nimco hosen qawdhan1Hargeysa (ANN) Shirweynaha 4aad ee Ururka ay ku midoobeen xirfadlayaasha shaybaadhka Somaliland ee SOMLA, ayaa lasoo geba-gebeeyay. Kadib markii uu shalay ka furmay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Shirweynahii 4aad ee Ururka Shay-baadhistayaasha caafimaadka Somaliland ayaa lagu qabtay Hotelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, shirkaasi oo Socday Muddo laba Cisho ah ayaa waxaa furay Wasiirku xigeenka Caafimaadka, masuuliyinta ugu sareeya Ururka shaybaadhiistayaasha caafimaadka, waxaana ka soo qaybgalay ergooyin Ururkaasi oo ka yimid Gobolada iyo Marti sharaf Kale oo tiro badan.

Ugu horeyn waxa ujeedada shirka iyo qodobada lagaga hadli doono faah faahin ka bixiyey Agaasimaha Ururka Muxiyadiin Axmed Jibriil waxaanu yidhi “Shirwaynahani waa kii 4aad ee Ururka Mudo 2 Cisho ah ayuu Socon doonaa, Mudadaasi waxa lagu falan qayn doonaa wixii u soo qabsoomay mudadii uu jiray iyo Qorshaha Sanadaha Soo socda Ujeedada iyo Hiigsiga Ururka waxa intaa raaci doona oo aanu ugu talo galnay Xubnaha Gobolada ka yimid tobabar shan cisho socon doona oo aanu raacin doon, wasaarada Caafimaadkana aanu war galinay oo ay nagula socoto, shirkani wuxuu noqon doonaa mid aanu ku dooran doono Hogaan iyo Habsami u socodkiisa” ayuu yidhi Agaasimuhu

Gudoomiyaha Ururka khadar ibraahin Axmed oo khudbad ka jeediyey furitaankii shirkaasi ayaa ka waramay mudadii uu Ururka SOMLA jiray iyo waxyaabaha u qabsoomay waxaanu ku bilaabay “Waxay ahayd laba sano ka hor markii Xilka naloo dhiibay, mudadaasina waxbadani way noo qabsoomeen, waxyaabaha ugu waawayn waxa ka mid ah qalabaynta xafiis dhamaystiran shaqaale mushahar qaatay, qaabdhismeedka ururka oo dhan, qorshaha shanta sano iyo Tobabarada shaqaalaha shaybaadka, Halkan waxaynu ugu talo galnay laba hawlood oo isa saaran, ta hore waa doorkii 4aad ee shirwaynaha ururka shaybaadhiistayaasha iyo Tobabar aanu ugu talo galnay xubnaha Gobolada ka yimid oo sabtida bilaabmi doona marka uu kani dhamaado” ayuu yidhi khadar ibraahin

Wasiirku xigeenka Wasaarada Caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan ayaa ku dheeraatay Kor u qaadida iyo tayeynta Shaybaadka waxaanay ku amaantay shirka Ururkan SOMLA “shirku waa muhiim inay Bulshadeena wixii xirfadlayaal ahi Ururo isku sameeyaan, markaa runtii aadbaan ugu mahad celinayaa, waxa kale oo loo baahan yahay aqoonta Caafimaadka waa wax malin walba is badala isku xidhnaanta Ururku waxa kale oo ay faa’iido u leedahay in lala socdo oo laga war hayo isbadalka Caafimaadka ee dunida ka dhacaya, waxaynu u haahan nahay inuu shaybaadhkeenu noqdo mi tayo leh” ayey tidhi Nimco Xuseen Qawdhan

Dhinaca kale intii uu shirkaasi Socday ee Labad Maalmood ahayd ayaa waxaa lagu lafa guray oo laga dooday xeerarka iyo qawaaniinta ururka oo wax ka badal iyo kaabisba lagu sameeyey, ugu horayn Shirkan ayaa waxaa lagu Doortay 12 xubnood oo noqon doonta gudida fulinta ururka SOMLA ee 2 sano ee soo socota, Xubnahan oo ayaa ka kala yimid Gobolada Dalka.

Gudidaasi ayaa waxaa iyaguna ay iska dhex doorteen gudoomiyaha ururka SOMLA oo loo doortay Khaddar Ibraahin Maxamed oo horena u soo ahaa Gudoomiyaha xilku ka dhamaaday ayaa mar labaad lagu cumaamaday, sidoo kale waxaa isna Gudoomiye ku xigeen loo doortay Cali Axmed Cali oo ay ugu dambayntii Cod ku meel mariyeen Dhamaan ergada Kasoo qayb gashay Shirkaasi.

Gabo gabadii waxaa hadalo dhiiri galin iyo mahadnaq ah isugu jira ka jeediyey gudoomiyaha dalada sonyo Mubaarik Ismaaciil taani oo ka mid ahaa gudidii madaxa banaanayd ee doorashada, oo u hambalyeeyey sida xilkasnimada leh ee ay xubnaha Ururka SOMLA u soo doorteen hogaankooda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somliland Dr. Cismaan Xuseen oo soo xidhayey shirkan socday labada maalmood, ayaa u mahad celiyey dhamaan xubnaha ururka SOMLA iyo ururada kale ee dhanka caafimaadka kala shaqeeya, wuxuuna isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi, “waxaan Hambalyo u dirayaa dhamaan xubnihi iyo Hogaanka Ururka ee halkan lagu doortay oo aan leeyahay wada shaqeeya, waxaanan idiin soo jeedinayaan inaad kobcisaan oo aad wax wayn ka qabataan shaybaadhka idinka oo la kaashanaya Wasaarada Caafimaadka oo idinkala shaqayn doonta”waxaa kale oo uu yidhi isaga oo hadalkiisa sii wata”waxana filayaa ururkan somla in uu yahay kii nagala shaqayn lahaa sidii caafimaadka iyo baadhitaanka wada jaarka lala tago oo lacago badan ay ku baxdo, dadkana ay taasi u fududaan doonto”ayuu yidhi Dr Cismaan Xuseen.
Araweelo News Network

Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com