidka uu Kahdiibka ka yahay ee Magaalada Hargeysa, ayaa khudbadiisii jimcaha ee maanta kaga hadlay dhacdooyinkii u danbeeyay ee dhinaca nabadgelyada iyo dhismayaasha qadiimka ah ee la iibiyay.

Sheekh Aadan oo khudbadihiisu nolosha Bulshada si dhab ah u taabtaan, wuxuu isagoo ka hadlaya, arrimahaa yidhi,“Waxaynu si kooban uga hadli doonaa waxa lagu magacaabo Masuuliyadda. Waxaynu ognahay todobaadkii tagay laba dhacdo oo aad u adag oo ka dhacay Berbera agagaarkeeda, oo mid ay ka dhacday Sheekh, midna dhinaca galbeedka Berbera ay ka dhacday. Waxaynu ognahay dhacdooyinkii aan quruxda badnayn ee ka dhacay Boorama intii ciyaaruhu ay socdeen iyo marar ka horaysayba. Waxaynu u taaganahay iyadoo Hargeysa badhtankeeda la iibiyey dhismayaashii taariikhda lahaa ee umaddu ku faani jirtay ee dumarkeena boqolaal iyo kumaankum ay ka baxeen ee Women’s club-ka la odhan jiray ee reer Hargeysa oo dhammi ku garaadaysteen. Arrimaha noocaas ah markaad isku gayso ee taariikh badan oo aynu soo maray la eego waxa kuu soo baxaysa marka talada cid soo dhex gasho doonaysa inay dadka furfuraan, waxa muuqata ifafaalihii lagu doonayay Somaliland inay furfuranto,” ayuu yidhi Sheekh Siiro.

Sheekh Aadan, wuxuu isagoo ka hadlaya dhismaha la iibiyay ee u danbeeyay yidhi, “ dhismihii Women’s club, ayaa la iibiyay, dalkii waxaa helay casaabado.casaabad madaxtooyada fadhida oo iyadu tirooyinka xisaabisa, maxaa halkaas iga soo galaya? Maxaa caruurtayda ka soo galaya? Maxaa kuwa aanu isku xidhannahay ka soo galaya? Iyo casaabad kale oo suuqa jooga oo wixii Illaahay siiyay ee xalaasha ahaa ama Aabihii uga tagay ee la dhididay ee xalaasha ahaa iyagu ku xaaraantinimaynaya inay habeenkii ula gurguurtaan kuwaynu ka hadlayno(Madaxtooyada),”
Wuxuu sidoo kale sheekhu ka hadlay Wariye Sakaaro oo maalintii doraad lagu weeraray magaalada Burco, isagoo yidhi, “Burco maanta nin baa lagu garaacay oo hebel buu wax ka sheegay, Inan yar oo saxafi ah oo miskeen ah, ayaa dhulka loogu tuuray. Yacnii nabadgalyadii halkaasay maraysaa, hebel buu wax ka sheegay, hebel buu taabtay, taasina waa ifafaalaha Kalitaliyeyaasha iyo dadka ay ku shaqaystaan markay samaysmaan. Markay dadka kala dirayaan ee ay ka dhammaystaan waxay rabeen ayay yidhaahdaan yaanay waxba idinka dambeynin, markaasay keenan inay dadka qayb qaybiyaan, markaasay keenan dadka inay dhabarka ka wada taabtaan, markaasay keenan inay dadka midba wax u sheegaan si dadku isugu meeraysto,” ayuu yidhi Sheekh.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews