Araweelo News Network

muuqaalkaqulqulkaqoxootigayurubNew York (ANN)Hay’adaha ammaanka Maraykanka oo iska xog-waraystay cabsida laga qabo in qaxootiga dalalka Bariga Dhexe isu beddelaan argagixiso qurbaha kula nool dadka reer galbeedka.

Sirdoonka Maraykanka, ayaa ka walaacsan in reer galbeedku waajahi doonaan halis aan hore loo arag oo kaga timaada argagixiso qurbo-joog ah oo ka dillaacda gudahooda.

Agaasimaha Hay’adda Dambi-baadhista Maraykanka ee FBI Mr. James Comey, ayaa ka digay in kooxo argagixiso qurbo-joog ah oo xoog badan ka soo baxaan dalalka reer galbeedka dhexdooda labada ama shanta sanno ee soo socda.

Agaasimaha FBI oo ay wehelinayeen Xoghayaha Ammaanka Qaranka, Jeh Johnson iyo Agaasimaha Xarunta Qaranka ee Ka-hortagga Argagixisada, Nicholas Rasmussen oo hortagay Aqalka Wakiillada Maraykanka (Congress) maalintii Salaasada si wax looga waydiiyo khataraha ammaan ee soo waajihi kara dalkaas 15 sanno kadib weerarkii 11-kii September, waxa uu werwer xoog leh ka muujiyey in kooxaha argagixisada ahi ay ka guuraan waddamadda Suuriya iyo Ciraaq oo ay qaab qaxootinimo ah ku galaan dalalka kale si ay u fuliyaan weerarro.
“Waxa jiri doona argagixiso qurbo-joog ah waqti uun muddada labada ilaa shanta sanno ee soo socda, taas oo ah mid aynaan weligeen arag hadda ka hor,” ayuu yidhi Agaasimaha FBI.
Haseyeeshee, James Comey waxa uu ku dooday inuu ku qanacsanyahay in si degdeg ah loo burburin doono kooxda la baxday dawladda Islaamiga ah ee ISIS, laakiin taa macnaheedu aanay noqon doonin dhammaadka argagixisada. Sidoo kale, waxa uu xusay in ay hoos u dhaceen muwaadiniinta Maraykanka ah ee u socdaali jiray Suuriya si ay uga barbar-dagaalamaan ururrada xagjirka ah.
Waxa kaloo uu dooddiisa burburinta ISIS ku ladhay khatar kale oo uu ku tilmaamay inay ka iman doonto dagaalyahanno markoodii hore ka tagay dalalka reer galbeedka oo dib ugu laabta waddamadoodii inay abuuraan cabsi ammaan oo cusub.
Dhinaca kale, Agaasimaha FBI-da iyo saraakiisha kale ee hay’adaha ammaanka wehelinayey waxay ka hadleen falal amni-darro iyo weerarro dhawaahan ka dhacay meelo ka mid ah Maraykanka, kuwaas oo loo tirinayo inay gaysteen xubno xagjir ah.