Hargeysa(ANN)-Shirkii golaha wasiiradda Somaliland, ayaa laga hadlay arrinta Doorashooyinka Golayaasha Wakiiladda Iyo kuwa deegaanka.

Sida lagu sheegay qoraal saxaafadeed kooban oo kulanka kadib kasoo baxay Madaxtooyadda, ayaa lagu sheegay in kal-fadhigii 32-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ay ku weheliyeen Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), oo maanta oo ay taariikhdu tahay 04/04/2019, lagaga dooday arrimo badan oo salka ku haya danta bulshada.

Qoraalka oo uu ku saxeexnaa Af-hayeeka Madaxtooyadda, Maxamuud Jaamac Warsame, waxa lagu sheegay in warbixin lagaga dhegaystay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo ka hadlay xaaladda amni ee dalka iyo muhiimadda ay leedahay adkaynta xasilloonidu.

Sidoo kale waxa golaha wasiirrada loo qaybiyey nuqullada siyaasadda dhulka oo ay soo diyaarisay wasaaradda Hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta oo muhiimad weyn u leh guud ahaanba bulshada reer Somaliland.

Golaha Wasiirradda, ayaa ku dheeraadeen diyaargarowga qabsoomidda doorashooyinka dalka kusoo foolka leh oo saaxiibada Somaliland ee beesha caalamkuna danaynayaan inay xilligeeda ku dhacdo, xukuumaddana ay ka go’an qabashada doorashada. Sida lagu sheegay qoraalka, balse laguma xusin go’aan wax ka bedelaya mawqifka xukuumadda ee ay isku Khilaafsan yihiin Xisbiga WADDANI, ee la xidhiidha arrinta doorashooyinka.

.