Hargeysa(ANN)– Shirkadda Isgaadhsiinta Internet-ka Viber Optic-ga ee Somcable, oo ka qaybgashay Shirweynaha Tignoolojiyada (Somaliland ICT Conference 2019), oo saaka ka furmay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, yaa  kusoo bandhigtay adeegyada ay qabato, isla markaana ugu bushaaraysay bulshadda inay tayaynta adeega dhanka Internetka.

Maxamed Foosi Maxamed oo ka mid ah Masuuliyiinta Shirkadda Somcable, ayaa Warbaahinta la hadlay, isla markaana faahfaahin ka bixiyey adeegyada ay bixiso Shirkaddu iyo heerka awooddeeda Internet-ka oo uu tilmaamay inay qiimo dhimis heer-sare ah u sameeyeen Macaamiisha muddada labada cisho ah ee ay Carwadani socoto.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Shirkadda Isgaadhsiinta Internet-ka Viber Optic-ga ee Somcable, ay qayb ka ahayd shirkaa, isla markaana ay awoodda adeegyada ay Bulshada u qabato ku soo bandhigtay Carwada Tignoolajiyadda Somaliland oo muddo laba maalmood ah soconaya.

Maxamed Foosi Maxamed oo u hadlay Somcable