dhismaha jamacadatelsomHargeysa(ANN)Shirkadda Telesom oo ah Hormoodka Isgaadhsiinta Somaliland, ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejisay maamulka Jaamacadda Hargeysa Dhisme cusub oo lagu kordhiyay, kaas oo ay shirkaddu maalgelisay.

Munaasibad xadhiga lagaga jaray Dhismahaa cusub oo lagu qabtay guddaha Jaamacadda Hargeysa, waxaa ka soo qayb-galay gudoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Dr. Cabdi X.Gaas, Gudoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Jaamacadda Hargeysa Maxamed Cali Xirsi, Gudoomiye ku-xigeenka Waxbarashadda Jaamacada Hargeysa Cabdisalaan Yaasin, Xubin Guddida Boodhka Jaamacada ka Mid ah Suldaan Axmed Daahir, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashadda Abiib Axmed Cali, Madtelesom1axda Waaxaha Iibka, Suuq-gaynta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee shirkadda Telesom.

Gudoomiye Ku-xigeenka Waxbarashadda ee Jaamacadda Hargeysa oo ka hadlay munaasibada, ayaa sheegay in maanta la furayo Dhisme ay shirkadda Telesom u dhistay jaamacadda oo dhinac ay shirkaddu ka isticmaalayso iyo dhinacna ay jaamacadu ka isticmaalayso. Gudoomiye ku-xigeenka Jaamcadda ayaa sheegay in shirkadda Telesom ay hore uga dhistay Jaamacadda Hargeysa dhisme weyn oo hore waqtigana ay ku soo kordhisay dhisme kale oo weyn oo ay isticmaali doonaan kuuliydda daraasaadka sare ee Jaamacadu.

Smunasibada telesom jamacadaidoo kale Suldaan Axmed Daahir oo ka mid ah boodhka Jaamacadda Hargeysa oo ka hadlay munaasibadaa, ayaa u mahadnaqay shirkadda Telesom, isagoo yidhi, “Marka hore waxaan salaamaayaa ciddii hawshan soo agaasintay iyo shirkadda Telesom oo qiimo weyn ugu fadhida waddanka oo wax badan gashatay dhinac walba kolka laga eego ay tahay shirkad ficlan la wadda leeyahay oo horumarka iyo kolba dhinacii wax looga baahdo wax ka qabata aad baan u salaamayaa madaxdeeda iyo mijaheedaba”.

Suldaan Axmed Daahir ayaa sheegay in baahida Jaamacada Hargeysi ay sii kordhaysa waxaanu tilmaamay in tiradda ardayda Jaamacadda dhigataa ay sii cagacagaynayso ilaa todoba kun oo arday, waxaanu soo jeediyey in lala socodo baahida jaamacada maada ay waxbarashadu tahay waxaynu caalamka kula tartamayno.

Gudoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Jaamacadda Hargeysa Md. Maxamed Cali Xirsi oo isaguna ka hadlay munaasibadan xadhiga lagaga jaraayey dhismahan ay shirkadda TELESOM u dhistay Jaamacadda Hargeysa ayaa yidhi, “Sida aynu la wadda socono Jaamacadda Hargeysa way sii fidaysaa maalinba maalinta ka dambaysa, sanad kastana waxaa ku soo kordha dhismayaal iyo adeegyo cusub. Haddaba qolyaha ka qaybqaata dhismayaashaasi cusub waxaa ka mid ah shirkadda Telesom oo nambar one ka ah, hore waxay noogu dhiseen hool 45 miter ah ooy u dhiseen kuuliyadda ICT-ga. Hoolkaasi oo ay waliba ku dareen qalabayntiisii oo ay u keeneen dhamaan furniture-kii, koombuutaradii iyo waliba qalab aad loogu baahnaa oo ilaa $20,000 ah rooter-dii oo nooca CISCO loo yaqaano ah. Taasoo ay waliba dhibaato ka qabsatay keenisteeda. Maxaa yeelay Rooter-daasi waa qalab sensitive ah haye yeeshee marka wadankeena la keenayo su’aalo badan ayaa la iska waydiiyaa kastamada iyo meelaha ay soo marayaan taana iyagaa inaga caawiyey.” Sidaasi waxaa yidhi Gudoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Lacagta ee Jaamacadda Hargeysa Md. Maxamed Cali Xirsi.

Gudoomiyaha Jaamacadda Hargeysa oo isna ka hadlay baahida loo qabo dhismahan shirkadda Telesom u samaysay ayaa yidhi, “Telesom oo aanu in badan la shaqaynay si fiican bay noola shaqeeyeen. Hoolkan ten by ten-ka ah aad baa loogu baahnaa waayo markay ardaydii badatay markii Master Degree program-kii bateen space-yaanu u baahanay kani wax weyn buu taa ka taraya. Horena dee way noola shaqeeyeen waxaa Maxamed inoo sheegay Xirsi. Telesom siyaalo kale oo badan oo dadbanna wax bay noola qabtaan, waxaanu simply leenahay waad mahadsan tihiin, wada shaqayntana halkaasaanu ka sii wadda wadaynaa” Sidaasi waxaa yidhi Gudoomiyaha Jaamacada Hargeysa Dr. Cabdi Gaas.

Waxaa isaguna munaasibada ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare Md. Abiib Axmed Cali oo iskuna ku hadlay afka xukuumadda waxaanu mahadnaq u soo jeediyey shirkadda Telesom waxaanu ku dhiiri galiyey in ay shirkaddu halkaasi ka sii waddo dadaalka waxaanu yidhi, “Aad baanu ugu mahadnaqaynaa shirkadda Telesom inay ka qayb qaadato anigoo og inay horena uga qayb qaadatay qaybaha ka mid ah jaamacadda ay ka dhistay qaybo ka mid ah dhismayaashooda. kan cusub ee ay imika soo kordhisay ee hoolkaa cusub ee ardayda master-tu ku dhiganayaanna aad baanu ugu mahadnaqaynaa”.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare Abiib Axmed Cali ayaa ugu baaqay shirkaddaha kale ee ganacsiga iyo kuwa shaqsiyaadku leeyihiin in ay gacan ka gaystaaan taakulaynta iyo ka qayb qaadashadda horumarinta Jaamacadaha dalka.

Ugu dambaynta waxaa madashaasi ka hadlay Maamule ku-xigeenka Waaxda Suuq-gaynta iyo Xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda Telesom Md. Maxamed Cabdi Darbo waxaanu mahadnaq u soo jeediyey maamulka Jaamacadda Hargeysa iyo xukuumadda waxaanu sharaxaad ka bixiyey sida shirkadda Telesom uga qayb-qaadato horumarka dalka waxaanu yidhi, “Shirkadda Telesom waa shirkadda ay wadda leeyihiin dadka reer Somaliland ah waana shirkaddii ugu horaysay ee waxa Saamiga ama share-ka la yidhaah dalka ka hanaqaaday laguna faa’iiday. In ku dhow kun iyo todoba boqol oo Somalilander ah ayaana share ku leh. Iyadda oo baahida noocaasi jirto shirkaddu ay faa’iido samayso haddana waxay dhiiri galisaa Jaamacadaha dalka iyo waxbarashadda sida caafimaadka, wadooyinka, waxbarashadda, meelaha bulshadda waxtarka u leh sida library-yada iyo dhismayaasha anfaca u leh, wax badan ayey ka qayb qaadataa”.