Warbixin: By. Carraale M Jaamac Freelance Journalist and Human Rights Activist

New Yor(ANN)-Dalalka Maraykanka iyo Iran, ayaa is dhaafsaday Maxaabiis, kadib markii Maraykanku sii daayay Saynisyahan u dhashay dalka Iiraan oo muddo ku xidhnaa dalka Maraykanka, waxayna xukuumadda Iran taa bedelkeeda sii deysay Sarkaal Ciidamada Maraykanka ka tirsan oo dhawr sannadood ay Iran ku haysay xabsi.

Madaxweyne Donald Trump, ayaa xaqiijiyay in Iran sii deysay sarkaalkaa, wuxuuna uga mahadceliyay Xukuumadda Tehran siideynta muwaadinka reer Mareykan. Madaxweyne Trump, wuxuu ku ka sheegay qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay, isagoo dhinaca kale ku sheegay qoraalka in siideyntii askariga ka tirsan ciidamada badda Maraykanka ay muujinayso inuu meel maray heshiiskii isweydaarsiga maxaabiista.

Sarkaalka Ciidamada Badda ee Maraykanka ee Iran sii deysay oo lagu magcaabo Michael White, ayaa laba sannadood ku xidhnaa xabsi aan la aqoon ku yaal Iran, waxaana la xidhay 2018-kii, isagoo dooday inuu doonayay in uu la kulmo haweenay ay xidhiidh lahaayeen oo ku sugnayd magaalada Mashhad ee dalka Iran, balse lama shaacin sabata loo xidhay, waxaase ninkaa qabtay sirdoonka dalka Iiraan oo ah kuwo il-dheer, iyagoo u arkayay basaas doonaya inuu Maraykanka u basaaso.

https://twitter.com/realDonaldTrump/status/1268670883121500160?s=20

Dhinaca kale, Maraynka ayaa xabsiga kasoo daayay Saynisyahan u dhashay dalka Iran oo lagu magcaabo Dr Sirous Asgari, oo ah Professor, cilmiga sayniska ah iyo injineerinka, waxaana si deyntiisa soo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda Iran Mohammad Javad Zarif.

Dr Sirous Asgari, oo ah Professor, cilmiga sayniska ah iyo injineerinka, ayaa la xidhay 2013, isagoo xilligaa Professor ka ahaa Jaamacadda Maraykanka ee Case Western Reserve University, kadib markii FBI, waaran u keentay, iyadoo lagu eedeeyay in uu jaamacad Maraykanka ku taal ka xaday qalab muhiim ah iyo baadhitaanada Sayniska.

Marar dhawr ayaa maxkamad la taagay Dr. Asgari, waxaana arrintiisa ka sokow dalkiisa ka hadlay Hay’addaha caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamaha iyo Warbaahinta caalamiga ah, tusaale ahaan Wakaaladda wararka ee Associated Press, ayaa warbixin ay ka qortay 4 April 2018, waxay ku tilmaantay kiisaska Saynisyahanka reer Iiraan mid ay saraakiisha FBI ku marin habaabiyeen garsooraha maxkamadda, waxayna ku tilmaameen mid sax ah markii Garsoore Maxkamadda Federaalka sheegay in aan Email-ka Dr. Asgari loo adeegsan karin maxkamadaynta, waxayna sabab u dhigtay in wakiilka FBI-da Timothy Boggs “isagoo og ama si taxaddar la’aan u sameeyay wax qalab ah” oo uu ku dalbaday amar baadhid iyaga maxkamad ahaan, 2013, U.S.

Xadhiga Dr Sirous Asgari, waxa si weyn uga cadhootay xukuumadda Iran, iyadoo Maraykanku kala kulmay canbaarayn kaga imanaysay Hay’addaha xuquuqda Aadamaha, waxase arrintiisu sii xumaatay markii uu xannuunka COVID-19, eek u faafay dunida gaadhay dalka Maraykanka, waxaana xilligaa sida ay qortay Guardian 28 Apriil 2020, soo baxday in Prof. Asgari uu haleelay COVID-19, isagoo codsaday in lasii daayo, balse waxa loo diiday in cusbitaal lageeyo, waxaana lagu wargeliyay qareenada Asgari in loo sii dayn doono kaliya oo Cusbitaal loo ogolyahay haddii ay ku adagtahay neefsashada, xukuumadda Tehran ayaa si weyn Maraykanka ugu canbaaraysay diidmada loo diiday Dr. Asgari in lala tacaalo xaaladdisa caafimaad.

