Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)-Xisbiga KULMIYE, ayaa shaaciyay xiliga la qabanayo shirkii 7aad ee gollaha dhexe ee Xisbiga, kaas la uu sheeciyay maanta oo Jimce ah 23 Oct, 2020, Hoggaanka xisbiga KULMIYE ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Fariin wargelin ah oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, ayaa lagu sheegay in  xubnaha Gollaha Dhexe ee cusub ee ka soo baxay shirweynihii 4aad ee xisbiga KULMIYE ee dhawaan ka qabsoomay magaalada Hargeysa lagu wargelinayo qabashada shirkii 7aad ee gollaha dhexe.
Qoraalka wargelinta ah, ayaa lagaga hadlay hawlaha u diyaargarowga shirkaa iyo arrimaha lagaga hadlayo, waxaana lagu faahfaahiyey qoraalkan hoos ku lifaaqan, kaas oo uu soo saaray Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE  Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere).
Halkan ka akhri.