Araweelo News Network

Ka qaybgalayaasha munaasibada

Hargeysa (ANN)-Shirkadda Daabacaadda Casriga ah ee SAGAL JET, ayaa si rasmi ah u daah-furtay Buugga diiwaanka ah ee lagu ururiyey taariikh-nololeedka halgamaagii caanka ahaa ee reer Somaliland Mujaahid Ibraahim Maygaag Samatar.

Munaasibadda Buuggan ay ku duugan tahay mucda iyo meertadii nololeed ee mujaahid Ibraahim Maygaag Samatar oo ay daabacday shirkadda SAGAL JET, qoraana uu ka yahay mujaahid/qoraa Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), isla markaana lagu qabtay Huteel Maansoor ee caasimadda Hargeysa habeenkii Sabtida, waxa ka qaybgalay siyaasiyiin, aqoonyahanno, abwaanno, qoraayo, madaxda shirkadda daabacaadda casriga ah ee SAGALJET iyo xubno tiro badan oo ka mid ah bulshada sida gaarka ah u xiisaysa Akhriska iyo qoraalka, waxana halkaas laga jeediyey hadallo si gaar ah loogu liishaamay doorkii lama ilaawaanka ahaa ee mujaahid Ibraahim Maygaag Samatar kaga jirey taariikhda halgan iyo mid waxbarasho ee Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo laga wada marag-furay kartidii iyo muwaadin-nimadii marxuumka.

Madaxa Suuq-geynta iyo Xidhiidhka Daweynaha ee shirkadda SAGALJET Md. Sacad Cabdi Daahir oo halkaas ka hadlay, ayaa si hufan u sharraxay doorka ay shirkaddu kaga jirto kor u qaadista akhriska iyo qoraalka, isaga oo carrabka ku adkeeyey inay kaalin mug leh ka qaateen sidii diiwaanno taariikhi ah oo dhaxal-reeb leh looga reebi lahaa shakhsiyaadkii bulshadan magaca iyo maamuuska ku lahaa.
Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe iyo siyaasi Cali Khaliif Galaydh oo madasha hadallo kooban ka jeediyey, ayaa qoraaga buugga iyo shirkadda daabacaadda casriga ah ee SAGALJET si weyn u bogaadiyey, waxayna ku hambalyeeyeen sida hagar la’aanta ah ee ay shirkaddu ugu dedaalayso dib u soo noolaynta taariikhda dadka waqtiga badan geliyey sidii ay Somailand meel sare u gaadhi lahayd.
Xubno ku hadlayey qoyska mujaahid Ibraahim Maygaag Samatar oo iyaguna goobta ka hadlay, ayaa ku dheeraaday halgankii uu marxuumku u soo galay sidii ay Somaliland uga mid noqon lahayd dalalka dunida laga ictiraafsan yahay iyo sidii uu cilmigiisa iyo waayo-aragnimadiisa ugu hibeeyey bulshada reer Somaliland.
Muuqaal kooban oo ka hadlaya taariikh Mujaahid Ibraahim Maygaag Samatar, ayaa lala wadaagay bulshadii ka soo qaybgashay daah-furka buugga, iyada oo uu muuqaalkaasina cariyey xiska iyo xusuusta ka qaybgalayaasha, maadaama oo uu xambaarsanaa qaybo ka mid ah dedaalladii uu marxuumku geliyey Jamhuuriyadda Somaliland xilliyadii noloshiisa.
Mujaahid Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) oo isagu ah qoraaga ku faro-yaraystay buugga lagu ururiyey taariikhda marxuum Ibraahim Maygaag Samatar oo madasha soo af-meeray, ayaa si waafi ah uga sheekeeyey kaalintii uu marxuum Ibraahim Maygaag Samatar kasoo ciyaariyey gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland iyo dibu-dhiskii qarankaba, waxana uu ku sifeeyey xiddig taariikhda baal dahab ah ka galay oo ayb jiilalka soo socdaa maanafacaadsan doonaan midhihiii uu beeray, isaga oo dhinaca kalena si gaar ah ugu mahadnaqay shirkadda buuggan daabacday ee SAGAL JET oo uu sheegay inay door laxaadleh ku leedahay kor-u-qaadista iyo faafinta akhrista iyo weliba daabacaadda buugaagta dhawaanahan la qorayey oo qayb libaax leh ka qaatay kobcinta aqoonta iyo khibradda dhallinyarada.