Hargeysa (ANN)- Shirweynaha Qaran ee warbaahinta Somaliland, ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Shirkaa oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Warfaafinta Somaliland, waxa ka soo qayb galay Xubno ka tirsan golaha Wasiirada, saraakiil, ka socotay labada Xisbi Mucaarad ee UCID Iyo WADDANI. hoggaanka sare ee Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee Solja, Wariyeyaasha kala duwan ee warbaahinta madaxa bannaan Iyo kuwa dawliga ah.

Sidoo kale, waxa Shirkaa ka qaybgalay marti sharaf uu ka mid ahaa Wasiirkii hore ee Warbaahinta Dalka Kenya Iyo aqoonyahano qaarkood Somaliland wax ka qoreen.

Madasha shirka, ayaa lagu soo bandhigay dhibaatooyinka ku gedaaman Saxaafadda Somaliland, marxaladihii ay Saxaafadda soo martay iyo sidii loo maarayn lahaa dhibaatooyinka horyaal, waxaana la filayaa in falanqayn Iyo doodo wax ku ool ah kasoo baxaan shirka oo soconaya laba maalmood.

Madasha shirka, ayaa lagu soo bandhigay dhibaatooyinka ku geddaaman Saxaafadda Somaliland, marxaladihii ay Saxaafadda soo martay iyo sidii loo maarayn lahaa dhibaatooyinka horyaal, waxaana la filayaa in falanqayn Iyo doodo wax ku ool ah kasoo baxaan shirka oo soconaya laba maalmood.

Wasiirka Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo oo Shirka furay, ayaa sheegay inay Xukuumadda ka go’antahay la shaqaynta, horrumarinta iyo kor u qaadida Warbaahinta kala duwan, waxaanu xusay inay dedaal ugu jiraan sidii loo yarayn lahaa xadhiga Suxufiyiinta iyo xad-gudubyada kale ee loo geysto, taas bedelkeedana looga baahan yahay Wariyeyaasha iyo qalabka Warbaahintuba inay ilaaliyaan Anshaxa iyo Masuuliyadda ku waajibtay.

Maxamed Kaahin Axmed Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Hinda Xirsi Gaani Wasiirka Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, ayaa dhankooda sheegay inay Warbaahintu ku kacdo khaladdaad badan oo sabab u noqda dhibaatooyinka loo geysto, waxaanay soo jeediyeen in la abuuro jawi bad-qaba oo lagaga baaqsan karo cabashooyinka jira.

Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Qaranka Cawaale Ibraahim Shirwac iyo Wasiirka Boosaha, Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Qaranka, ayaa  iyaguna dhankooda tilmaamay inay Warbaahintu kaalin muhiima ku leedahay horumarka Dalka iyo dheeli-tirka Dawladnimada.

Waxa ay sheegeen in qaybo kamida qalabka Warbaahintu hoos u sii dhacayaan, loona baahan yahay in la tayeeyo, si aan mustawahoodu u lumin. “Shaqada Saxaafaddu 2030-ka waxay kamid noqonaysaa shaqooyinka saaxada ka baxaya, markaa waxa loo baahan yahay in laga fekero sidii xal lagu ilaalin lahaa” sidaa waxa sheegay Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Maxamuud Sheekh Cabdillaahi Cige .

Guddoomiyaha Ururka Solja Maxamuud Cabdi Jaamac iyo Agaasimaha guud ee Ururka SOLJA, Yaxye Maxamed Cabdi oo shirka ka hadlay ayaa ku dheeraaday horumarrada ay gaadhay Saxaafadda Somaliland sannadihii u dambeeyey iyo caqabadaha wali jira ee u baahan inay xal ka wada gaadhaan dawladda iyo Saxaafadduba.

Mid kamida Caqabadaha jira oo doodadda shirka ku soo noqnoqday ayaa ah in sifo sharci-darro ah lagu xidho Wariyeyaasha, waxa kale oo ay xusseen inay jiraan fursado badan oo ay haysato Warbaahintu.

Shirweynaha qaranka ee Saxaafadda Somaliland 29, Dec 2018. Hargeysa Maansoor.

Carraale Maxamuud Jaamac oo ku hadlayey Afka Ururka Warbaahinta Online-ka Somaliland (Somaliland Online Media Association SOMA) oo shirka ka hadlay,, ayaa sheegay in doorka Warbaahinta casriga ah ee ku shaqaysa Internet-ku ay tahay mid xaasaasi ah oo faa’ido iyo halisba huwan, waxaanu tilmaamay inay juhdi badan ku bixiyeen sidii ay dhinaca toggan ugu shaqayn lahayd Warbaahintaasi, laakiin wuxuu xusay in Xukuumadda iyo Hay’addaha ka shaqeeya horumarinta Saxaafadduba ka gaabiyeen ka shaqaynta bad-qabka Warbaahintaa oo ah mid doorkeeda iyo awoodeeda la dafiri karin.

“Taariikh badan ayey soo martay Warbaahinta Mareegaha Internet-ku, waxaana hubaal ah inay tahay xilligan Warbaahinta ugu awoodda badan ee caalamka ka jirta ee Waraabisa baraha Bulshada oo dhan (Social Media) ” ayuu yidhi Mr. Carraale Maxamuud Jaamac Guddoomiye ku-xigeenka Ururka SOMA.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay Carraale Maxamuud jaamac, samaynta Ururka Warbaahinta Online-ka ee (Somaliland Online Media Association) ee (SOMA) oo uu sheegay in xeerkiisa ay kala hadleen xukuumaddii hore si loo habeeyo Warbaahinta Online-ka, balse ay dhinaca Wasaaradda War-faafinta ee xukuumadda ka socon weyday, welina aanay Urur ahaan ka hadhin sidii ay hadafkooda uga dhabayn lahaayeen.

Waxa kale oo shirkan hadallo ka jeediyey khubaro kala duwan oo saxaafaddeed iyo xubno ku hadlayey afka Ururrada la shaqeeya Warbaahinta, kuwaasoo siyaabo kala duwan uga hadlay heerka ay Warbaahinta Somaliland xilligan marayso iyo toobiyaha ay ku socoto.

Shirkan oo la soo gabagabeyn doono Maalinta Axadda ayaa waxa gunnaanadkiisa laga soo saari doonaa War-murtiyeed ku saabsan waxyaabaha lagu gorfeeyo muddada uu socdo ee labada maalmooda.

Furitaanka Shirkaa Iyo qaar ka mid ah Masuuliyiinta ka hadashay halkan ka Daawo.