sonsof1Hargeysa(ANN)Shirweynihii afraad ee dallada Ururrada bulshada rayidka ah ee Somaliland – SONSAF lagu qabtay caasimadda Hargeysa, ayaa lagu doortay hoggaan cusub oo maamuli doona muddada labada sanno ee soo socda.

Shirweynahan oo lagu qabtay huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa shalay, waxa furitaankiisii ay ka qaybgaleen Madaxweyne-ku-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Saylici, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo madaxda axsaabta siyaasadda iyo sidoo kale ergooyin fara badan oo ka kala socotay jilayaasha aan dawliga ah ee Somaliland oo ku midoobay dalladan.

Guddoomiyaha SONSAF Mr. Mustafe Sacad Dhimbiil oo hadal ka jeediyey shirweynaha, ayaa ka warramay heerarka kala duwan ee dalladu soo martay tan iyo markii la aasaasay sannadkii 2008-dii, qaybaha bulshada ee dalladu ka kooban tahay iyo doorkii ay ka ciyaareen horumarka dalka, gaar ahaan doorashooyinkii u dambeeyey ee qabsoomay sannadihii 2010 iyo 2012-kii.

“Waxyaabaha aannu ka shaqayno ee hawlahayaga ugu sarreeya waxa ka mid ah ka wahadalka siyaasadda (policy dialogue), in arrimaha siyaasadda bulshada rayidku intay fadhiisato ay ka tashato, iyagoo mar walba gacan siinaya golayaasha Qaran ee inoo dejisan, xisbiyada siyaasadda ee inoo samaysan xidhiidh wanaagsan oo dhaw ayaanu leenahay. Sidoo kale, waxyaabaha ugu badan ee aannu ka shaqayno waxa kow ka ah dimuqraadiyadda, labadii doorasho ee ugu dambeeyey oo ah intii ay jirtay SONSAF ee kala qabsoomay 2010-kii iyo 2012 waxaannu ka shaqaynay goob-joogayaashii gudaha ee doorashada la socday oo ah meelaha aad muhiimka u ah,” ayuu yidhi Mustafe Sacad.
Murrashaxa jagada Madaxweynenimo ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee xisbiga WADDANI Maxamed Cismaan Fadal, ayaa iyaguna ka hadlay doorka muhiimka ah ee SONSAF kaga jirto geedi-socodka hannaanka dimuqraadiyadda Somaliland, waxaanay ugu hambalyeeyeen dallada shirweynaheeda afraad.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Ku-simaha Madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa hano-qaadka dalladda SONSAF ee metalaysa ururrada bulshada Somaliland ku tilmaamay mid tusaale u ah dhismaha qaranimada dalka, isagoo ku ammaanay kaalinta ay kaga jiraan toosinta maamul-wanaagga iyo horumarinta dimuqraadiyadda.

Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Qaran wanaaggiisa iyo quruxdiisa waxa laga dheehdaa bulshadiisa rayidka ah, waxay ilaaliyaan shaqada dawladaha, masuuliyadduna dadka way wada saaran tahay, waxa laga yaabaa in mar walba diiradda la saaro dawladda uun hadday maamulkeedu xun yahay iyo hadday musuqmaasuq ku dhaqanto, laakiin waa in cid kasta oo innaga mid ahi waxay hayso nidaam waadax ah oo aan musuqmaasuq lahayn ka dhigto iyo qof waliba isagu isa saxo, waxaynu u baahannahay in aynu noqon qaran ku wadashaqeeya hufnaan (Transparency).”

“Markaa ururradeena bulshada waxa looga baahan yahay iyagaa inta ugu badan qaybaha bulshada matala ee inay wax saxaan, waayo inta aqoonta lehi waxay fursad u heshay markaa inay wax saxdo, iyadoo ka reebban qabyaalad, saaxiibtinimo iyo nin-jeclaysi, markaa waxaan idinku boorinayaa dalkeenna qabyo badan baa jirta ee in aynu ka wadashaqayno,” ayuu yidhi Md. Saylici.

Mustafa Sa’ad Dhimbil, Chairperson
Amina F Arshe, Vice Chairperson
Mohamed S Hersi, General Secretary
Nafisa Yussuf Mohamed
Hassan Mohamed Jama “Heiss”
Hassan Bulbul
Anwar M Warsame
Fahma Essa Yussuf
Faisa Aw Ali
Chief Mohamed Ali Dallin
Sheikh Mohamed Abdullahi Omar
Abdiwahab Maah Muhumad
Ahmed Hashi
Mustafa Mohamed Dahir
Hussein Buuri
Mustafe Abdullahi Fumbe
Ahmed Abdi Ismail

Shirwaynahan oo la soo gunnaanaday gelinkii dambe ee shalay, ayaa lagu doortay hoggaanka cusub ee SONSAF maamuli doona sannaha soo socda, iyadoo halkaasi Guddoomiyaha dalladda si aqlabiyad ah dib loogu doortay Mustafe Sacad Dhimbiil oo isagu xilkaasi hore u hayey labadii sanno ee la soo dhaafay, waxaanay shirkan iyo doorashadiisuba kaga duwanayd kuwii ka horreeyey khilaaf la’aan in si buuxda la isugu raaco doorashada xubnaha hoggaanka iyo guddoomiyahaba.