dhawaaqa shirka golaha dhexe ee KulmiyeHargeysa(ANN)Shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay maanta. kadib kulan balaadhan oo ka dhacay Qasriga Madaxtooyadda Somaliland, kaas oo ay ka qayb galeen Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, Madaxweyne  ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Seylici iyo hoggaanka Xisbiga KULMIYE.

Kulanka waxa lagu go’aamiyay in   bisha soo socota ee November 10 2015, shirka golaha dhexe la qabto si loogu doorto musharaxa madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa xisbiga Kulmiye uga qayb gelaya marka la gaadho doorashooyinka la filayo inay Somaliland ka dhacaan 2017.

waxa la saadaalinayaa inuu jirayo loolan iyo xamaasad balaadhan oo la xidhiidha shirka golaha dhexe ee KULMIYE, kaas oo si weyn indhaha loogu hayo dhinacyada ku loolamaya ee siyaasada iskaga soo horjeeda.