Zaad shiling1“Adeegga ZAAD Oo Noqday Laba Lacagoodle”
Hargeysa(ANN) Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa markii u horaysay daah-furtay Adeega Lacagta ZAAD oo ku shaqaynaya Shillinka Somaliland, kaas oo ka garab shaqayn doona Adeegga hore ee ZAAD oo lacagta Dollarka lagu isticmaali jiray.

zaadkalacagtasomaliland2

Shirkadda Telesom, waxay sidaa kaga dhawaaqday shir jaraa’id oo maanta ka dhacday xarunteeda, kaas oo lagu daahfuray Adeegga ZAAD ee lacagta Shillinka Somaliland, waxaana munaasibadda daah-furanka ee lagaga dhawaaqay Addeegaa ka gayb-galay Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo. Samsam Cabdi Aadan, Wasiiru Dawlaha Maaliyadda Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani, Wasiirka Ganacsiga Dr. Muuse Qaasim, Gudoomiyaha Baanka Somaliland Cabdilaahi Xaaji Jaamac, Gudoomiye ku-xigeenka Baanka Cumar Yuusuf Buux, Agaasimaha Guud ee Baanka Cabdilaahi Xasan, Xildhibaan Maxamud Axmed Oobsiye, Gudoomiyaha Shirkadda Telesom, Masuuliyiinta Sare ee Boodhka Shirkadda iyo maasiliyiinta kale ee shirkadda Telesom ka socday.

zaadsomalilanshiling3

Guddoomiyaha Shirkadda TELESOM Md. Cabdikariim Maxamed Iid oo ka hadlay daahfurka Addeega cusub ee Lacagta Somaliland loo beddelay Zaad, wuxuu shaaciyey in Shirkadda Telesom Adeeggi hore ee ZAAD-ka lacagta Dollarka lagu soo kordhiyey qayb cusub oo Somaliland Shillin ah, taas oo lagu Isticmaalo doono.

zaadshilingsomaliland4

Guddoomiye Cabdikariim Maxamed Ii doo arrintaa ka hadlaya, wuxuu yidhi, “Runtii waxaa maanta farxad noo ah khaasatan shirkadd ahaan, caam ahaanna dal ahaan inoo ah in aanu halkan ku soo bandhigno daah-furka ZAAD Shilling Somaliland. Sida laga wadda warhayo waxtar weyn oo aan la soo koobi karayn u wadda yeelan doona bulshaddeena iyo dalkeena. Waxaa iyadduna xusid muddan in adeegyadda Lacagta Mobayladdu inoo keeneen Aqoonsi ganacsi iyo Mid tiknoolajiyadeed oo aynu maanta bahda aduunka hormuud ka nahay.” Sidaasi Waxaa yidhi Gudoomiyaha Shirkadda TELESOM Md. Cabdikariin Maxamed Iid.

Gudoomiyaha TELESOM wuxuu bandhig-muuqaaleed ugu sharaxay masuuliyiintii dawladda ee ka soo qayb-galay bandhigan qaabka ZAAD Shillings Somaliland-ka loogu isticmaalayo adeegan, waxaanu sheegay in adeeggan bulshadda dalka oo dhan loogu firi doono muddo dhawr todobaad guddaheed ah.

abdikarim iid

Gudoomiyaha Baanka Somaliland Cabdilaahi Xaaji Jaamac ayaa soo dhaweeyey Adeegga ZAAD Shillings Somaliland waxaanu yidhi, “Waxaa maanta sharaf weyn noo ah in xafladdan lagu daah-furaayo Adeegga ZAAD Shillings Somaliland ay hawsha u galeen Shirkadda TELESOM aad iyo aad baan shirkadda ugu mahadnaqayaa inay samayso adeegg kale oo kii hore ee jirijaray barbar socda oo Somaliland Shillings ah oo u fududaynaya dadkeena siday ugu macaamili jireen kii hore ugu macaamilaan. Waa arin soo dhawyn leh, waa arin sharafteeda leh maanta in shilling-kii Somaliland uu helay sharciyadiisii uu ka mudnaa ummaddiisa oo uu noqdo lacagta la aqoonsan yahay ee dalkan ka socon karta.” Sidaasi waxaa yidhi Gudoomiyaha Baanka Somaliland.

