Hargeysa(ANN)-Seyid Cumar Dubbe Cali-yare oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland, isla markaana kasoo jeeda qoys taariikh facweyn ku leh Somaliland iyo geyiga Soomaalida, ayaa ka hadlay xaaladaha siyaasadeed ee dalka, arrimaha nabada ee deegaanka Fadhi-gaab ee Ceel-afweyn iyo khilaaf u dhexeeya Madaxweyne Biixi iyo Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale.

Sidoo kale Seyid Cumar Dubbe Cali-yare, wuxuu ka hadlay siyaasada Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo  Baaq muhiim ah u jeediyey Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi iyo Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale,

Cumar Dubbe, ayaa Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomalaiya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u soo jeediyey inuu aqoonsado Somaliland haddii uu doonayo inuu Taariikhda magac fiican ku yeesho.

Dhinaca kale, Siyaasi Cumar Dubbe oo 26-ka May 2020,  Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, wuxuu Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale ugu baaqay inuu dowladda si dhaqso ah ugu soo wareejiyo Nin dil ka geystay degmada Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag oo kasoo jeeda Bulshada uu Suldaanka u yahay, isla markaana uu ku soo laabto Miiska nabadda, isfahamka iyo isu-soo dhawaynta Dadka deegaanka uu Suldaanka u yahay.

Sidoo kale, Cumar Dubbe waxa uu Madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay inuu dib ugu celiyo Huteelka Hargeysa Clup oo uu maalgelin ku sameeyay Suldaan Siciid iyo Jaamac Karaaciin oo ah Orodyahanka caanka ahaa ee Somaliland, kadib markii heshiis ay la galeen xukuumaddii Daahir Rayaale ay Xukuumadda Madaxweyne Biixi u cusboonaysiisyay, balse ay Xukuumadda Somaliland dhawaan si lama filaan ah u sheegtay inay dib ula wareegtay,  sidaa awgeed wuxuu ugu baaqay Madaxweyne Biixi in uu ka laabto go’aankaa si loo soo afjaro khilaaf tallaabadaa Xukuumadda ka dhashay.