araweelonews-300x168
Hargeysa(ANN)Shirweynihii 7aad Dallada Dhalinyaradda Somaliland ee SONYO, ayaa guuldaraystay, isla markaana ku dhamaaday natiijo la’aan. Kadib markii shirweynaha SONYO, oo maanta ka furmay Hotelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa buuq iyo sawaxan hadheeyay, isla markaana gacan ka hadal iyo Fawdo isu beddeshay madasha la doonayay in shirkaa lagu qabto.

Buuqan qalalaasaha wata ayaa waxa sababay maamul xumo iyo musuq-maasuq badheedha oo ay la yimaadeen Gudoomiyaha xilku ka dhamaaday iyo Agaasimaha Dallada Sonyo oo hab qabyaaladeed ugu kala eexanaya labada Musharax ee Doorashada ku tartamaaya, iyagoo Musharaxii ay taageersanaayeen markii ay ku qanceen in laga Olole iyo taageero batay go’aansaday inay sameeyaan falal ay ku carqaladaynayaan in doorasho ka qabsoonto Hoolkii Shirku ka socday. Kadibna ay ku kaceen inay meeshii ka dhex abuuraan kooxo maafiyo ah oo ku dhex dagaalamay goobtii shirku ka socday, taas oo sababtay in iyadoo aan loo codayn Labadii Musharax la xidhay shirkii, kadib markii laga qufushay Hoolkii Xubnihii Ergada u ahaa ee Gobalada kasoo jarmaaday iyo guud ahaanba kasoo qaybgalayaashii shirka
Lama saadaalin karo halka uu ku danbayn doono aayaha mustaqbal ee daladan Sonyo oo muddooyinkii u danbeeyay isu dhalan rogtay urur ka mida Xukuumada Silaayo, iyadoo ay guud ahaanba ka rajo beeleen Bahweynta Dhalinyarada Somaliland iyagoo kaga maagay falalkan aan Maamuladii hore ee Dalada soo maray aanay samayn jirin, isla markaana ah dhaqan ku cusub Ururka oo uu la yimi Gudoomiye Maanofeesto, isla markaana u muuqata inay SONYO gacantiisa ku bur-buray Gudoomiyaha xilku ka dhamaaday iyo Agaasimaha Sonyo oo deegaan keliya kasoo wada jeeda.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com