Hargeysa(ANN)-Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee Telesom & Kulliyadda Tababarka Macalimiinta ayaa si wadajir ah u daah-furay Isticmaalka adeegga Tabsera oo ay Kulliyaddu u dooratay in ay ku gudbiso duruusta tababarka Macalimiinta Jamhuuriyadda Somaliland.

Masuuliyiinta Telesom iyo kulliyadda Tababarka Macalimiinta Somaliland oo daah-furay adeegga Tabsera 18 July 2020, Araweelo News Network.

Adeegga Tabsera oo shirkadda Telesom daah-furtay dhammaadkii March 2020, kaddib markii xannuunka COVID-19, joojiyay, isla markaana saamayn ku yeeshay waxbarashadii, waxay shirkaaddu soo bandhigtay Adeeggaa si   goobbaha waxbarashadu si toos ah uga gudbin karaan casharadda qaab online ah.

AKHRI: Telesom Oo Xal U Keentay Waxbarashadii Uu Sababay Xannuunka Coronavirus In La Joojiyo

Kulliyadda Tabobarka Macalimiinta, ayaa adeegga Tabsera ku  isticmaalaysay muddo 3 bilood ah goobbaha waxbarashadda ee la joojiyay in la isugu yimaado Xannnuunka Coronavirus awgii. Waxayna  muddadaa kulliyadu ku guuleysatay in ay sii wado tababarkii u socday macalimiin gaadhaysa 300 oo macalin iyaga oo isticmaalaya adeegga casriga ah eeTabsera.
Shirkadda Telesom  iyo kulliyaddu waxay ku heshiiyeen in la sii wado wadashaqaynta isticmaalka Tabsera ee Waxbarashadda qaabka kala foggaanta ee online-ka ah oo Macalimiintu ay waxbarashadooda ku qaadan karaan iyaga oo kala joogga gobolada dalka.
Daah-furka munaasibnada, ayaa 18 July 2020 lagu qabtay Magaalada Hargeysa, waxa kasoo qaybgalay: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda & Sayniska, Axmed Maxamed Diiriye, Guddoomiye ku-xigeenka Shirkadda Telesom, kana mid ah Boodhka Shirkadda, Mr. Maxamuud Xaaji Aadan (Xadeed), Guddoomiyaha Kulliyadda Tabobarka Macalimiinta, Axmed Cali Quulle, Macalimiinta kulliyada ee adeegga Tabsera isticmaalaysay, Xubno ka socday Jaamacaddaha & Hay’addaha Waxbarasho ee dalka iyo Masuuliyiin ka socota Shirkadda Telesom.
Halkan Ka Daawo muuqaalka Daah-furka Shirkadda Telesom ee Adeegga Tabsera iyo Kuliyadda Macalimiinta Somaliland.