Araweelo News Network

 

Komishanka Maamul-wanaagga iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa Jamhuuriyadda Somaliland.

Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha Komishanka Maamul-wanaagga iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegay inay goob-joog ka noqon doonaan dhammaan xil-wareejinaha hay’adaha kala duwan ee xukuumadda cusub ee la filayo inuu soo dhiso Madaxweynaha la doortay Md. Muuse Biixi marka uu xilka kala wareego Madaxweyne Siilaanyo toddobaadyada soo socda.

Guddoomiyaha Komishanka Maamul-wanaagga iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa Mr. Axmed Jaamac Maxamuud oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa magaalada Hargeysa , waxa uu sharraxaad ka bixiyey qorshe casri ah oo hay’addiisu ku diiwaangelisay xogta wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee qaranka, taas oo uu sheegay inay sal u noqon doonto xil-wareejin kasta oo dalka ka dhacda mustaqbalka.

“waxa lagu jiraa kala-wareegga xil-wareejinta labada madaxweyne ee soo socota haddii Ilaahay ka dhigo, wasiirro cusub ayaa iman doona sida la filayo amma la rajeynayo inuu Madaxweynuhu xilal u magacaabo dad cusub, dad horena la beddeli doono. Markaa hay’ad ahaan aniga oo iminka xilka hayey guddoomiyenimo muddo lix bilood ah, lixdaas bilood waxaan sameeyey wax aannu qarankani hore u lahayn oo ah DATABASE (in xogta qaranka lagu kaydiyo kombuutar) ay ku jiraan hantida qaranka ee ma-guurtada ah iyo ta guurtada ah. Waa xog sugan oo wasaarad kasta, hay’ad kasta, dawlad hoose kasta oo dalku leeyahay ah oo dhammeystiran.

Waxaan uga socdaa, xilalka wasiirradu ku wareejinayaan wasiirrada cusub amma wasiirku wasaarad kaleba ku wareegayaba, maadaama aannu xogtii hayno waxa la wareejinayo in aannu goob-joog ka ahaanno oo tirsiga xilka, annaga oo sidanna nuqulkii wixii aannu haynay ee xogta ahaa inuu wax sax ah yahay, isla markaana hubinayna in aannu wax qalad ah dhicin, oo ay noqoto in aannu lunsi meesha ka iman oo musuqmaasuq ah,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
Waxa uu intaa sii raaciyey, “Farriintaas ayaan doonayaa inaan gudbiyo oo xil-wareejin kasta aannu goob-joog ka noqon doono, haddii Ilaahay idmo, hay’ad ahaan iyo komishan ahaanna annaga oo diyaarinay sidii qaabkii iyo foomamkii wasiirrada cusub amma hawlwadeennadaas cusub ee la magacaabaa, iyaguna waxaa ay la wareegaan u saxeexaan oo data-da uu u galo, oo hadhaw maalinta xil waa meertee, maalinta uu xilkaas ka tago isaguna waxa uu gudbinayaa waxaas ay tahay.”

Waxa kale oo Database-ku noqonayaa wixii ku soo kordha mar walbana dee in la cusuboonaysiiyo oo lagu kordhiyo wixii ku soo kordhay, wixii ka baxayna laga saaro oo ay noqoto wax sugan oo qaran leeyahay oo lagula xisaabtami karo cid kasta oo xil loo dhiibo hantida qaranka,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Komishanka Maamul-wanaagga iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa.

Guddoomiyaha oo la weydiiyey su’aal ahayd in hay’adaha dawladda ee ay baadhayaan ay ku jirto Wasaaradda Madaxtooyada oo hanti badan u haysa qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu ku jawaabay; “Annagu xil ayaanu u haynaa qaranka oo la noo igmaday, xilkaas aannu u haynaana waa toosinta maamulka xumaaday iyo wixii musuq ah ee aannu aragno. Nalama odhan wasaarad hebla waa wasaarad aydaan taaban karin, wasaarad heblana waad taaban kartaan, xilka qarankuna waa isku mid oo haddii ay noqoto xafiiska Madaxweynaha ma jiraan wax noo diidaya in aannu galno oo baadhno, xeerka aannu ku shaqayno ayaana na siinaya oo waxa aannu nahay hay’ad dastuuri ah oo qaran oo xeer ayey leedahay hay’adani, markaa maaha in aannu cid gaar ahna uun calaamadsano ee waa xil aannu qaranka u wada hayno in aannu wada baadhno ama wada diwaangelino wax kasta oo ah hanti qaranku leeyahay,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.