Hargeysa(ANN)Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr.Sacad Cali Shirre, ayaa faah-faahin ka bixiyey shir la iskugu yeedhay safiirrada Somaliland u fadhiya dalalka adduunka, oo maanta ka furmaya Huteelka Maansoor ee caasimadda Hargeysa, kaasi oo lagu faaqidi doono qorshaha taabo-gelinta qadiyadda aqoonsi raadinta iyo sidii danjireyaasha loogu tabobari lahaa hawl-maalmeedkooda shaqo.Wasiirka ayaa sheegay in muddo saddex cisho ah shaqada diblamaasinimo lagu tababari doono safiirada Somaliland ee wadamada dibadda, labada cisho ee u dambeeyana kulanku noqon doono mid ay qayb ka yihiin baarlamaanka iyo asxaabta qaranka dibna loogu eegi doono siyaasadda arrimaha dibadda.
Kulankan 5 cisho socon doono oo ah kii u horeeyay ee noociisa ah oo intii Somaliland jirtay dib loogu qiimaynayo tayada Safiirada iyo siyaasadda arrimaha dibada ayay goob joog ka yihiin 15 wakiil oo dalalka dibada u jooga Somaliland. Waxa wakiilladaasi lagu baraarujin doonaa danaha ay qaranka uga metelaan dalalka shisheeye.
Wasiirka khaarajiga oo kulankaasi furay ayaa faahfaahiyay ujeedka la iskugu yeedhay ambasadoorada waxaanu yidhi “Waxaa sharaf ii ah inaan maanta inoo furo shirkan oo ah kii koobaad ee ay iskugu yimaadaan wakiillada dibadda inoo jooga iyo madaxda wasaaraddu. Ujeedada aynu iskugu nimid waa aqoon korodhsi , waayo aragnimo qaybsi iyo wadatashi. Aqoon korodhsi macnaheedu maaha inaanay dadku aqoon lahayn, oo wakiillada waxaa lagu xushaa aqoon, karti iyo waayo aragnimo laakiin, wax kasta oo qofku qabto had iyo jeer aqoon korodhsi ayuu uga baahan yahay. Anigu Shahaadada PHD ayaan ka sitaa dhaqaalaha, haddana waxaan u baahanahay inaan aqoon badan ka korodhsado Diblamaasiyadda, sababtoo ah diblamasi maan dhigan,” ayuu yidhi wasiirku, isagoo intaasi raaciyay “ kulankeenu wuxuu socon doonaa 5 cisho. 3-da cisho ee hore waxaynu ku qaadan doonaa aqoon korodhsiga iyo waayo aragnimo qaybsi, labada cisho ee dambena waxaynu ku qaadan lafo gurka siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland.”
Wasiirku waxa uu sheegay in saddexda cisho ee hore ahaan doonaan isbarashada safiirrada, fahamka shaqaada safiirka iyo safaaradda, sharciyada ay ku shaqayso, iyo ujeedooyinka laga leeyahay ee ah danaha ay dadka u metesho. Wada shaqaynta qurbejooga iyo xidhiidhka iyo isgaadhsiinta “Labada cisho ee dambe waxaynu ka doodi doonaa oo lafo guri doonaa siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland. Siyaasadda arrimaha dibaddu waxay ka turjumaysaa himilada qarankeenna oo ah nabad, horumar, maamul wanaag, wadatashi iyo citiraaf,” ayuu yidhi wasiir Sacad oo intaasi ku daray in labada cisho ay shirka qayb ka yihiin xisbiyada qaranka iyo baarlamaanka maadaama siyaasaddu tahay arrin qaran oo umadda ka dhaxaysa
“Shirkani taariikhi ayuu u yahay Somaliland, waxaana lagu falan qeyn doonaa sidii qorshe loogu dhigi lahaa aqoonsiga Somaliland doonayso iyo si loo dejiyo qorshe hawleedka Wasaaradda Arrimaha dibadda,”ayuu yidhi Dr. Sacad Cali Shirre, waxaanu intaas raaciyay.
“Kulan qaban-qaabadiisu way iga horaysay in kasta oo markii dambe aan wax ka bedalay, mudadiina aan dheereeyey, waxa uu noqonayaa kulan shan cisho socda, saddexdaa maamlood ee hore waxaanu ugu tallo-galnay inaanu ku tababarno danjirayaasha shaqadooda, had iyo jeerna waxa laysku magacaabaa jagooyinka iyada oo aan qofka lagu tababarin, tababar horena aanu lahayn taas oo wakhti ku qaadata intuu la qabsanaayo.labada cisho ee dambe waxa la furi doonaa oo la falan-qayn doonaa siyaasadda arrimaha dibada ee Somaliland, labadaas maalmoodna shirku ku ekaan maayo danjirayaasha oo kaliya ee waxaanu ka soo qeyb galin doonaa xubno ka tirsan baarlamaanka iyo xisbiyadda qaranka.”
Wasiirka Arimaha Dibada oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Shirkan ayaa waxa uu socon donaa Shan cisho Sadexda cisho ee hore waxan ku qaadan donaa aqoon koradhsiga, Labada cisho ee dambe waxan ku qaadan donaa falanqaynta iyo lafa gurka siyaasada Arimaha Dibada Ee Somaliland, Siyaasada Arimaha Dibadu Waxa ay ka turjumaysaa Himilada Wadankeena ama qarankeena oo ah Nabad, horumar ,Maamul wanaag iyo ictiraaf raadin
Si loo gaadho Himilooyinkaa oo loo hanto doorka ay wasaradu ku leedahay waxa weeye Xoojinta Iskaashiga caalamiga dhinaca sugida Nabad galyada dhinaca dhaqaalaha iyo maalgashigaba.” Ayuu yidhi wasiirka arimaha dibada oo ka hadlayey ujeedada shirka loogu qabtay safirada somaliland.
Wasiirk Sacad Cali Shire oo hadal ka jeediyey shirka wakiilad Somaliland ee wadamada waxan u yidhi “Ujeedada aan isugu nimi waa aqoon koradhsi Aqoon koradhsi Micnaheedu maaha Dadkan Aqoon ma laha Marka la xulanaayo, wakiilada waxa lugu xushaa Aqoon iyo waayo aragnimo laakiin wax kasta oo qofku qabto waxa uu uga Baahanyahay Aqoon koradhsi
.
Wasiirka oo ka sii hadlaya tayada safiiradda ayaa intaasi raaciyay “Waxaanu iskugu yeedhnay 15 wakiil. Safiirradayadu waa dad aqoon leh, oo marka horeba aqoon ayaa lagu xushay laakiin, diblamaasiyaddu aqoon gaar ah ayay u baahan tahay oo waa cilmi gaar ah oo si gaara loo barto sida dhakhtarnimada loo barto, markaa had iyo jeer qofku wuu isaga baahan yahay in aqoontaas loo kordhiyo,” waxaanu wasiirku intaasi raaciyay dadka tababarka siin doona safiirada Somaliland “Waxaanu u yeedhnay safiirro waayo aragnimo dheer leh, dad jaamacaddaha ka shaqeeya oo maadooyinka Diblamaasiyadda dhiga, markaa waxaanu qabnaa in laga faa’iidi doono Inshaa Allah.”
Kulanka noocan ah ayuu qorsheeyay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda, waana markii u horaysay ee dib loo eegayo siyaasadda khaarajiga iyo citiraaf raadinta. Wasaaradda ayaa sheegaysa in natiijada ka soo baxda kulankani noqon doonto mid horseedda in hay’addaha caalamiga ah ee maalgainta bixiyaa Somaliland siiyaan maalgalin dhaqaale iyo caawimo.