Hargeysa(ANN)– Shirweynaha Tignoolojiyada (Somaliland ICT Conference 2019), ee  heer qaran oo si weyn loo soo agaasimay, ayaa saaka ka furnay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Shirweynaha, waxa ka qayb-galay madaxweyne ku-xigeenka  Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Seylici, Wasiiradda, Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Wasaasradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi (Suufi, Agaasimaga Guud ee Wasaradda Cali Cabdullaahi Daahir,Xubno kale kale oo ka tirsan Xukuumadda, ayaa ka qaybgalay shirkaa.

Shirkaa oo ay soo qabanqaabisay Wasaasradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland oo kaashanaysa Wasaaradda Maaliyadda, waxaana  sidoo kale ka qaybgalay oo shirkaddaha waaweyn ee Isgaadhiinta sida Telesom,  Dahabshiil Group iyo sidoo kale Shirkadda Somcable, kuwaas masuuliyiin ka socday hadlo ka jeediyeen, sidoo kale wax aka qaybgalay shirkaa  Masuuliyiin ka socotay  shirkaddaha yar yar ee ku shaqeeya Tignoolijiga ay qaybiyaan shirkaddaha waawey ee ka hawlgala dalka iyo masuuliyiin ka socday Jaamacaddaha Dalka.

Wasiirka Wasaasradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi (Suufi,  Araweelo News Network 7 Sep 2019
Wasiirka Wasaasradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi (Suufi), Araweelo News Network 7 Sep 2019

, Agaasimaga Guud ee Wasaradda Cali Cabdullaahi Daahir, ayaa sharaaxd ka bixiyay ujeedada shirkaa iyo ahmiyada uu qaranka leeyahay, ayaa sheegay in ujeedada shirkan oo kii ugu horreeyay ee noociisa ah la doonayo in mudada labada maalmood ee uu socdo laysku weydiiyo Somaliland dhanka  Tignoolojiyada halka ay u socoto, caqabadaha jira  sidii looga gudbi lahaa, wuxuuna xusay in arrimaaha lagaga hadlayp shirka inta uu socdo.

 Agaasimaha Guud ee Wasaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland Cali Cabdullaahi Daahir,  raweelo News Network 7 Sep 2019
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland Cali Cabdullaahi Daahir, raweelo News Network 7 Sep 2019

Wasiirka Wasaasradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi (Suufi, oo ka hadlay furitaanka shirka, ayaa sheegay inay samaynayaan xarun dhinaca Tignoolajiyadda ah  oo lagu tababarayo dhalinyarada, “Xukuumaddu waxay samaynaysaa xarun lagu tababarayo dhalinyarada iyo dadka xirfadlayaasha Tignoolajiyadda, waxaana arrintaa la kaashanaynaa  shirkaddaha waaweyn iyo Hay’addaha caalamiga ah. Waxan samaynayaa Xarunta Ganacsiga Tignoolajiga (ICT Business) si aan dadkeena da’ayarta ah ugu tababarno sidee ganacsi loo sameeyaa, sidee loo suuq geeyaa iyo sidii macaamiishaada ama dunida loola xidhiidhaa.”

Wasiirka Horrumarinta Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa dhankiisa sheegay inay filayaan in shirkaa ay kasoo baxdo iskaashi  ka dhexeeya Xukuumadda, Shirkaddaha Isgaadhiinta iyo Jaamacaddaha Dalka, waxa kale oo aan filaaya inay kasoo baxdo in qaybtan oo muhiim ah aynu xoojino.

Madaxweyne ku-xigeenka  Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Seylici, ayaa sheegay in marka laga hadlayo Tignoojiga ay ganacsatadeenu inta isticmashaa ay aad u yar tahay, isagoo yidhi, “Ganacsatadeena in yar ayaa isticmaasha Tignoolajiga ee aan Softiwere isticmalayn, waxa  haysata dhibaato, waxaana waqtiga ka luminaya intii warqad, qalin iyo File isticmaalayo, markuu  Softiwere isticmalayona, waxa daqiiqado lagu helayaa wixii la baadhayay ee marka kale qaadan lahaa saacado badan, waana inay ganacsatadu fahmaan isticmaal la’aanta Tignoolajigu inuu kala maqanyahay wax badan.” Ayuu yidhi, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

Guddoomiyaha shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom, Cabdikariim Maxamed Iid, ayaa khudbad uu ka jeediyay madasha shirkaa ka sheegay horrumarka Tignoolajiga dinda iyo sida ay shirkadda Telesom uga go’antahay in ay Somaliland la tartanto dunida horre u martay, isagoo ka sheekeeyay adeegyada ay shirkad ahaan u qabtaan bilshada iyo doorka muhiimka ah ee ay kaga jiraan horrumarka dalka.

Sidoo kale, waxa halkaa ka hadalo ka jeediyay masuuliyiin ka socotay shirkaddaha Dababshiil Group  Xasan Sheekh Suufi iyo Cabdiweli oo ka socday shirkadda Somcable, waxayna ka hadleen adeegyada ay qabtaan iyo doorka ay shirkaddahaasi ku leeyihiin horrumarka la doonayo in lagu sameeyo Tignoolajiga.

Shirkaa oo noqonaya kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee lagu qabtay Somaliland, waxaana la filaaya in ugu yaraan faham guud ay iyo sidii loo horrumarin lahaa Tignoolajiga lagu qaadaa dhigo.