Araweelo News Network

shiinahaooxukumayShanghai(ANN) Dawladda Shiinaha, ayaa xukun dil ah ku xukuntay xildhibaan Bia Enpei oo 70 jir ah, kana tirsanaa Golaha Sharc-dejinta, kadib markii uu qaatay laaluush aad u badan.

Xildhibaankan oo laaluushka uu qaatay aad u badnaa, ayaa xukunkiisu noqday dil, maadaama dalka Shiinaha masuulka lagu qabto laaluush amma musuqmaasuq uu xukunkiisa ugu yar yahay xabsi daa’in amma dil.
Waxa kaloo xukun kan la mid ah lagu fuliyaa masuuliyiin bahda caddaaladda ka mid ah oo lagu helo in ay laaluush ka qaateen dadka ay u kala gar naqayeen.

Qaaradda Afrika oo inta badan loo yaqaan qaarad uu musuqmaauqo hadheeyey ayaa xukunnada qofka musuqa amma laaluushka qaata iyo ka bixiya lagu ridaa ay yihiin kuwo aan ku filnayn, taasina ay keento in laaluush bixinta iyo qaadashadu kor u sii kacdo. Tusaale ahaan; hay’adda garsoorka dalka Nijeeriya ayaa la tiicaysa musuqmaasuq u dhaw in ay fadhiisabata sida Waaxda Adeega Qaranka (Department of State Service) warbixin ay diyaarisay dhawaan ku soo saartay.