Araweelo News Network

image taken on August 10, 2017 shows US President Donald Trump during a security briefing at his Bedminster National Golf Club in New Jersey. (Photo by AFP)

Washington (ANN)- Shirkadda mareegta internetka ee Twitter, ayaa lagu qasbay in ay caddayso sababta aanay u aaminsanayn in qoraallada hanjaabadda u badan ee Madaxweynaha Maraykanka Mr. Donald Trump ku baahiyo aanay jebinayn xeerarka u yaalla shirkadda.

Qoraalka doodda adag dhaliyey ee la diiddan yahay, laguna haysto shirkadda Twitter, waxa uu madaxweyne Trump ku hanjabay in uu burburinayo dalka Kuuriyada Woqooyi oo xiisad weyn u dhexayso Maraykanka.

Dad badan waxay ku doodayaan in qoraalkaasi xadgudub ku yahay shuruucda mareegta Twitter-ka oo aan oggolayn hnjabaad dagaal, waxayna dalbanayaan in qoraalkaas la tirtiro.

Shirkadda Twitter ayaa sheegtay in qoraalkaasi barta ku sii jiri doono maadaama uu yahay war mudan in la sheego.

Qoraalka Trump ee doodda dhaliyey halkan ka akhri:
“Just heard Foreign Minister of North Korea speak at U.N. If he echoes thoughts of Little Rocket Man, they won’t be around much longer!”

Kadib markii ay bateen farriimaha lagu dalbanayo in qoraalkan la tirtiro, Twitter waxay sheegtay: “Qaarkiin waxay na waydiinayeen sababta aynaan u dejin qoraalkan.”

“Waxaan masuul ka nahay dhammaan shuruucda, waanan tixgelineynaa dhowr arrimood iyo qiimeyn lagu sameeyo qoraalka in uu jebinayo xeerarkeenna.”

“Waxyaabaha la eegayo waxa ka mid ah qiimaha warka iyo in qoraalku yahay mid dadku danaynayaan. Kaasi wuxuu ahaa xeer gudaha ah, si degdeg ahna waan u soo bandhigi doonnaa si dadku u arkaan,” ayey tidhi shirkadda Twitter.

Dhowaanahan, shuruucda qaar waxa ka mid ah in macaamiisha “aanay handadaad u qaadan farriimaha dhiirragelinaya rabshadaha, sida handadaadda ah ama buunbuuninaya argagixisada.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kuuriyada Woqooyi ayaa ku eedeeyey madaxweyne Trump in uu dagaal ku dhawaaqay kadib farriinta uu Twitter-ka geliyey, balse  maamulka Washington ayaa sheegay in arrinta noocaas ah aanay macquul ahayn.