Araweelo News Network

adnocoilHargeysa (ANN)- ADNOC oo ah shirkadda kaliya ee dalka Imaaraadka Carabta ee soo saarta shidaalka iyo saliidaha kala duwan ee gaadiidka, ayaa ku soo bandhigtay Somaliland noocyada iyo tayada wax-soo-saarkeeda.
Carwo shirkadda ADNOC ku soo bandhigay saliidaha kala duwan ee ay soo saarto, ayaa si rasmi ah looga furay hudheelka Kaah ee magaalada Hargeysa shalay, waxana ka qaybgalay Wakiilka shirkaddaas ee Somaliland iyo Soomaaliya, farsamayaaqannada birta iyo gaadiidka, macaamiisha kala duwan iyo marti sharaf aad u tiro badan.
Wakiilka Shirkadda ADNOC ee Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Axmed Aadan Warmahaye, ayaa ugu horreyn faah-faahin ka bixiyey waqtigii la aasaasay shirkaddiisa, noocyda iyo tayada saliidaha kala duwan ee ay soo saarto, waxaannu yidhi; “Shirkadda ADNOC, waa shirkadda kaliya ee Imaaraadka ee soo saarta saliidaha gaadiidka, waxana hoos yimaad sagaal shirkadood oo saliidda soo saara, Imaaraadkana waa shirkadda keliya ee uu leeyahay ee dhaqaalaha oo dhan ku xidhan yahay, waxeeduna waa wax tayo leh, waana Shirkadda kaliya ee ku leh dammaanad baan ku siinayaa; gaadhi ha noqdo ama cagaf ha noqdo wixii wax ku noqda ay shirkaddu qabto, oo beddelkiisa lagu siinayo wax cusub, laakiin marka hore waa inuu gaadhigagu ahaada gaadhi cusub ama wax nadiifa uu ahaada, waxa jira shirkado badan oo yidhaa waa shirkadaha baatroolka ka soo saara Imaaraadka. Ma jirto shirkad baatrool soo saarta oo iibin karta oo aan ahayn ADNOC, Shirkadda waxa la aasaasay sannadkii 1958-kii, ilaa imminkana wey shaqaysaa.”
Waxa kale oo wakiilku ka hadlay noocyada saliidaha ay hayaan, waxaannu sheegay inay hayaan saliidaha, baatroolka, xaydha iyo qaybaha kala duwan ee la xidhiidha, waxaannu xusay inay tayadoodu aad u wacan tahay.
Xoghayaha bah-wadaagta farsamada birta iyo gaadiidka Somaliland Mr. Maxamuud Cabdiqani Aadan, ayaa u mahadnaqay ADNOC, waxaannu sheegay in saliidaha kala duwan ee ay soo saarto shirkadani yihiin qaar wa-tar u leh gaadiidka, waxaannu si gaar ah ugu mahadceliyey Wakiilka Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Warmahaye, oo uu xusay inuu horumarka dhaqaalaha ee dalka ka qayb qaadanayo, maadaama uu shirkad caalami ah dalka keenay.
Mr. Rashiid Xuseen Cige oo isna ku hadlayey magaca farsamayaqaannada gaadiidka, ayaa sheegay in ADNOC tahay shirkad caalami ah in adeegyada kala duwan ee ay bixiso aad ugu faraxsan yihiin tayadooda.
Dhinaca kale, carwadaas waxa lagu soo bandhigay filim dukumentari ah oo ka hadlaya marxaladihii kala duwan ee ay shirkaddu soo martay, halka ay maanta marayso iyo horumarka ay ku tallaabsatay.