Balse 1 Jun 2020, ayuu Dr Sirous Asgari, kusoo laabtay dalkiisa Iran, isagoo sida ay baahisay Theguardian ku faraxsan inuu xoriyadiisa helo oo ku laabto dalkiisa,  waxayna xukuumadda Iran si daysay Sarkaalka Ciidmada Badda Maraykanka ee Michael White, iyadoo ay labada dhinac xidhiidhkooda iyo siidaynta labada maxbuus ka shaqaysay Safaarada Switzerland ee Tehran oo xidhiidhisa Maraykanka iyo Iran oo tan iyo Kacaankii Iran markii ay safaararadaha kala qaateen, xilligaa oo la qabsaday Safaaradii Maraykanka ee Tehran.

Labada Dal ee Maraykanka iyo Iran, ayaa xidhiidhkoodu isku soo dhowaaday xilligii Madaxweyne Obama, balse Madaxweyne Trump, markii uu ku guulaystay doorashada wuxuu meesha ka saaray isu soo dhowaanshii labada dal, isagoo diiday heshiishkii lala galay Iran ee dhanka hubka, taas oo sii kicisay xiisada labada dal, waxayna xukuumadda Madaxweyne Trump, ayaa dishay jan 2020, Major General Haj Qasem Soleimani oo ahaa taliyaha ciidamada Quddus ee Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran oo duqayn dhanka Cirka lagu dilay duleedka Madaarka Caalamiga ah ee Ciraaq.

AKHRI: “waxaan xulufo  la noqonay  nadiifiyayaal, waa nacasnimo, Doqmo ayaan nahay” Trump

Tallaabadaa dilka Major General Haj Qasem Soleimani oo Madaxweyne Trump sheegay in uu amar ku bixiyay, ayaa muujisay sida siyaasad ahaan iyo Millateri ahaan loogaga adkaaday Maraykanka iyo xulufadiisa waxaana ka dhashay cadho weyn, iyadoo xukuumadda Iran u diashay in ka badan 50 Askarta Maraykanka ah, kadib markii ay duqaymo gantaalo la beegsatay saldhigyada Maraykanka ee Ciraaq, iyadoo dhinaca kale ku hanjabtay in Maraykanku wax badan ku waayi doono dilka Soleimani, waxayna rrintan sii kicisay xiisada Bariga dhexe iyo xaaladdii siyaasadeed ee u dhaxaysay Maraykanka iyo Iran.

AKHRI: Trump Oo Sheegay In Dalkiisu Qoomamaynayo Xulufada Khaliijka

Madaxweyne Trump, ayaa markaa wixii ka danbeeyay kusoo roggay Iran wuxuu ugu yeedhay cunaqabatayn,, wuxuuna taalaabooyinka cunaqabataynta saaray shirkaddo iyo ganacsiyo Iran leedahay, balse xukuumadda Iran ayaan dheg u dhigin hanjabaada Trump, iyadoo dhowaan shixnaddo Maraakiib ah u dirtay dalka Venezuela ee Latiin Amareerika, kaas Maraykanku saaray cunaqabatayn, waxayna Iran jebisay cunaqabatayntaa, iyadoo madaxweynaha Latin America uu ku dhawaaqay qorshe uu ku tagayo Tehran si xitaa heshiisyo iskaashi oo dheeri ah ay u yeeshaan labada wadan.

Sidaa awgeed sii deynta maxaabiista lays weydaarsaday ee labada dal uma muuqto mid wax ka bedelaysa xaaladda siyaasadeed ee Maraykanka iyo Iran, waxayna Iran xilligan kusii socotaa xidhiidhka aan gabashada lahayn ee ay la yeelanay cid walba oo neceb Maraykanka iyo sidii ay awooddeeda dhaqaale iyo siysaasadeed u meel marin lahayd si ay wax soo saarkeeda u gaashsiiso sayladaha iyo suuqyada dunida, sida uu sheegay horraantii sanandkan Hoggaamiyaha Kacaanka islaamiga ah ee dalka Iran Ayatollah Seyyed Ali Khamenei, halka Maraykankuna xilligan la daalaa dhacayo xiisaddaha siyaasadeed , kacdoonada iyo cuddurka COVID-19, oo Maraykanku noqday dalka uu saamanta ugu xun ku yeeshay, taas oo Maraykanka u muujisay mid ay meesha kasii baxay saamayntii dhaqaale, Millateri iyo siyaasadeed ee dunida ku lahaa.

AKHRI: Xaaladda Maraynka Oo Faraha Ka Baxday, Mudaharaadyada Oo Sababay In Albaabada Loo Xudho Aqalka Cad

Warbixin: By. Carraale M Jaamac Freelance Journalist and Human Rights Activist

Email: Jaamac132@gmail.com