Araweelo News Network.

 

Shirkaddaha Isgaadhsiinta Somaliland Oo Xukuumaddu Laashay Ruqsadihii Sharci Ee Ay Haysteen

Cabdiweli Sheekh Suufi,

Hargeysa(ANN)-Xukuuamdda Somaliland, ayaa laashay ruqadihii sharci ee ay ku shaqaynayeen shirkaddaha Isgaadhsiinta Somaliland ee ka hawl-gala dalka.

Wasaaradda Boosaha, Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegtay in ay gebi ahaanba laashay ruqsadihii ay ku shaqaynayeen Shirkaddaha Isgaadhsiinta ee dalka ka shaqeeya.

Shirkaddaha ayaa lagu amaray in ay dib u soo codsadaan qaadashada Liisamama Isgaadhsiinta, iyadoo ay wasaaraddu sheegtay in la waafajinayo xeer-nidaamiyaha adeegyada Isgaadhsiinta Dalka, kaas wasaaraddu ay soo saartay sannadkii tegey ee 2020.

Wargeyska Dawan oo ka mid ah warbaahinta dawladda oo soo xigganaya wareegto la sheegay in ay kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland Cabdiwali Suufi Jibriil, oo ku taariikhaysan 11/01/2021, ayaa lagu shaaciyay awaamiirta ay xanbaarsantahay wareegtadu.

Waxaana lagu socodsiiyeay Shirkaddaha, Telesom, Somtel, Golis Somaliland, Nationlink, Africa Online iyo Somcable, iyadoo wareegtada ogaysiin lagu siiyay Madaxweynaha, Wasiirka Maaliyadda, Guddoomiyaha Baanka, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshaddaha Somaliland.

Shirkaddaha isgaadhsiinta, ayaa loo qabtay in ay Liisanka cusub ku soo codsadaan muddo 30 Maalmood ah oo ka bilaabmaysa taariikhda wareegtadu soo baxday.