jawaari

Muqdisho(ANN)Gudoomiyaha Baarlamaanka Federalka Somaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa ugu baaqay shirkaddaha Isgaadhsiinta Somalia, isla markaana Dowladda Somaliya ku wargeliyay in gacanta Dowladda lagu soo celiyo furaha Somaliya ee 252, maadaama uu sheegay inuu yahay hanti qaran.

Jawaari, ayaa maanta hadalkan ka sheegay kulan uu Magaalada Muqdisho kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Boosta iyo Isgaadhsiinta Guuleed Xuseen Qaasim.

Shirkadaha Isgaarsiinta ee Somaliya ka jira, ayaa gacanta ku haaya furaha Telefoonada ee dalkii bur-buray ee Somalia, kuwaas oo marka dibadda laga soo diro Telefoonadu kusoo galaan gudaha Somalia 252. Wixii ka dambeeyay bur-burkii dalka, furaha 252 waxaa gacanta ku hayay shirkado gaar loo lee yahay.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya, ayaa wuxuu Dowladda uu ugu baaqay inay arrintaasi wada xaajood kala yeelato shirkadaha gaarka loo lee yahay ee dalka ka jira, si gacanta Dowladda loogu soo celiyo hantida Qaranka, isagoo dhinaca kalena ugu baaqay Shirkadaha Isgaadhsiinta in lagala hadlo, bixinta lacagaha canshuuraha ee Qaranku uu ku lee yahay oo uu sheegay inay taasi lagama maarmaan u tahay nidaamka dowladnimo.

Mr. Jawaari, ayaa ku ammaanay Shirkadaha Isgaarsiinta mudadii burburka inay shaqo wanaagsan qabteen, isagoo ku bogaadiyay inay hawl adag shacbiga Somaliyeed u qabteen, balse wuxuu sheegay in la gaadhay xiligii hantida ummada ee ay hayaan lagu wareejin lahaa qaranka.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews