Haregeysa (ANN)- Shirweynaha Xisbiga KULMIE, ayaa si rasmi ah maanta uga furmay huteelka Maansoor ee Magalaada Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Madaxeeyne Ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici, Masuuliyiin kale ayaa ka qaybaglay Shirkaa oo ay fadhiyaan in ka Abadan 1200 Ergay., martisharaf ka yimi dhinaca Dalka Ethiopia Iyo meelo kale.

mudada uu Shirku socdo oo saddex maalmood ah, waxa shirka hoggaaminaya Guddoomiye Cabdikariim. Xinif Guddoomiye loo doortay, Cali Caliyow Iyo Cabdulaahi Cukuse.

Shirka ayaa lagu dooranayaa hoggaanka Xisbiga, waxaana lagu ansixinayaa xubnaha golaha Dhexe, iyadoo maalinta Beriga ah ergooyinka shirku eegayan xeerka Xisbiga Iyo waxyaabaha lagu kordhiyay.