Houthi
Sanaa(ANN)Malayshiyada Shiicada ah ee Xuutiyiinta dagaalka kula jira xukuumadda Dalka Yemen, ayaa sheegtay inay qabsadeen qasriga Madaxtooyadda ee dalkaa oo ku taal magaalada caasimada ah ee Sanca, kadib weerar ay mar kale maanta ku qaadeen.
Xaaladda Caasimadda Dalka Yemen ee Sancaa, ayaa faraha ka baxday shalay . kadib markii Malayshiyada Xuutiyiinta si lama filaan ah u weerareen qasriga Madaxtooyada Isniintii 19 Janeaury 2015, balse weerarkaa ka dib waxay jidgooyo u galeen Raysal Wasaaraha Yemen, waxayna fooda is dareen Ciidanka Ilaalada, waxaana dhacay dagaal gebi ahaanba meesha ka saaray nidaamkii iyo kala danbayntii oo ay ku dhinteen ugu yaran 60 qof, waxayna sidoo kale la wareegeen Telefishanka Qaranka, balse xabad joojin saacado kooban hirgashay kadib mar kale ayay Xuutiyiintu waaberigii saaka weerar si toos ah ugu qaadeen qasiraga Madaxtooyadda, halkaas oo ay sheegeen inay si buuxda u qabsadeen.
Wararkii ugu danbeeyay ee xaalada dalka Yemen, ayaa xaqiijiyay inay Malayshiyada Xuutiyiinta ee Shiicadu qabsadeen gebi ahaanba qasriga Madaxtooyadda, iyagoo markaa kadibna madaafiic ku garaacay guriga uu deganyahay Madaxweyne Cabdurabo Mansoor Al-Haadi ee magaalada Sanca.
Sidoo kale Saraakiil u hadashay ilaalada Madaxtooyada Yemen, ayaa xaqiijiyay qabsashada Xuutiyiinta ee qasriga Madaxtooyadda Sanca dagaal saacado kooban socday ka dib.

 

 

Madaxweynaha Dalka Yemen Cabdurabo Mansoor Al-Haadi ayaan wax war ah laga hayn halka uu ku danbeeyay, balse wasiirka wasaaradda warfaafinta, ayaa u sheegay in Madaxweynuhu weli ku jiro caasimadda oo uu nabadqabo, iyadoo aan laga waraqabin xubnihii wasiirada ee xukuumadda Cabdirabo iyo Raysal wasaarihii Dalkaa meel ay ku danbeeyeen, kuwaas oo wararkii u danbeeyay sheegayen shalay in ay ku jiraan guryohooda, iyadoo waqtigaa Raysal wasaaruhu ka badbaaday jidgooyo ay xuutiyiintu u galeen wado u dhaxaysa guriga uu deganyahay ee duleedka Madaxtooyada Sanca.
Todobaadkii hore ayay Malayshiyada Xuutiyiintu Afduub ahaan u qabsadeen qabsadaan Agaasimihii xafiiska Madaxweynaha, kaas oo ay weli haystaan, isla markaana ay hore ugu gacan saydheen in madaxweyne Cabdirabo u magcaabo Raysal wasaare dabayaaqadii sanadkii hore xiligaa  oo ay la wareegeen dhamaanba qalabkii warbaahinta ee dawladda iyo xeryaha ciidamada oo ay inta baddan Sep 2014, sanadkii hore qabsadeen.
Qasriga Madaxtooyada ee ay waqtigan qabsadeen Xuutiyiinta Shiicada ah, waxaku yaalay xafiiska ugu weyn ee Madaxweynaha, wuxuuna ahaa xarunta looga taliyo dalka Yemen, iyadoo Ciidanka Xaras Al-jamhuuriga ee daganaa ahaayeen ciidanka sadexaad ee ugu awooda baddan Yemen, kuwaas ahaa kuwa ugu hub baddan oo haystay Dubaabado gaadhaya 300 iyo gaadiid gaadhaaman oo boqolaal ah, balse malayshiyada xuutiyiinta ayaa si dhibyar ula wareegay.
Shaaracyada iyo wadooyinka magaalada waxa hadheeyay dagaalyahanka Xuutiyiinta oo hore dhamaadkii sanadkan fursad u helay inay si fudud gacanta ku dhigaan inta baddan Xeryaha Ciidamadda iyo Hay’addaha Muhiimka ah ee Dawlada Sep 2014, balse mar kale dib u bilaabay qorshohoodii ahaa inay qabsadaan hay’addaha dawlada iyo xeryaha ciidamada ilaa ay la wareegeen qasriga Madaxtooyada 20 Janeury 2015.
Qaramada midoobay, ayaa kulan deg deg ah ka yeeshay xiisada dalka Yaman, waxaana laga cabsi qabaa inay Yemen marto wadadii Somalia ee burburka iyo dagaalada ehliga ah ee daba dheeraaday.
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com