Muqdisho(ANN)-warbaahinta Magaalada Muqdisho qaarkood, ayaa maalmihii u danbeeyay soo tebiyay in xarakada Al Shabaab ay joojiyen dayactirka garoonka Stadium Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.


Warbaahinta maxaliga ayaa ku soo warramay in Al Shabaab ay ku amartay shaqaalihii ka shaqeynayay in aannay u shaqo tegin dayactirka garoonka ilaa iyo amar dambe.

Al-shabaab ayaa la sheegay inay la xidhiidhay shirkadda qaadatay qandaraaska dib u dhiska garoonka, iyo shaqaalihii ka hawl geli laha, kadibna ay ku amartay in aannay sii wadin shaqada ay ka wadaan garoonka oo gebi ahaanba aannay kasoo xaadirin shaqada, walaw BBC-da oo warbixntaa baahisay xustay in aannay u suurtagelin in amarkaa ay si madax banaan uga xaqiijiso shirkadda laga joojiyay shaqada dayactirka garoonka Muqdisho.

Markii uu soo baxay warkaasi, waxaa garoonka uu dib u dhiska ka socday booqday mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaas oo uu horkacayo ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka iyo wasiiro kale, waxayna beeniyeeen wararka sheegaya in shaqadii garoonka loo hakiyay amar ka soo baxay Al-Shabaab.

Wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka hadlay gudaha garoonka, intii ay ku guda jireen booqashada ayaa beeniyay wararka sheegaya in shaqadii ka socotay garoonka ay joogsatay.

“Waxaan ballan qaadaynaa in Stadium-ka uu mar dhaw dhamaan doono, haddii ay wax ay jiraan, dowladda waa ay baadhi doontaa, haddii shirkaddii qandaraaska la siiyay ay hakisay shaqada ama heerkii lagu heshiiyay ka yar ay shaqadu u socoto waa la baadhi doonaa, haddii ay ku caddaato in dembi ay gashay tallaabooyin ayaa laga qaadi doonaa”, ayuu yidhi wasiir Maareeye.

Sidoo, Wasiir Maareeye, ayaa sheegay in baadhitaan ay ku samayn doonaa warbaahintii baahisay in shaqada la joojiyay iyo cadaymaha ay u hayaan.

Arrintan ayaa noqotay mid ay aad u hadal hayeen dadka reer Muqdisho in badan oo ka mid ah maalmihii la soo dhaafay.

Ururka Al Shabaab ayaa la sheeay in aannay ogoleyn Ciyaaraha, waxayna horre amar u dul dhigeen garoomada yar yar ee lagu Ciyaaro kubada cagta ee ka dhisan Magaalada Muqdisho oo sannadii u danbeeyay kusoo badanayay Soomaaliya, kuwaas oo ay samaysteen dad shacab ah.

Sanadkii 2018-ka ayay ahayd markii Al Shabaab qarxiyeen ciyaar ka socotay garoon kubadeed oo ku yaala Magaalada Baraawe, halkaas oo ay ku dhinteen 4 qof.

Al Shabaab ayaa sidoo kale horre u mamnuucday in ciyaaraha laga daawado deegaanada ay maamulaan.
Saameynta Al Shabaab ee Muqdisho

Inkastoo dowladdii kumeel gaadhka ahayd ee Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ay Al Shabaab kala wareegtay gacan ku heynta guud ahaan Magaalada Muqdisho sanadkii 2011-ka, balse Al shabaab ayaa hawlgalo ka fuliya magaalada iyo deegaamo kale, waxayna weerarradaa iyo qaraxyo wada spcda la beegsadaan xarumaha dawadda, waxayna arrimahan hadda muujinayaan inay weli muuqato in Al Shabaab saamayn ballaadhan ay ku leedahay magaalada Muqdisho, marka laga soo tago weerarrada ay ka geystaan gudaha Magaalada.

Al Shabaab ayaa lala xidhiidhiyay go’aan ka gaadhista arrima dhowr ah, waxaana cabsida laga qabo ay keentay in dad badan ay u hoggaansamaan go’aannada ururkaasi kusoo roggo Muqdisho, marka laga tago meelaha kale ee ay sida buuxda gacanta ugu hayaan.

Magaalda Muqdisho, waxa muddooyinkii danbe kusoo badanaya in dad badan ay guryohooda iyo goobohooda ganacsiga ku rakibtaan Kaamerada ammaanka (Security Camera), si ay ula socdaan dhaq-dhaqaaqyada aaga ganacsigooda sida hoteellada, dukaamada iyo guryaha la degan yahay, iyagoo aaminsan inay yareyn karto khatar walba oo amni iyo inay sahli karto dabagalka, haddii dhibaato amni ay la kulmaan, ama ay arkaan wax amnigooda lid ku ah.

Qaar ka mid ah ganacsatada oo ay BBC-da la hadashay horaantii sannadkan ayaa sheegay in Kamaradaha ay ku rakiban jireen gudaha iyo afaafka hore ee xarumaha ganacsiga, hasa yeeshee, arrintaas ay haatan meesha ka baxday, ka dib marii Al Shabaab ay amar ku bixisay in kuwa bannaanka hore ee Huteelada ganacsiga, Dukaamada iyo Guryaha laga saaro oo aan la ogolayn.

“Anigu waxaan dukaan ka furtay waddada Maka Al Mukarama, waxaan isku dayay in aan Kamarada ku xidho dukaankayga, balse ganacsatadii iga horreesay ee halkaas sii deganayd ayaa ii sheegay in Al Shabaab ay ku amreen in aanan wax Kamarad ah lagu xidhin afaafka hore ee dukaamada, marka annigu sidaas ayaan isaga daayay”, sidaas waxaa horaantii bishan BBC-da u sheegay mid ka mid ah ganacsatada Magaalada Muqdisho.

Ganacsadahan, oo sababo amni awgood ka gaabsaday in magaciisa la sheego, ayaa sidoo kale sheegay in arrintan ay tahay mid iska caadi ah, amarkanna uu hirgalay dhowr sanno ka hor.


Warbixinta, ayaa sheegtay in Kamarado ay dowladda Soomaaliya ku xidhay hareeraha waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda la bakhtiiyay, kuwaas oo aan shaqaynayn ilaa horaantii sannadkan.

Al Shabaab, ayaa caddaadis milatari kala kulma duqaymaha cirka ee diyaaradaha Mareykanka iyo hawlgallada ciidamada Dowladda, haddana wali waxaa muuqata in ay saamayn iyo ayidaad amarkooda loo hoggaansamo ku dhex leeyihiin bulshada dhexdeeda, taas sabab u ah in go’aano badan oo ay soo saareen si dhaqso ah uga dhaqan galaan magaalada Muqdisho