zaadmunaasibadaWasiirka Ganacsiga Somaliland Dr. Muuse Qaasim ayaa shirkadda Telesom uga mahadnaqay adeegan cusub ee Somaliland Shillings ee lagu soo kordhiyey adeeggii hore u jiray ee ZAAD-ka, Wasiir Muuse ayaa yidhi, “Runtii waxan aad ugu mahadnaqayaa shirkadda TELESOM dadaalka badan ee ay sameeysay juhdiga badan ee ay samaysay ee ay ku furtay adeegan Somaliland Shillings aad iyo aad baan ugu mahadnaqayaa waanay ku mahadsan yihiin waana Adeeg kor u qaadaya isticmaalkii shilling-keena Somaliland.”

Wasiir Ganacsiga Somaliland ayaa waxa ganacsatadda kale ugu baaqay in ay badeecadahooda ku iibiyaan lacagta Somaliland maadaama ZAAD-kiina loogu soo kordhiyey Somaliland Shilling. Wasiirka ayaa ku tilmaamay isticmaalka lacagta Somaliland shilling-ka inay ka mid tahay astaamaha jiritaanka dawladdnimadda.

Xildhibaan Maxamud Axmed Obsiiye oo ku hadlayey afka Guddida Dhaqaalaha iyo ka Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa isaguna ka hadlay adeegan cusub ee lagu soo kordhiyey Adeeggii ZAAD ee hore u jiray waxaanu yidhi, “Adeegan cusub ee shirkadda TELESOM ay ku soo kordhisay adeegyaddeeda waa mid aad iyo aad aanu u soo dhawaynayno Gole ahaan, horena runtii shirkadda aanu ka wadda hadalnay markii aanu kulan la qaadanay sanadkan hortaantiisa. Runtii ayaguna waxaa weeye kuwii ugu horeeyey ee hirgaliyey aadna waanu ugu mahadnaqaynaa. Shacabkana waxaanu ku boorinaynaa inay talaabadaa ka faa’iidaystaan oo adeegaa isaga ah sidii loogu talo galay u isticmaalaan oo la hirgaliyo maadaama ay astaan qaran u tahay dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Astaantaa qaran waxaa la rabaa in la xoojiyo, lacagta Somalilandna ay noqoto lacag dalka ka shaqaynaysa oo wax lagu iibsanaayo waxna lagu badalanaayo. Waa aasaaska qaranimo sidaasi daraadeed shirkadda aad iyo aad baan uga mahadnaqayaa.” Sidaasi waxaa yidhi Xildhibaan Obsiiye.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo gebagebadii daaahfurka Adeega Zaad ee Lacagta Somaliland ka hadashay, ayaa tidhi sidan:- “Waan idiin mahadnaqayaa madaxda TELESOM, wasiiradda iyo Xildhibaanka Jooga inaynu maanta daah-furayno ZAAD-kii Somaliland oo runtii wax weyn ka tari doona, waayo waxaan anigu ku rajo weynahay TELESOM Gudoomiyaheeda iyo team-kaa la shaqaynayaa inay ka mid yihiin tiirarka Somaliland oo ay Inoo keeneen inuu aduunku ku faano horumarka Technologiyadeed ee ay gaadhsiiyeen dalkeena oo uu ugu horeeyo ZAAD-kaa inta badan lagu shaqaynaayey, runtii waxaan isleeyahay kan Somalilandna hadday sidii ugu hawl-galaan sidii oo kale ayuu u shaqayn doonaa. Innaga ahmiyadeenu waxaa weeye waxay dadkeenu ku faraxsan yihiin oo ay xoolahoodii ku aaminayaan oo ay ku shaqaynayaan oo qofka aan dollar haysani uu doonayo intuu dollar sarifto inoo dollar ku diro oo uu Somaliland-tii uu haystay uu ku isticmaalayo waxay inoo tahay wax tar weyn. Waxaan aad iyo aad ugu kalsoonahay inay TELESOM hirgalin karaan inay qofka miyiga jooga iyo ka magaalada jooga siday markii horeba u gaadhsiinayeen lacagaha inay imikana Somaliland-ta u gaadhsiin doonaan, annaguna aanu kula shaqayn doono wixii ay nooga baahdaan runtii aanan diyaar u nahay in aanu kala shaqayno.” Sidasi waxaa tidhi Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo. Samsam.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.