flydubai
HARGEISA, Somaliland, December 10, 2014/ — flydubai (http://www.flydubai.com) oo fadhigeedu yahay Dubai waxay shabakadeeda si balladhanaysa ku dhawaqday duulimaadyo cusub oo ay ku imanay Somaliland. Sidaana waxa lagu sheegay Qoraal saxaafadeed sharaxaad ka bixinaya duulimaadyadaa oo kasoo baxay xafiiskeeda Dubai.
Fly-Dubai, ayaa lagu sheegay Duulimaadyada ay samaynay Hargeisa (Somaliland), Chennai (India), iyo Nejran (Saudi Arabia) waxay bilaawanaysa qaybteeda koowad 2015, taasi oo ay sii ballaadhin doonta duulimaadyadeeda ilaa 89 goobood ku yaala 46 waddan.

Shaacinta Shirkadda Duulimaadyada ee Fly-Dubai ku shaacisay saddex duulimaad oo cusub oo caasimada Somaliland ee Hargeysa ka samaynay, ayaa ka dhigaya Flydubai inay noqoto diyaaradii ugu horaysay ee ka socota Dubai, ama laga leeyahay dalka Imaaraatka ee duulimaadyo ka bilawda Caasimada Somaliland ee Hargeysa, iyadoo bixinaysa afar duulimaad asbuuciiba.

Wixii faaf-faahin ah kala xidhiidh bogga ay ku leedahay dhinaca Internetka oo aad ka helayso macluumaad intaa ka baddan Riix halkan

flydubai.com.

 

Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com